Deegaanka Laas-xaadow oo la gaarsiiyay Waxbarasho lacag la’aan ah ama bilaash ah

Deegaanka Laas-xaadow oo Dhanka Waqooyi Galbeed qiyaastii 30km ka xigta Magaalada Dhusamareb ayaa la gaarsiiyey Waxbarasho bilaash ah oo ay ka faa’iidaysanayaan dadka Deegaanka.

hirgalinta waxbarashadan bilaashka waxaa isku xilqaamay dhalinyarada Jaamacadaha wax ka barta iyo qaar soo dhameeyey kuna midoobay Naadiga Bidhaan.

Waxbarashadan oo laga bilaabayo heerka Hoose ee asaasiga ah ayaa loo bilaabay dadka deegaanka sida ka muuqatana waxa ay wax ku baranayaan sijaayado la dhigay oo ka samaysan geedo maadaamma meeshu aysan lahayn fasalo Kuraas iyo Miisas ay yaalaan.

Gudoomiyaha Deegaanka Cabdinuur Macalin iyo Gudoomiye ku-xigeenka Cabdullaahi Barre ayaa u mahad celiyey dhalinyaradan, waxa uu na xusay baahiyaha kala duwan ee meesha ka jira.

Ciise Maxamed Axmed oo ah macalin ayaa Bulshada Deegaanka ku booriyey inay ka faa’iidaystaan fursadaan Waxbarasho ayna ku xisaabtamaan inaan Dhalinyaradaan aysan jirin Cid kale oo taakulaysay, Balse garaadkoodu ku hagay dadaalkan.

Deegaano badan oo Miyiga ah ayaa dadka ku nool waxa ay ka faa’iidaysteen Waxbarasho si bilaasha lagu gaarsiiyey waxaana soo kordhaya dadka Wax-qora waxna aqriya ee ku nool tuulooyinka ka fog magaalooyinka ee Gobolka Galgaduud.

Mas’uuliyiin ka socda Hay,adaha Qaramada Midoobey oo gaaray Gaalkacyo

Mas’uuliyiin ka socda Hay,adaha Qaramada Midoobey, sida OCHA, WHO, UNICEF, UNHCR, IOM iyo WFP ayaa soo gaaray magaalada Gaalkacyo, waxaana si diiran ugu soo dhaweeyeen duqa Degmada Galkacyo Mudane Cabdiraxman sheekh xasan, kuxigeenkiisa Maxamed Cabdi Cilmi iyo Agaasimaha Guud ee wasaaradda Maaraynta MUsiibooyinka, waxayna kormeer shaqo si wadajir ah ugu tageen Isbitaalka guud ee magalada Galakcyo iyo xeryaha barakacayaasha ee magaalada Galkacyo sida Xaarxaar iyo kaamka Deegaan waxayna si dhab ah ugu kuur galeen xaalada Nololeed ee dadka Barakacayaasha ah.

Intaas ka dib Maamulka Degmada Gaalkacyo iyo kan Gobalka Mudug oo ay weheliyaan mas’uuliyiin sar sare oo ka socday wasaaradaha maaraynta masiibooyinka iyo Wasaaradda Caafimaadka Galmudug ayaa kulan gaar ah la qaatay Masuuliyiintaan ka socotay Hay,adaha UN-ka waxaana diirada lagu saaray arimaha Gargaarka iyo wada shaqaynta labada dhinac.

Duqa Muqdisho oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaar garowga xuska Maalmaha Xorriyadda

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa shir guddoomiyay kulan aan caadi aheyn oo ay goobjoog ka ahaayeen Saraakiisha Laamaha Amaanka qeybahooda kala gedisan, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Kuxigeenada Maamulka Gobolka Kaasi oo looga hadlayay u diyaar garowga xuska Maalmaha Xorriyadda ee 26 june iyo 1da Luulyo 2021.

Kulanka ayaa lagu gorfeeyay sugida Amniga Caasimada iyo Bilicda Magaalada, iyadoona laga soo saaray Awaamiir ku socoto Maamulada Degmooyinka si ay shacabkooda u gaarsiiyaan in Maalmaha Xorriyadda si weyn loo weyneeyo.

