Qaramada midoobay oo Turkiga ku amaantay martigelinta Qaxoontiga

Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Hay’adda Qaxoontiga ayaa sheegay in Turkigu uu marti-geliyo qoxootiga ugu badan adduunka

Philippe Leclerc, oo ah wakiilka Hay’ada Qaxootiga ee Qaramada Midoobay ee UNHCR ayaa sheegay in taageero dheeri ah ay u fidiyaan Turkiga, waxaan ku faraxsanahay inuu ka shaqeeyo dalka turkiga oo arinta qaxootiga si xilkasnimo leh oo dhab ah u wajahaya ayuu yiri Philippe, wuxuuna xusay in turkigu dadka qaxootiga ah siiyo waxbarasho iyo helitaanka shaqada qaxootinimada.

Maalinta Qaxootiga Aduunka oo sanad kasta ay xusaan UN-ka si loo qadariyo Qaxootiga aduunka oo dhan ayaa maalinta 20-ka Juun waxaa loo dabaaldegaa si looga wacyigaliyo xaalada Qaxootiga aduunka oo dhan.

Dawladda turkiga ayaa lagu xasuustaa garab istaaga qaxoontiga Suuriya iyadoo xuduudkooda u furay ka dib dagaalkii ka qarxay horaantii 2011.

Maamulka K.galbeed oo Qaramada midoobay kala hadlay xaaladaha bini’aadanimo ee ka jirta Gobolka Bakool

Wafdi isugu jiray wasiirro ka socda dowlad goboleedka koonfur galbeed soomaaliya iyo hay’adaha UN ka ee ka shaqeeya bani’aadanimada ayaa magaalada Xudur kula kulmay madaxda degmooyinka ee gobolka Bakool

Wafdigan oo uu horkacaayey wasiirka gargaarka maareynta masiibooyinka dowlad goboleedka koonfur galbeed Cabdinaasir Cali Caruush, ayaa waxaa boogashadooda ay la xiriirtay sidii loo xaqiijin lahaa xaaladda dhabta ah ee ay ku nool yihiin barakacayaasha iyo waxyaabaha aasaasiga ah ee ay u baahan yihiin si wax looga qabto looguna gurmado sida ugu dhaqsiyaha badan.

Wafdiga waxa ay kulan la qaateen maamulada degmooyinka xuddur, tiyeeglow, Rabdhuure iyo kan gobolka Bakool, waxana si qotodheer looga hadlay xaaladaha amni iyo midda bani’aadanimo ee ka jirta gobolka.

Booashadaan ayaa qayb ka ah dadaalada dowlad goboleedka koonfur galbeed ay ku doonayso in gargaar bani’aadanimo lagu gaarsiiyo dadka deegaanadooda laga soo barakiciyey iyo danyarta ku nool gobolkaasi.

Wasaaradda Waxbarashada XFS oo daah-furtay kulanka wada-tashiga warbixinta falanqeynta Waxbarashada dalka

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta XFS ayaa magaalada Muqdisho ka daah-furtay kulanka wada-tashiga warbixinta falanqeynta Waxbarashada dalka (Education Sector Analysis) si loogu diyaar garoobo sameynta qorshihii 3aad ee Horumarinta Waxbarashada ee muddada 5ta sano ee soo socota.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Saree ee Dowladda Federaalka Somaaliya Mudane Maxamed Caabbi Xasan oo daah-furay kualnka ayaa uga mahad celiyay ka qayb galayaasha waqtiga ay soo hureen, kulana dardaarmay inay fikradahooda iyo taladooda ku biiriyaan warbixinta laga diyaariyay xaaladda waxbarashada dalka iyo siddii ubadka Somaaliyeed ay u heli lahaayeen Waxbarasho munaasib ku ah lagana tala geliyay qeybaha Waxbarashadda oo dhan.

Kulankaan ayaa waxaa ka soo qayb galay Madax ka socotay Wasaaradda Waxbarashada heer federaal, Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir iyo bahda waxbarashada oo ay ka mid yihiin Jaamacadaha, Midowga dalladaha Waxbarashada iyo hay’adaha taageera waxbarashada Somaaliya.

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay safiirka Norway ee Soomaaliya

Wasiirka wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane C/raxmaan Ducaalle Beyle, ayaa maanta la kulmay safiirka Dawladda Norway ee Soomaaliya Elin Rognlie, waxayna ka wada hadleen arrimo dhowr ah oo ku saabsan xiriirka labada dal.

