Howlgal qorsheysan oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Janaale ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa ku dilay maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo halkaas ku dhuumaaleysanayay.

Howlgalka oo dhacay sabtidii shalay, ayay ciidanka si gaar ah uga fuliyeen tuulooyinka Busleey iyo Buulo Aluundi oo hoosyimaada deegaanka Janaale, jalkaas oo ay ku dhuumaleysanayeen maleeshiyaad ka tirsan argagixisada.

Ciidamada ayaa dilay 7-ka mid ah maleeshiyada oo isku dayay in ay dagaalaamaan.

Saraakiisha guutada 14-ka Oktoobar ee xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in ujeedka howlgalka uu ahaa ka hortaga dhagarta kooxda nabadiidka Al-shabaab.

Waxayna saraakiisha ay balan qaadeen inuu howlgalka sii socon doono ilaa laga soo afjarayo haraadiga maleeshiyada Al-Shabaab oo xalaaleystay dhiiga shacabka Soomaaliyeed.