Awaamiirta soo baxday waxaa ka mid ah;-

In guryaha saaran Laamiyada la rinjiyeeyo lana Naleeyo, In Calamada Astaanta Qaranka la suro isla markaana cidkasta ay Nadiifiso horteeda, gaar ahaan goobaha danta guud, arrintaan oo qeyb ka ah weyneynta Maalmaha Xorriyadda Soomaaliyeed ee 26 june iyo 1da Luulyo 2021.

Ra’iisal wasaare Rooble oo la kulmay James Swan

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan la qaatay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan

Kulanka ayaa si weyn diirada loogu saaray howlaha doorashooyinka ee socda ee Ra’isul Wasaaruhu hoggaaminayo, dhammeystirka guddiyada doorashooyinka iyada oo Ra’isul Wasaaruhu sheegay in dhankiisa ay ka go’an tahay in waqtiga aan dib u dhac ku iman balse ay ku xeeran yihiin duruufo u baahan in dhammaan ay gacan ka geystaan dardargalintooda.

Kulanka uu Ra’isul Wasaare Rooble la qaatay Wakiilka Qaramada Midoobay waxa goobjoog ka ahaa Guddiga Farsamada Doorsashooyinka ee dhawaan uu magacaabay Ra’isul Wasaaruhu, kuwaas oo ka shaqeyn doono arrimaha farsamo ee mudnaanta u leh Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya si uu habsami uga fuliyo howlaha doorashooyinka ee uu xilsaaran yahay.

Sidoo kale, Ra’iisal wasaare Rooble iyo James Swan ayaa ka wada hadlay sida la isaga kaashan karo taageeridda dadka ku waxyeeloobay daadadka deegaanada Hirshabelle oo uu Ra’isul Wasaaruhu carrabka ku adkeeyay in ay muhiim tahay in si dhaqso ah kaalmo lala gaaro dadka tuulooyinka ay barakaciyeen daadadka Wabiga Shabeelle

Qodobada kale ee si weyn looga hadlay waxa ka mid ahaa Amniga, cadaaladda iyo cudurka corono virus iyo sidii loo dardar gelin lahaa tallaalka Covid-19.

Madaxweynaha Azerbaijan oo waraaqaha aqoonsiga danjiranimo ka guddoomay safiirka Soomaaliya ee Turkiga iyo Azerbaijan

Madaxweynaha dalka Azerbaijan HE Ilham Aliyev ayaa saaka warqadaha aqoonsiga danjiranimo ka guddoomay safiirka Soomaaliya ee dalalka Turkiga iyo Azerbaijan Ambassador Jaamac Caydiid.

“ Azerbaijan waxaan ka ahaan doonaa safiir aan fadhiyin oo xaruntiisu tahay Ankara, Turkey” ayuu yiri Danjire Jaamac.

Somalia iyo Azerbaijan waxay lahaayeen xiriir walaaltinimo, waxayna ku wada jiraan Ururada caalamiga ah ee OIC iyo UN.

Safiirka ayaa waxaa uu qoraalkiisa ku sheegay in dib u soo celinta xiriirka ka dhexeeyay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Azerbaijan uu fursad u yahay labada dal.

Ciidamada Xoogga Oo Sameeyay Howlgal Miino Raadin Ah.

Xoogga dalka Ciidamo ayaa howlgallo qorsheeysan kasameeyay degaanno katirsan Gobolka Shabeellaha hoose, halkaas oo ay Aragagixisadu ku Duugeen miinooyin.

Howlgalkaan waxaa isla sameeyey ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee xoogga iyo ururka 4-aad guutada 17-aad Ee kumaandooska xoogga gor-gor ayay kasameeyeen tuulooyin hoos taga degaanka bariirre ee gobolka Shabeelada hoose kuwaasi oo ay kamid yihiin Ballow iyo Nuunnaay.

Taliyaha uruka 4-aad ee kumaandooska xoogga dalka gor-gor ayaa sheegay in howlgalka Ciidamada ay ku guuleysteen inay ku soo saaraan Afar ka mid ah miinooyinka dhulka lagu aaso , kuwaas oo lagu Duugay inta udhexeeysa degmada Awdheegle iyo degaanka bariirre ee Gobolka Shabeellaha hoose.

