Mas’uuliyiin ka socda Hay,adaha Qaramada Midoobey oo gaaray Gaalkacyo

Mas’uuliyiin ka socda Hay,adaha Qaramada Midoobey, sida OCHA, WHO, UNICEF, UNHCR, IOM iyo WFP ayaa soo gaaray magaalada Gaalkacyo, waxaana si diiran ugu soo dhaweeyeen duqa Degmada Galkacyo Mudane Cabdiraxman sheekh xasan, kuxigeenkiisa Maxamed Cabdi Cilmi iyo Agaasimaha Guud ee wasaaradda Maaraynta MUsiibooyinka, waxayna kormeer shaqo si wadajir ah ugu tageen Isbitaalka guud ee magalada Galakcyo iyo xeryaha barakacayaasha ee magaalada Galkacyo sida Xaarxaar iyo kaamka Deegaan waxayna si dhab ah ugu kuur galeen xaalada Nololeed ee dadka Barakacayaasha ah.

Intaas ka dib Maamulka Degmada Gaalkacyo iyo kan Gobalka Mudug oo ay weheliyaan mas’uuliyiin sar sare oo ka socday wasaaradaha maaraynta masiibooyinka iyo Wasaaradda Caafimaadka Galmudug ayaa kulan gaar ah la qaatay Masuuliyiintaan ka socotay Hay,adaha UN-ka waxaana diirada lagu saaray arimaha Gargaarka iyo wada shaqaynta labada dhinac.