Dowladda Soomaaliya oo Golaha Amniga u gudbisay cadeymo muujinaya Duqeynta diyaaradaha Kenya

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Abuukar Daahir Cusmaan (Abuukar Baalle) ayaa Golaha Ammaanka u gudbiyay caddeymo muujinaya duqeymo Diyaaradaha Dagaalka Kenya ay ka geysteen Gudaha Soomaaliya.

Danjire Abuukar Baalle ayaa Golaha Ammaanka ka hor akhriyay cadeymaha ay heyso dowladda Soomaaliya ee la xiriira waxyeellada Ciidamada Cirka ee Kenya ay ka geysteen Gobalka Gedo, taasoo dhimasho iyo dhaawac ka soo gaartay muwaadiniin Soomaaliyeed oo ay ku jiraan Caruur iyo Haween.

Dowladda Soomaaliya ayaa marar badan ka hadashay qasaaraha soo noqnoqday ee diyaaradaha dagaalka Kenya ka geystaan gudaha Soomaaliya, waxyeellana kasoo gaaraan dadka shacabka ah, laakiin waa markii koowaad ee ay xukuumaddu caddaymo geyso Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Xiriirka labada dowladood ee Soomaaliya iyo Kenya oo muddo kala go’onaa ayaa maalmahan soo hagaagaya.