Taliyaha uruka 4-aad ee kumaandooska xoogga dalka gor-gor ayaa howlgalkan ku sheegay in uu yahay mid looga hortagayo weerarada Ururka Al-Shabaab ay mararka qaar ka fuliyaan degaannada Gobolka Shabeellaha hoose.

Safiirka DFS u fadhiya Turkiga oo la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Azerbaijan

Safiirka dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga Amb. Jama Aidid Maxamed iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa safar shaqo ku tegay Magaalada Baku ee Caasimadda dalka Azerbaijan.

Safiirka Soomaaliya ee Turkiga ayaa kulan la qaatay Wasiirka Arimaha dibadda ee dalka Azerbaijan Jeyhun Bayramo, iyagoona ka wada hadlay xiriirka u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo Azerbaijan oo ku saleysan iskaashi.

Amb. Jama Aidid oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu ku sheegay in dhankiisa Wasiir Jeyhun Bayramo uga mahadceliyay soo dhaweynta uu u sameeyay isaga iyo wafdigiisa, isla markaana sheegay in muhiim ay tahay dib u soo celinta xiriirka labada dal.

“Annaguna dhankayaga waxaanu uga mahad celinay sida fiican ee uu noo soo dhoweeyey. Waxaan u gudbinnay fariinta dawladda Soomaaliya ee ku aaddan xidhiidhka labada dal oo ah: Walaaltinimo, is qaddarin iyo iskaashi isu dheelitiran.

Waxaan xusnay xidhiidhka soo jireenka ah ee walaaltinimo iyo dhaqan ee labada dal ka dhexeeya” ayuu yiri Safiirka Soomaaliya ee Turkiga.

Ugu dambeyn Safiirka Soomaaliya ayaa waxaa uu qoraalkiisa ku sheegay in dib u soo celinta xiriirka ka dhexeeyay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Azerbaijan uu fursad u yahay labada dal.

JIRITAANKA LACAGTA SHILIN SOOMAALIGA OO CIRIIRI KU JIRTA

Marka aad tagto suuqyada iyo meelaha laga dukaameysto waxaad arkeeysaa Doolarka Mareykanka oo suuqyada waa weyn iyo kuwa yar yar oo si isku mid ah wax looga iibsanayo wayna yar tahay in aad aragto lacagta shilin soomaaliga oo inta jeebka laga soo bixiyo wax lagu iibsanayo.

Miisaska hore ee bakhaarada iyo dukaamada waa weyn ma arkeysid shilinka soomaaliga, lacagtii jeebka lagu qaadan jiray ee wax laga siin jiray masaakiinta , maqaayadahana lagu gali jiray maanta wey yaraatay.

Maanta marka ay dhowr boqol oo shilin soomaali ku soo gasho, nus ahaan waa eber oo waa jarjarmeen, qeyb waxaa saameyey googo’ , qeybna mararka qaar waxaa saameeyey iyadoo muddo dheer meel ku baaba’day.

Dadka badankoodu wey iska diidaan qaadashada shilin soomaaliga qaarna waxay yiraahdaa soo kala sooc oo iga reeb inta baaba’san xilli aanu jirin meel lagu hirto oo lagu soo bedelo ama banki wax ka qabta dhibaatada lacagta shilin soomaaliga.

Qofka soomaaliga ah ma doonayo lacagtiis in uu quursi iyo diidmo kala kulmo wuxuu doonayaa in uu six or ah wax ugu gato six or ahna looga qaato.

Sidaa darteed waa in xal loo helaa dhibaatada ka taagan lacagta shilin soomaaliga taas oo muddo dheer daryeel la’aan ku soo shaqeyneysay oo iyadoo jawaano ku jirta gaari gacanno lagu qaadayey.

Lama helin goobo daryeel fiican leh oo lagu keydiyo waxayna la kulantay dayac baahsan iyadoo kooxihii hoggaamiye kooxeedyadii ay ilaa saddex jeer soo sameeyeen shilin soomaali .

