Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS oo daah-furtay nidaam hab onlayn ah loogu bixinayo Laysimadda

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Md. Cabdulqaadir Shariif Sheekhuna Maye, ayaa maanta furay kulan hordhac u ah daah-furka Habka Onlaynka ah ee Diiwaan-gelinta iyo bixinta laysimada Shirkadaha Ganacsiga Soomaaliya.

Kulanka oo ay ka soo qeyb-galeen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Md. Cabdicasiis Ibraahim Aadan, saraakiil ka tirsan Wasaaradda iyo madax ka socotay Baanka Aduunka, ayaa hadal uu halkaas ka jeediyey Wasiirku waxa uu sheegay in ujeedka kulankani yahay siddii hay’adaha kala duwan ee dawladdu ay taladooda ugu soo biirin lahaayeen ka hor inta aan la daah-furin barnaamijka, waxaana uu carabka ku dhuftay in barnaamijkan oo ah Website si casri ah loo habeeyey uu ganacsatada iyo maal-gashadeyaasha ba u sahlaayo in iyaga oo xafiisyaddooda jooga ay si fudud u diiwaan-gashan karaan una heli karaan laysinga shirkadahooda Ganacsiga.

Wasiiru-dawlaha Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa sidoo kale uu sheegay in barnaamijkani uu ahmiyad u leeyahay horumarinta,fududeynta Ganacsiga iyo siddii Ganacsiga wadanku  ula jaan-qaadi lahaa midka caalamka.

Madaxweynaha Puntland oo qaabilay wafdi ka socda Hayádda laanqayrta Cas

Madaxweynaha Dowladda goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Hayádda laanqayrta cas ee ICRC oo uu hogaaminayo Madaxa Hay’addaas u qaabilsan Galmudug, Puntland iyo Soomaaliland Tim filip ros ayna ka mid yihiin isku-duwaha amaanka Goobaha shqada iyo Maaraynta dhibaatooyinka ee Soomaaliya Mr Cyril Juarena iyo madaxa Xafiiska Hayádda ICRC ee Puntland Mr Axmed Siciid.

Madaxweynaha Dowladda Puntland  ayaa Madaxda Hayádda ICRC uga mahadceliyey booqashadooda, wuxuuna kadib ka dhegaystay warbixin ay ka siiyeen halka ay marayaan howlaha gargaar iyo bani’aadanimo ee ay ka wadaan deegaanada Puntland.

Mas’uuliyiin ka socota Cutubka Ciidamada Talyaaniga oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta

Mas’uuliyiin ka socda Cutubka ciidamada Talyaaniga oo kulan la qaatay Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Cabdulaahi Xayir Ducaale iyo Taliyaha Ciidamada Talyaaniga Col Matteo Mineo waxaa ay ka wada hadleen hannaanka ugu habboon ee dib loogu soo celin karo xariirka warbaahineed ee u dhaxeeyay labada dal oo ahaa mid aad u qoto  dheer.

Taliyaha iyo agaasimayaasha Radiomuqdisho ayaa kormeer ku sameeyay qeybaha kala duwan ee Warbaahinta Dowlada sida Tvga iyo Radiyaha waxaa sido kale ay kormeer ku tageen keydka Baaxadda weyn ee Radio muqdisho oo ay ku keydsan yihiin xasuus iyo taariikh dheer ee ay wadagaan labada dowladood ee Soomaaliya iyo Talyaaniga

Guddoomiye Cali Yare oo qaabilay Safiirka Ugandha u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiye Ku Xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Md. Cali Cabdi Wardheere ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabiley Safiirka  dowladda Ugandha Ambassador Mugisha,labada masuul ayaa  ka wada hadlay adkeynta Xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya  Soomaaliya iyo Ugandha.

Ambassador Mugisha oo ka mahadceliyey sida loogu soo dhoweeyey xafiiska Amniga ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in aaney Soomaaliya ka tageerin oo kali ah dhinaca Milatariga iyo dagaalka  Al- Shabaab, balse ay taageero buuxda siiyaan Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo ku howlan sugidda Amniga shacabka.

Mr. Mugisha ayaa intaa ku daray in xiriirka labada dal uu aad u wanaagsan yahay taasina ay saamaxdey in ay dalka Ugandha wax ka bartaan ku dhowaad lix kun oo arday oo ku jira  kulliyado kala duwan, waxaa kale oo uu sheegay iney xiriir wanaagsani ka dhexeeyo Ganacsatada labada dal, isagoo hoosta ka xariiqay iney dalka Ugandha ku nool yihiin ka badan 40 kun oo soomaali ah

 

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo kulan la qaatay wafdi Ka Socda Hay,adaha Qaramada Midoobey.

Ku simaha madaxweynaha ahna madaxweyne ku xigeenka Dowlada goboleedka Galmudug ayaa madaxtooyada Galmudug ku qaabilay wafdi Ka Socda Hay,adaha Qaramada Midoobey ee kala ah IOM, WHO, UNICEF, UNHCR, OCHA, WFP, UNDP, oo howlo shaqo ku yimid caasimada Galmudug ee dhuusomareb.

