Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo kulan la qaatay wafdi Ka Socda Hay,adaha Qaramada Midoobey.

Ku simaha madaxweynaha ahna madaxweyne ku xigeenka Dowlada goboleedka Galmudug ayaa madaxtooyada Galmudug ku qaabilay wafdi Ka Socda Hay,adaha Qaramada Midoobey ee kala ah IOM, WHO, UNICEF, UNHCR, OCHA, WFP, UNDP, oo howlo shaqo ku yimid caasimada Galmudug ee dhuusomareb.

Kulanka oo aay goob joog ahaayen wasiirada Galmudug iyo agaasimaha Guud ee madaxtooyada Galmudug waxaa hay,adaha kala duwan ee UNka lala wadaagay baahiyaha kala duwan ee ka jira Galmudug iyagoo balan qaaday in aay wax badan ka qaban doonan baahiyaha muhiimka ah ee Galmudug.

Masuliyiinti ka socday Hay,adaha kala duwan ee manta boqday Dhusamareeb ayaa sheegay in ay markan Galmudug uso jeesteen shaqo badana ka qaban doonan guud ahaan Galmudug.

Madaxweyne ku xigeenka Dowlada Galmudug ayaa hay,adaha kala duwan ee UNka ku aamanay doorka aay ka qaadanayaan wax ka qabashada arimaha kala duwan ee ka jira Galmudug isagoo ugu baaqay in Galmudug laga gacan siiyo arimaha Horumarka.