Lacagta shilin soomaaliga waxaa daashaday duruufo kala duwan oo dhibaateysan waxaana gacanta ku hayey dad aan aqoon daryeelka lacagaha waraaqda ah kuwaas oo yaqaana sida loogu shaqeysto oo keliya laakiin aan fahamsaneyn qaabka daryeelkeeda.

Si kastaba ha noqoyee waxaa ahabboon haatan in la dabo qabto si uusan dalku u noqon lacag la’aan oo aaney uga dabargo’in suuqyada waayo lacagta loo badan yahay ee doollarka annagu ma lihin mana sameysan.

W/Q:Abwaan Gabayre

 

DERISKII LIBAAXA IYO DAWACADA (QEYBTA-1AAD)

Deris ayey ahaayeen libaax iyo dawaco labo sac ayeyna xoolo ka lahaayeen qofba maalin ayuu raaci jiray xoolaha.

Maalintii dambe libaaxa ayaa raacay xoolihii wuxuu la joogaba duhurkii markii ay tahay ayey foosheen labadii sac, sacii libaaxa wuxuu dhalay dibi kii dawacadana weyl ayuu dhalay.

Weysha ayaa la jecel yahay maadaama ay tarmeyso waayo dibigu wax ma dhalo.

Libaaxii go’aan ayuu gaaray wuxuuna ku tashaday in uu dibiga ku qadeeyo weyshana saciisa uu ku sidkado waxay talo ka timid wixii uu u sheegi lahaa dawaco wuxuu go’aan ku gaaray in uu yiraahdo sacaadii tiirkan ayuu dhalay.

Wuxuu soo kaxeeyey labadii sac iyo weyshii wuxuuna ku qadeeyey dibigii.

Libaaxu weligii ma sameyn caddaalad muddo dheerna caddaalad darro ayuu kula noolaa habardugaag laakiin dawaco oo xeelado badan taqaanay iyadu marna isma laheyn waa lagu sirayaa .

Waxaa yaab iyo anfariir ku dhalay markii la yiri sacdaada qorigan ayuu dhalay libaaxna ma aheyn shaqsi ay indhaha ku caddeyn karto ama dharbaaxi karto laakiin waxay ku gaabsatay sacayga ma dhalin qori ee noogee bahda habardugaag si ay noogu garqaadaan.

Libaaxii indho caddeys iyo muran ayuu galay si uu uga war wareego garta si aan loogu xukumin caddaaladda.

Libaaxu ma yaqaan caddaalad ee sadbursi iyo boob ayuu yaqaanaa laakiin dawaco xisaab ayey u fadhidaa .

Habar dugaag ayuu u yeeray si loo dhexdhaxaadiyo .

Habar dugaag ayaa gogol fidisay waxayna arrintaa u saareen guddi soo baara kana wardoona sida ay wax u dhaceen.

Xaajo haddii aan la hubsan laguma deg dego oo soomaalidu waxay tiraahdaa Xog ogaal iyo xaajo yaqaan keebaa la qaataa?

Guddiga habardugaag waxay soo lafo gureen arrinta Meesha ka dhacday baaris iyo dabogal dheer ka dib waxaa adkaatay sidii libaaxa loogu sheegi lahaa in uu gardaran yahay .

Arrintaas dabagaalle ayaa la wareegay oo sheegay in uu u garqaadi doono wuxuuna qaatay muddo gaaban oo uu go’aan kaga soo saarayo.

Dabagaalle wuxuu qoday god ka soo bilowda xaafaddiisa ilaa geedka garta lagu qaadayo si uu uga baxsado libaaxa marka uu garta ku furo.

Haddaba arrinta soomaalida yey noqon sidaas oo kale runta ha la isu sheego hana lagu wada qanco dadka walaalaha ahna wax ha wada qabsadeen si aan cadow uga faa’iideysan, garna waxaa  loo dhiibtaa kuwo aan dhinacyada daneynayn oo arrinta dhaxdhaxaad ka noqon kara.

W/Q: Abwaan Gabayre

SHEEKADII-QUDBO SIRO QABKEYGII KU WAAYAY (QEYBTII-1AAD)

Berri baa waxaa xaafadda barafka iyo dhuxusha u keeni jiray oday illaa 40 jir ah oo ay baso iyo bariirba bidaari hooshay, doobnimona ku cagaartay oo aan waligii guursan.

