Ra’iisul wasaare Rooble oo kulan la qaatay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay Safiirka Dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Donald Yamamoto oo ay ka wada hadleen xiriirka labada dal, arrimaha doorashooyinka dalka, la dagaallanka argagixisada Alshabaab iyo arimaha bani’aadminimada.

Kulanka ayaa waxa dib uga soo biiray Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabelle.

Guddiga farsamada arrimaha doorashooyinka oo la kulmay xubno ka socda Qarammada Midoobay

Guddiga farsamada Doorashooyinka ee Xafiiska Ra’iisal wasaaraha ayaa la kulmay kooxda Qaramada Midoobay u qaabilsan taageerada arrimaha doorashooyinka.

Guddiga ayaa xubnahan ka socda Qaramada Midoobay kala hadlay isu duwidda iyo mideynta howlaha lagu taageerayo dadaallada Ra’iisul Wasaaraha ee hirgelinta doorasho daahfuran oo xor iyo xalaal ah.

Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka shaqeynaya sidii uu si habsami leh ugu fulin lahaa howlaha doorashooyinka ee uu u xilsaaran yahay.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka oo shir muhiim ah kaga qeyb galay Qaahira

Guddoomiyaha Maxkamadda sare Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed ayaa magaalada Qaahir ee caasimadda dalka Masar kaga qeyb galay kulanka 5-aad ee heerkiisu sarreeyo ee Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha sare, Maxkamadaha Dastuuriga iyo Goleyaasha Dastuuriga ee Afrika, kaas oo sanad kasta lagu qabto dalkaas.

Kulanka ayaa waxa looga hadlayaa caqabadaha la dagaalanka argagixisada, kobcinta dhaqaalaha cagaaran, caddaalada elektroonik ah ( E-Justice) iyo dhaqanka wanaagsan ee Garsoorka iyo caddaalada doorashooyinka la xiriira.

Shirkan oo ay martigelineyso Masar ayaa muhiimadu waxay tahay sidii iskaashi iyo wada shaqeyn buuxda u dhex mari lahayd Garsoorayaasha dalalka Afrika iyo in la kala faa’ido fikrado ku aadan xagga garsoorka.

Maraykanka oo ciidan la dagaallama Al-shabaab usoo diraya Kenya

Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden ayaa ku dhawaaqay in ciidamo gaar ah uu u dirayo Kenya si ay gacan uga geystaan dagaalka ka dhanka ah Argagixisada Al-shabaab.

Ciidankan gaar ah oo iskaashi xagga dagaalka iyo xogaha kale la wadaagi doona Millatariga dalka Kenya ayaanan la shaacin tiradooda iyo xilliga ay tagayaan.

Ciidanka Maraykanka uu u dirayo Kenya ayaa la filayaa inuu wax badan ka qabto sare u qaadista ammaanka dalka Kenya, halkaas oo ay mararka qaarkood weerarro gaadma ah ka geystaan kooxda Al-Shabaab.

Dadweynaha Al-jeeriya oo u dareeray doorashada golaha Baarlamaanka

Dadweynaha Al-jeeriya ayaa maanta u dareeray goobaha cod bixinta si ay usoo doortaan golaha baarlamaanka ee dalkaas.

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Al-jeeriya, qiyaastii 24 milyan oo qof ayaa u codeyn doona 407 xubnood ee golaha sharci dejinta dalkaas.

Guddiga doorashooyinka ayaa sheegay in la diyaariyay 13,000 oo goobood oo laga codeyn karo.

Madaxweynaha dalka Al-jeeriya Cabdimajiid Tebboune ayaa kala diray baarlamaanka dalkaas bishii February ee lasoo dhaafay, isagoo ku dhawaaqay in la soo doorto baarlamaan cusub.

Madaxweynaha Tunisiya oo ku baaqay wada hadalo lagu xalinayo khilaafka siyaasaddeed ee dalkiisa

Madaxweynaha dalkaTunisiya ayaa ku dhawaaqay jimcihii inuu furayo wada hadalo ku saabsan xal u helida qalalaasaha siyaasadeed ee ka socda dalkiisa.

