JIRITAANKA LACAGTA SHILIN SOOMAALIGA OO CIRIIRI KU JIRTA

Marka aad tagto suuqyada iyo meelaha laga dukaameysto waxaad arkeeysaa Doolarka Mareykanka oo suuqyada waa weyn iyo kuwa yar yar oo si isku mid ah wax looga iibsanayo wayna yar tahay in aad aragto lacagta shilin soomaaliga oo inta jeebka laga soo bixiyo wax lagu iibsanayo.

Miisaska hore ee bakhaarada iyo dukaamada waa weyn ma arkeysid shilinka soomaaliga, lacagtii jeebka lagu qaadan jiray ee wax laga siin jiray masaakiinta , maqaayadahana lagu gali jiray maanta wey yaraatay.

Maanta marka ay dhowr boqol oo shilin soomaali ku soo gasho, nus ahaan waa eber oo waa jarjarmeen, qeyb waxaa saameyey googo’ , qeybna mararka qaar waxaa saameeyey iyadoo muddo dheer meel ku baaba’day.

Dadka badankoodu wey iska diidaan qaadashada shilin soomaaliga qaarna waxay yiraahdaa soo kala sooc oo iga reeb inta baaba’san xilli aanu jirin meel lagu hirto oo lagu soo bedelo ama banki wax ka qabta dhibaatada lacagta shilin soomaaliga.

Qofka soomaaliga ah ma doonayo lacagtiis in uu quursi iyo diidmo kala kulmo wuxuu doonayaa in uu six or ah wax ugu gato six or ahna looga qaato.

Sidaa darteed waa in xal loo helaa dhibaatada ka taagan lacagta shilin soomaaliga taas oo muddo dheer daryeel la’aan ku soo shaqeyneysay oo iyadoo jawaano ku jirta gaari gacanno lagu qaadayey.

Lama helin goobo daryeel fiican leh oo lagu keydiyo waxayna la kulantay dayac baahsan iyadoo kooxihii hoggaamiye kooxeedyadii ay ilaa saddex jeer soo sameeyeen shilin soomaali .

Lacagta shilin soomaaliga waxaa daashaday duruufo kala duwan oo dhibaateysan waxaana gacanta ku hayey dad aan aqoon daryeelka lacagaha waraaqda ah kuwaas oo yaqaana sida loogu shaqeysto oo keliya laakiin aan fahamsaneyn qaabka daryeelkeeda.

Si kastaba ha noqoyee waxaa ahabboon haatan in la dabo qabto si uusan dalku u noqon lacag la’aan oo aaney uga dabargo’in suuqyada waayo lacagta loo badan yahay ee doollarka annagu ma lihin mana sameysan.

W/Q:Abwaan Gabayre