Mas’uuliyiin ka socota Cutubka Ciidamada Talyaaniga oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta

Mas’uuliyiin ka socda Cutubka ciidamada Talyaaniga oo kulan la qaatay Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Cabdulaahi Xayir Ducaale iyo Taliyaha Ciidamada Talyaaniga Col Matteo Mineo waxaa ay ka wada hadleen hannaanka ugu habboon ee dib loogu soo celin karo xariirka warbaahineed ee u dhaxeeyay labada dal oo ahaa mid aad u qoto  dheer.

Taliyaha iyo agaasimayaasha Radiomuqdisho ayaa kormeer ku sameeyay qeybaha kala duwan ee Warbaahinta Dowlada sida Tvga iyo Radiyaha waxaa sido kale ay kormeer ku tageen keydka Baaxadda weyn ee Radio muqdisho oo ay ku keydsan yihiin xasuus iyo taariikh dheer ee ay wadagaan labada dowladood ee Soomaaliya iyo Talyaaniga