Ra’iisul wasaare Rooble oo kulan la qaatay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay Safiirka Dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Donald Yamamoto oo ay ka wada hadleen xiriirka labada dal, arrimaha doorashooyinka dalka, la dagaallanka argagixisada Alshabaab iyo arimaha bani’aadminimada.

Kulanka ayaa waxa dib uga soo biiray Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabelle.