Dowladda Federaalka Soomaaliya oo deeq gargaar ah gaarsiisay Magaalada Jowhar “Sawirro”.

ILAYSKA DALKA:-Wasaaradda Gargaarka XFS ayaa deeq raashiin waxa ay gaarsiisay Magaalada Jowhar taa oo ay ka faa’ideysan doonaan qooysaskii ku barakacay  fatahaada wabiga.

Wasiirka wasaarada gargaarka Hirshabelle Cabdi Mahad Qoor-gaab oo lawareegay deeqdan raashinka ah ayaa sheegay in baaqyo horay ay ugu jeediyeen DFS ay kaga soo jawaabtay islamarkaana duulimaadyo kale ay rajeynaya kuwaaso saacadaha soosocda soo gaari doona magaalada Jowhar.

Dadkii ku barakacay fatahada wabiga Shabelle ayaa wali helin gar gaar rasimi marka laga reebo midkan hada ay keentay Dowlada.