Kulanka oo aay goob joog ahaayen wasiirada Galmudug iyo agaasimaha Guud ee madaxtooyada Galmudug waxaa hay,adaha kala duwan ee UNka lala wadaagay baahiyaha kala duwan ee ka jira Galmudug iyagoo balan qaaday in aay wax badan ka qaban doonan baahiyaha muhiimka ah ee Galmudug.

Masuliyiinti ka socday Hay,adaha kala duwan ee manta boqday Dhusamareeb ayaa sheegay in ay markan Galmudug uso jeesteen shaqo badana ka qaban doonan guud ahaan Galmudug.

Madaxweyne ku xigeenka Dowlada Galmudug ayaa hay,adaha kala duwan ee UNka ku aamanay doorka aay ka qaadanayaan wax ka qabashada arimaha kala duwan ee ka jira Galmudug isagoo ugu baaqay in Galmudug laga gacan siiyo arimaha Horumarka.

Moqdisho oo uu maalin kii labaad ka socdo kulanka Qaran ee xiriirinta Dawladaha hoose

Waxaa Maalintii labaad ka socda Magalada Muqdisho Kulanka Qaran ee Xiriirinta Dowladaha Hoose kasoo lagu soo bandhigayay Waxqabadyada Dowladaha Hoose.
Madax ka socotay Dowladaha Xubnaha ka ah Dowldada Federaalka oo kulanka Kasoo qayb galay ayaa kulanka waxaa ay kuso bandhigeen waxyaabihii u qabsoomay Sanadkii lasoo dhaafay.

Taliiska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo sheegay in ay qabteen koox dadka tahriibisa.

Taliska booliska Soomaaliya ayaa ka warbixiyay howlgalo lagu soo qabqabtay dad lagu tuhunsan yahay inay ka dambeeyeen fal lagu tahriibinayay muwaadiniin Soomaaliyeed.

Afhayeenka booliska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali oo warbaahinta la hadlay  ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay gacanta ku dhigeen rag iyo haween la sheegay in dhalinyaro badan ay ka dhoofin jireen magaalada Muqdisho.

Sidoo kale afhayeenka ayaa sheegay in dadka ay qabteen ciidanka ay tiradooda gaarayso 27 qof, halka 22 kamid ah ay yihiin dumar, kuwaasi oo dhamaantood lagu eedeeyay in si sharci daro ah ay magaalada Muqdisho ugu dhoofin jireen dhalinyaro badan, isagoona sheegay in 8 bishan kooxdan gacanta lagu soo dhigay.

Afhayeenka waxa uu intaa hadalkisa ku daray  in dadkaan uu ku socdo baaritaan, islamarkaana sharciga la horgeyn doono.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo deeq gargaar ah gaarsiisay Magaalada Jowhar “Sawirro”.

ILAYSKA DALKA:-Wasaaradda Gargaarka XFS ayaa deeq raashiin waxa ay gaarsiisay Magaalada Jowhar taa oo ay ka faa’ideysan doonaan qooysaskii ku barakacay  fatahaada wabiga.

Wasiirka wasaarada gargaarka Hirshabelle Cabdi Mahad Qoor-gaab oo lawareegay deeqdan raashinka ah ayaa sheegay in baaqyo horay ay ugu jeediyeen DFS ay kaga soo jawaabtay islamarkaana duulimaadyo kale ay rajeynaya kuwaaso saacadaha soosocda soo gaari doona magaalada Jowhar.

Dadkii ku barakacay fatahada wabiga Shabelle ayaa wali helin gar gaar rasimi marka laga reebo midkan hada ay keentay Dowlada.

 

Ciidanka Xoogga iyo kuwa Jubaland oo hawl-gallo lagu baacsanayo alshabaab ka sameeyay deegaano dhowr ah

Ciidanka Dowlad Goboleedka Jubbaland iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan oo ka dhan ah Kooxda argagixisada ah ee Al Shabaab ka sameeyey deegaano dhowr ah oo dhaca galbeedka magaalada Kismaayo.

Deegaanada ay ciidamada howl-galka ka fuliyeen waxaa ka mid ah Golashimbi, Beerxaani, Labikuus, Cabdi Dhoore iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolka Jubbada hoose.

Ciidanka ayaa intii uu howlgalku socday waxay khasaaro xooggan u geysteen kooxda nabad diidka ah ee Al Shabaab.

Dhame Cabdi Cali Yuusuf oo ka mid ahaa saraakiishii howlgalka hogaaminaysay ayaa Jubbaland TV u sheegay in howlgalka khasaare baaxad leh lagu gaarsiiyey nabad diidka.

Dhanka kale waxay ciidamadu mid mid u baareen goobihii nabad diidka ay ka firxadeen oo gabaadka u ahaa.

Ciidanka Xoogga dalka oo hawlgalo ka fuliyay gobolka Bakool.

Ciidanka Xogga Dalka Soomaaliyeed Guutada 9aad qeybta 60-aad ee gobolka Bakool ayaa hawlgal ka fuliyay deegaano ay maleeshiyada Ashabaab ku sugnaayeen sida Farag huuyaley iyo abagbedey .

Howlgalka maanta waxaa sameeyey Ururka 51aad Guutada 9aad Waxana hor-kacayay Taliyaha Guutada 9aad qeybta 60-aad ee gobolka bakool Gaashanle dhexe Ali Ibrahim Isaaq (Ali Xabad).