Dadweynaha Al-jeeriya oo u dareeray doorashada golaha Baarlamaanka

Dadweynaha Al-jeeriya ayaa maanta u dareeray goobaha cod bixinta si ay usoo doortaan golaha baarlamaanka ee dalkaas.

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Al-jeeriya, qiyaastii 24 milyan oo qof ayaa u codeyn doona 407 xubnood ee golaha sharci dejinta dalkaas.

Guddiga doorashooyinka ayaa sheegay in la diyaariyay 13,000 oo goobood oo laga codeyn karo.

Madaxweynaha dalka Al-jeeriya Cabdimajiid Tebboune ayaa kala diray baarlamaanka dalkaas bishii February ee lasoo dhaafay, isagoo ku dhawaaqay in la soo doorto baarlamaan cusub.