Xaafadda waxaa jooji jirtay gabadh qurux badan oo dhaban iyo dheehba lahayd, barbaartuna ay guurkeeda ku talami jireen oo hanashadeeda iyo la haasaawiddeeda geed gaaban iyo mid dheerba loo fuuli jiray.

Odayga baraf lahaa waxaa foolxumada u dheeraa rasnaan iyo arrad, hayeeshee wuxuu lahaa qab oo wuxuu rumaysnaa inuu asagu qurux iyo qabnoba ragga asaagiisa uga sareeyo, inan uu la hadlaahina aanay sinaba u diidi karin.

Inanta qudheedu waxay ahayd mid kibir iyo suuri dumar sagaalka jaadba alab iyo baxaalli u lahayd,gafuur-taag iyo is magoogna ay raggu kaga quusan jireen oo kii eray ku yidhaahdaahiba uu hundhur iyo huq kala kulmi jiray.

Xaaji barafle asagoo intaaba og, kansho yaroo u muuqdayna ka biya-dooganaya/ka faa’iidaysanaya ayuu ku soo dhiiraday inuu dharaar cad inantaa la haasaawo, hayeeshee sidii looga bartayba ciil iyo caloolyow ayuu kala rogmaday, intaana uga hadhina asagii baabay dacwad u qabsatay oo ku huruuftay sababta uu asagoo nuucaas ah ugu soo bareeray, shukaansina aanay diyaar u ahayna ula soo galay.

Xaaji barafle asagoo cadhaysan/caraysan, oogadiisuna ay far iyo foodba ciil la hurayso ayuu meeshii ka jaqafsaday, saantana hoos ka boobay asagoo dharaar iyo dhirif dibnaha la ruugaya.

Waa nin la ciilaye wuxuu wacad ku maray inuu inantaa ka aarsan doono, ceeb iyo calool-xumo aanay waligeed ka soo waaqsanna uu ku dhigo asagoo adeegsanaya xeel iyo xirib uu isku tuhmayay.

Judhiiba wuxuu u tafa-xatay qorshihii uu inantaa ku fadeexayn lahaa, kibirka iyo gafuur-taagga ay muddada dheer isku jooxaarinaysayna u soo af-jari lahaa oo uu madiidin iin leh uga dhigi lahaa .

Wuxuu talada rog-rogo, wuxuu rag la faqo, iyo qorshe dhiraandhiriyoba waxaa ugu dambeyn u muuqday kansho mar la arag ah oo uu inantaa ku fadeexayn karo.

Maadaama ay dumarka waayadan joogaahi baabuurta raaxada jecelyihiin, walaalkaana uu nooha cusub leeyahay asaga u tag oo gaariga kaxayntiisa si kooban uga baro ka dibna ka soo Wado ayay talo kaga idlaatay.

Walaalkii ayuu u tagey, una sheegay qorshaha uu maaganyahay iyo waxa uu asaga ka doonayo, asna howraar san ayuu ugu hal-celiyay inuu timo buraako ah samaystona si aanay inantu u aqoonsanna waa kula taliyay.

Todobaad gudihii ayuu cali barafle gaadhi wadistii ku bartay, timo macmal ah, dhar suud ah, iyo muraayado/ookiyaal waaweyn oo kuwii qurba-joogta u egna waa diyasrsaday.

Habeenkii dambe ayuu asagoo gaadhigii wata isisoo taagay dhabbe ay inan mari jirtay kolkay fiidkii cajiinka doonayso.

Amin gaaban dabadeed ayay ayadii iyo gabadh kaloo laafyoonayaahi hortiisa ka soo muuqdeen, asna kolkuu arkay inay la simanyihiin ayuu u gacan haatiyay”aan idin sii dhaweeyee soo fuulana ku tanaagooday”.

Ayagoo muusoonaya ayay ayay gaadhigii galeen aboowe mahadsanidna cod dabacsan middood ku tidhi, kaftan yaroo duur-xul u badanina iskii ayuuba u bilowday.

Haddaba intaa maxaa xegay La soco qeybta labaad ee qormada.

QORE: Abwaan Hareeri