Madaxweynaha Azerbaijan oo waraaqaha aqoonsiga danjiranimo ka guddoomay safiirka Soomaaliya ee Turkiga iyo Azerbaijan

Madaxweynaha dalka Azerbaijan HE Ilham Aliyev ayaa saaka warqadaha aqoonsiga danjiranimo ka guddoomay safiirka Soomaaliya ee dalalka Turkiga iyo Azerbaijan Ambassador Jaamac Caydiid.

“ Azerbaijan waxaan ka ahaan doonaa safiir aan fadhiyin oo xaruntiisu tahay Ankara, Turkey” ayuu yiri Danjire Jaamac.

Somalia iyo Azerbaijan waxay lahaayeen xiriir walaaltinimo, waxayna ku wada jiraan Ururada caalamiga ah ee OIC iyo UN.

Safiirka ayaa waxaa uu qoraalkiisa ku sheegay in dib u soo celinta xiriirka ka dhexeeyay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Azerbaijan uu fursad u yahay labada dal.