Wasiir Beyle iyo Danjire Elin Rognlie ayaa si gaar ah uga wada hadlay dib-u-habeynta Maaliyadda, xoojinta Dowlad-Wanaagga iyo dhaqaalaha Doorashooyinka dalka.

“Waxaa sharaf ii ah in aan maanta kulan muhiim ah la qaatay Safiirka Dowladda Norway ee Soomaaliya H.E. Elin Rognlie oo aan ka wadahadlanay arrimo ay ka mid yihiin dib-u-habeynta Maaliyadda, xoojinta Dowlad-Wanaagga iyo dhaqaalaha Doorashooyinka dalka, Norway waa mid ka mid ah Saaxiibada ugu wanaagsan ee Soomaaliya , waxa ayna qeyb muhim ah ka qaadatay geedi socodka dib-u-habeynta Maaliyadda Soomaaliya” ayuu yiri Wasiir Beyle.

Cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo tabar loogu soo xiray magaaladda Baydhabo

Madaxweynaha KGS Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen oo uu Wehliyo Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Xasan Xuseen Xaaji ayaa Magaalada Baydhabo Tababar ugu soo Xiray Dufcadii 6aad ee Lagu Tababaro Dugsiga Tababarka Qeybta 60aad ciidanka xoogga dalka Magaalada Baydhabo,

Munaasabadda Tababarka loogu soo Xirayay Waxaa Ku Sugnaa Taliye Xigeenka ciidanka xoogga jeneraal Cabaas Amiin ,Taliyaha Qeybta 60 aad CXDS jeneraal Maxamed Sheekh  Cabdullahi Ciirow iyo Safiirka Dowladda Uk ee Soomaaliya  Ambassador Kate Foster.

Taliyaha Qeybta 60 aad iyo Taliye Xigeenka ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed munaasabadda ka hadlay ayaa tilmaamay in DFS dadaal Xoogan ay galisay dib-u-dhiska CXDS iyo Tayeyntooda.

Safiirka Dowladda UK Ee Soomaaliya  Kate Foster ayaa Sheegtay in Dowladeeda ay diyaar u tahay ka qeybgalka Tababaridda CXDS iyadoo Xustay in Dagaalka ka dhanka ah argagixisadda ay Ku gacansiin doonaan Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa tilmaamay in Dowlado dhowr ah oo ay ka mid tahay UK ay DFS ka Codsadeen in laga gacansiiyo Tababaradda Ciidanka taas oo uu sheegay in UK ay ku mahadsantahay Sida ay ugu qeybqaadatay Taageeridda iyo Tababaridda Cutubyo ka Tirsan CXDS  gaar ahaan qeybta 60aad.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha maamul goboleedka koonfur galbeed ayaa Cutubyadan maanta Tababarka loo Soo xeray u sheegay in ay u diyaar garoobaan dagaal ka dhan ah argagixisadda iyo in ay u  istaagaan Difaaca dalkood,diintooda iyo dadkooda.

Madaxweynaha Jubaland oo kulan la qaatay wafdi ka socday Beesha Caalamka

ILAYSKA DALKA:-Madaxweynaha maamul gobaleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi uu hogaaminayay Wakiilka gaarka ah ee Xoghaya guud ee Qaramada midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya James Swan, Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya, Danjire Francisco Caetano Madeira, xubno kasocday Midowga Yurub iyo urur goboleedka IGAD.

Wafdi ayaa Kulan lagaga hadlay xaalada dalka iyo arimaha Doorashooyinka la qaatay madaxweynaha Jubaland iyadoo masuuliyiinta ka socday beesha caalamka ay uga mahad celiyeen Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam sida ay uga go’antahay in doorashada dalku ay ku dhacdo hanaan wadar ogol ah isla markana la dardar galiyo shaqooyinka muhiimka u ah in dalka ay sida ugu dhow uga dhacdo doorasho loo dhan yahay.

 

 

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo ka hadlay weerar argagixiso oo ka dhacay xeradda Gen Dhaggo badan.

