Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka oo shir muhiim ah kaga qeyb galay Qaahira

Guddoomiyaha Maxkamadda sare Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed ayaa magaalada Qaahir ee caasimadda dalka Masar kaga qeyb galay kulanka 5-aad ee heerkiisu sarreeyo ee Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha sare, Maxkamadaha Dastuuriga iyo Goleyaasha Dastuuriga ee Afrika, kaas oo sanad kasta lagu qabto dalkaas.

Kulanka ayaa waxa looga hadlayaa caqabadaha la dagaalanka argagixisada, kobcinta dhaqaalaha cagaaran, caddaalada elektroonik ah ( E-Justice) iyo dhaqanka wanaagsan ee Garsoorka iyo caddaalada doorashooyinka la xiriira.

Shirkan oo ay martigelineyso Masar ayaa muhiimadu waxay tahay sidii iskaashi iyo wada shaqeyn buuxda u dhex mari lahayd Garsoorayaasha dalalka Afrika iyo in la kala faa’ido fikrado ku aadan xagga garsoorka.