DOORKA ISKAASHATOOYINKA GANACSIGA DALKA

Iskaashato waa urur ay ku bahoobeen dad isku fikir ah oo ay ka dhexeeyso Hanti iyo Saami ayagoo isku raacsan hab-qeexan ee howl galka iyo miro dhalinta qeybta iskaashato ay mehrada ka dhigteen. Iskaashatadu oo qeybo  kala duwan leh ayaa waxay leeyihiin Guddi maamul oo howsha hag aka shir a lasocda shaqada iyo shaqaalaha.

Inkastoo iskaashatooyinka maanta si aan isleeyahay aysan laheyn hay’ad u gaar ah oo kulmisa guud ahaan oo ay ku hirtaan Ayaan hadana waxaa ay door ku leeyihiin hiigsiga shaqo abuur iyo hab-ganacsai abuur ah.

Waxaa jirtay iskaashitooyinka Beeraleyda Soomaaliyeed oo euntii kaalin wax ku ool ah waddanka ku lahaa gaar ahaan wax soo saarka dalqyada Beeraha ee waraabka iyo xilli roobeedba kaalin wax soo saar oo lagu diirsaday ayaa Dalka jireen.

Iskaashitooyinka Gaadiidka, Dhagax iyo Nuuriyada, Qareenada iyo kuwo kale.

Sida aan filayo maanta waxaa jira oo si wacan u howl gala iskaashato dhagax iyo nuuryada oo qeyb wax ku ool ah ka qaata habka dib u dhiska Dalka ee Guryaha iyo Dhismayaasha guud.

Iskaashitooyinkii Beeraha iyo Qareenada ayaa meesha ka baxay ilaa muddo sanooyin ah.

Haddii ay jirti iskashitada Gaadiidka Gobolka Banaadir iyo Gobolada kale ayaa weli aan aheyn mid sidii larabay ee awal hore ukala hagta habka Bl- ka iyo  Gawaarida Xamuulka iyo iwm.

Waa kaalin muhiim ah in dib- u habeyn lagu sameeyo, waxaa kaloo jira haatan iskaashitooyin yar-yar oo ay isugu tageen Ganacsato Soomaaliyeed oo kaalintooda ciyaara.

Habka iskaashitooyinka waxay abuuraysa ka haqab-tirka Bulshada waxyaabaha ay u baahi qabaan ayidoo dhinac kalena ay atahay mid abuurta dakhli dhaqaale kolka Cashuur bixiyaan ayna Rag badan ka faa’iidaan dhanka kale ee ku howlan howshaan.

Qodoolka Beeraha iyo waxsoo-saarka waa midleh ahmiyad Dhaqaale

Soomaalidu ayaa seddex qeyb oo ka mid ah noloshooda guud ay abaareen waa falashada Beeraha,Kalluumeysiga iyo dhaqashada Xoolaha nool. Haddii aan abaarno tan qodaalka Beeruhu waa mid munaan gooni ah leh oo daboosha daruuriga baahida cunto walow ay iskaabaan hadana dhanka xanaanada xoolaha iyo Kalluumeysiga wax soosaarka dalaqyada beeraha gaar ahaan geed miroodka khudaarta iyo furatadu waa mid aan looga maarmin isticmaalkooda dheeli tirka cuntada aadanuhu quuto.

Inkastoo hoos u dhac laga dareemo wax soosarkii heerka saree e dalku uu lahaa sida Galleyda, Haruurka iyo Digirta ayaa hadana Dalku kaafisaa inta lasoo saaro.

Waxa kaloo soosaarku khudaarta cagaaran, basasha, Bocorka ansalaatada iyo bigel oo wehliso liin dhanaanta aad ku arki kartid suuqyada inkastoo sicirku isbedbedelo. Sidaasi oo ay tahay  ayaa hadana la soo saaraa Muus walow tayadii hore uusan lamid aheyn hoos udhacna ku yimid ayadoo dhoofkiisa malaha meesha ay ka baxda.

Beeraha waraabka ayaa dadaal muujiya inkastoo webigu marna fataho marna uu guro taasoo caqabad ku ah wax soo saarka.

Waxaa yadadiilo wacan leh beeraley isku xil qaantay tijaabooyinka wax soosaarka Bariis noocyo kala duwan taasoo awal hore xarunta tijaabada ee Balcad guul wanaagsan ka gaadhay.

Beeraley ku dhaqan Gobolka Shabeellada dhexe gaar ahaan magaalada Jowhar ayaa ku guuleystay in dalka si wacan looga soo saari karo Bariis ilaa 5—7nooc ah.

Waa arrin soo dhaweyn iyo dhiiro-gelin mudan si markaasi kor loogu qaado wax soo saarka bariis tiro iyo tayo leh.

Dalka Soomaaliya waa dhul carro san ah gobolo badan kuna wanaagsan soo saarka Bariiska, sisinta iyo Qasabka laga dhaliyo Sonkorta

Arrinta si kastaba ha ahaatee waa in la dhiiro geliyaa Beeraleyda ku howlan wax soo saarka dalaqyada kala duwan ee dalka gaar ahaan soosaarka Muuska iyo Bariiska.

Beeraleyda waa in ay xooga saaraan daboolidda baahida bulshada ee dhinacyada wax soosaarka aasaasiga ah.

W/Q: Ibraahim Abuukar Cali (Fanax)