ILAYSKA DALKA:-Taliska ciidanka xoogga ayaa xaqijiyay dhimashada 10- kamid ah dhalinyaro dooneysay in ay ku biiraan ciidanka xoogga dalka iyo dhawaca 20-kamid ah dhalinyadasi kuwaas oo lagu diiwaan galinayay xerada ciidanka ee General Dhaga badan

Taliyaha ciidanka xoogga dalka General Odawaa Yuusuf Raage oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa Tacsi u diray dhalinyarada ku dhimatay werarka Argagxisanimo isagona kuwa dhawaca ah alle uga baryay in uu caafimad taam ah siiyo.

Qaraxa ayaa dhacay xili dhalinyarada  ayaa sugeysay Baaritaanka ka hor inta aysan gudaha xerada galin,Taliyaha ayaa xusay in tani aysan wax sameyn ah ku yeelan doonin dhismaha ciidan xoogga oo dhalinyaradda soomaaliyeed kaalin mug weyn kaga qayb qaadanayaan.

 

Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga XFS oo ka hadlay howlgalo ciidan oo lagu dilay xubno katirsan Al shabaab.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdifataax Qaasim ayaa ka hadlay howlgalada ka dhan ah Al-shabaab ee ka socda Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Wasiir oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Ciidanka dowladda howlgalkii ugu dambeeyay ay ka sameeyeen deegaano hoostaga degmada Buulo-burtI ay ku dileen xubno ka tirsan Al-shabaab.

Waxaa uu sheegay Wasiir ku-xigeenka Gaashaandhigga in dagaalo kale oo ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan looga qabsaday nabad diidka hub badan oo uu sheegay in la soo bandhigay.

Wasiir Cabdifataax ayaa dhanka kale ka warbixiyay in howlgaladii ugu dambeeyay ee Ciidanka dowladda ay ka sameeyeen Shabeellaha Dhexe ay kula wareegeen degaano hor le ah isla markaana haatan ay ku sugan yihin Ciidanka dowladda, howlagalada lagula dagaalamaya cadawguna ay sii socon donaan.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigg ayaa Isbitaalka ku booqday Askar ka tirsan Guutada 5-aad qeybta 27-aad ee Xoogga dalka oo dhaawacyo kala duwan kasoo gaareen dagaalkii ka dhacay degmada Buula-burte ee Gobalka Hiiraan.

Dowladda Soomaaliya oo Golaha Amniga u gudbisay cadeymo muujinaya Duqeynta diyaaradaha Kenya

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Abuukar Daahir Cusmaan (Abuukar Baalle) ayaa Golaha Ammaanka u gudbiyay caddeymo muujinaya duqeymo Diyaaradaha Dagaalka Kenya ay ka geysteen Gudaha Soomaaliya.

Danjire Abuukar Baalle ayaa Golaha Ammaanka ka hor akhriyay cadeymaha ay heyso dowladda Soomaaliya ee la xiriira waxyeellada Ciidamada Cirka ee Kenya ay ka geysteen Gobalka Gedo, taasoo dhimasho iyo dhaawac ka soo gaartay muwaadiniin Soomaaliyeed oo ay ku jiraan Caruur iyo Haween.

Dowladda Soomaaliya ayaa marar badan ka hadashay qasaaraha soo noqnoqday ee diyaaradaha dagaalka Kenya ka geystaan gudaha Soomaaliya, waxyeellana kasoo gaaraan dadka shacabka ah, laakiin waa markii koowaad ee ay xukuumaddu caddaymo geyso Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Xiriirka labada dowladood ee Soomaaliya iyo Kenya oo muddo kala go’onaa ayaa maalmahan soo hagaagaya.

Jawhar waxaa sare ukac ku yimid qiimaha lagu iibsado Maceeshadda quutul daruuriga ah

Qiimaha badeecadaha kala duwan ayaa sare kac xooggan ku yimid ka dib markii uu fataahaado sameeyey webiga Shabeelle, dadweynaha ku nool caasimadda maamul goboleedka hir-shabeelle ee Jowhar oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in fatahaada webigu khasaare gaarsiisay dalagyaddii kala duwanaa ee beeraha.

Guddoomiyaha ganacsatadda shabeeladda dhexe Cumar Xuseen Maxamed ayaa sheegay in fadahaada webigu saamayn ku yeelatay badeecadihii soo geli jiray gobolka, maadaama biyihii xireen wadooyinka muhiimka ah ee soo gala magaaladda.

Xukuumadda Federalka ayaa deeq gurmad oo raashin ah hore u gaarsiisay dadka ay sameeyeen fatahaadaha webiga Shabeelle.