Kais Saied oo kulan la qaatay madaxa Ururka Shaqaalaha Guud ee Tunisiya, ayey kaga wada hadleen qalalaasaha siyaasadeed iyo qaababka looga gudbi karo.

Wadanka Tunisiya ayaa waxaa hareeyay qalalaase siyaasaddeed oo soo noqnoqday, iyadoo dalku wajahayo xaaladdo dhaqaale xumo.

Ciidanka badda Maraykanka oo badbaadiyay shaqaale Markab xamuul ahaa

Ciidanka Badda Maraykanka ayaa Arbacadii shalay badbaadiyay 15 shaqaale oo la socday Markabka Falcon Line oo ka diiwaan gashan waddanka Gabon, kaas oo ku degay Gacanka Cadmeed.

Xarunta howlgalka ilaalada ganacsiga badaha dalka Ingiriiska ee Gacanka Cadmeed ayaa ku wargelisay Markabka Patuxent ee ay leeyihiin Ciidanka Maraykanka inuu quusayo Markabka Falcon Line una baahan yahay gurmad, ka dib markii ay soo wajahday cillad sababtay inuu quuso.

Markabkan oo siday qalab u badan Matoorro ayaanan la shaacin halka uu ka yimid iyo halka uu u rarnaa toona, iyadoo shaqaalihii la badbaadiyayna la mariyay xaalad xaafimaad si loo hubiyo badqabkooda.

Howlgal qorsheysan oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Janaale ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa ku dilay maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo halkaas ku dhuumaaleysanayay.

Howlgalka oo dhacay sabtidii shalay, ayay ciidanka si gaar ah uga fuliyeen tuulooyinka Busleey iyo Buulo Aluundi oo hoosyimaada deegaanka Janaale, jalkaas oo ay ku dhuumaleysanayeen maleeshiyaad ka tirsan argagixisada.

Ciidamada ayaa dilay 7-ka mid ah maleeshiyada oo isku dayay in ay dagaalaamaan.

Saraakiisha guutada 14-ka Oktoobar ee xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in ujeedka howlgalka uu ahaa ka hortaga dhagarta kooxda nabadiidka Al-shabaab.

Waxayna saraakiisha ay balan qaadeen inuu howlgalka sii socon doono ilaa laga soo afjarayo haraadiga maleeshiyada Al-Shabaab oo xalaaleystay dhiiga shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka Ganacsiga oo ka qeyb galay munaasabad ruqsadda Mobile Money lagu bixinayay

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Md. Khaliif Cabdi Cumar, ayaa maanta ka qeyb-galay munaasabad Baanka Dhexe ee Soomaaliya uu shirkadda Somtel ku guddoonsiinaayey ruqsadda Mobile Money(Licence) oo ahmiyad u leh sharciyaynta shirkadaha bixiya adeegan, xasilinta hab-maaliyadeedka waddanka iyo ilaalinta hantida macaamiisha iyo tan shirkadaha gaarka loo lee yahay ba.
Wasiirka oo halkaas hadal ka jeediyey, ayaa wuxu ugu horeyn boggaadiyey shirkadda la siiyey ruqsadda, Waxaana uu sheegay in arrintan meesha ka saarayso nugaylka hannaanka maaliyadeed ee dalka sida maal-galinta argagaxisada, lacagaha la dhaqo iyo halista ka dhalata lacagaha aan nidaamsanayn. Sidoo kale wuxu carabka ku dhuftay in uu adeegani fudududeeynayo ganacsiyada yar-yar oo ah laf-dhabarta dhaqaalaha bulshada Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaaraha XFS oo guddi baaris ah u magacaabay cabashada Waalidiinta dhallinyarada tababarka loogu diray dalka Eritrea

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddi soo baara cabashada waalidiin Soomaaliyeed oo sheegay in aysan war iyo wacaal ka helin carruurtoodii oo ay sheegeen in tababar loogu diray dalka Eritrea.

Warqaddan ka aqriso faafaahinta.