Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay habraaca shaqo-siinta dibadda ee shaqaalaha xoogsatada Soomaaliyeed

Shirka Toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada oo uu shir  guddoomiyay Ra’iisul Wasaareha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa looga hadlay Arrimaha Doorashooyinka, Gurmadka Fatahaadaha iyo Xaaladda Caabuqa COVID-19, iyadoo la Ansixiyay habraaca shaqo-siinta dibadda ee shaqaalaha xoogsatada Soomaaliyeed.

Dowlad Goboleedka Galmudug oo soo dhameystirtay xubnaha guddiga doorashada

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa soo gudbiyay liiska xubnaha laga bedelay guddigii doorashada ee cabashada laga keenay.

Xubnaha la soo bedelay ayaa ah affar xubnood oo ku jira guddiyada doorasho Heer Federaal, heer Goboleed iyo xubin ah Xallinta Khilaafaadka.

Xubnaha Guddiga SEIT

1- Yaxye Cismaan Geedi

2- Mahad Cabdullahi Maxamud

3- Xaawo Aadan Yare Culusow

Guddiga Xalinta Khilaafaadka

1- Ayaan Cabdiraxmaan Maxamuud

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta oo maanta lagu soo dhaweeyay Hobyo

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (al-Cadaala) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Xeebeedka Hobyo ee gobolka Mudug.

Wasiir ku xigeenka waxaa safarkisa ku wehlinaya Xildhibaanno ka tirsan barlamaanka federaalka Soomaaliya iyo wasiir ku xigeenka wasaaradda caafimaadka dowladda Federaalka Soomaaliya

Wasiir al-caddaala,ayaa  lagu wadaa in uu xarigga ka jaro Mashaariic kala duwan oo laga hirgaliyay halkaasi,isagoo sidoo kale dhagax dhigi doona Isbitaal loogu talagalay in adeeg caafimaad ay ka helaan dadka deegaanadaasi.

Maalinta caalamiga ah ee caruurta Afrika oo looga dabbaal-degay Soomaaliya iyo dalal kale

Dalal kamid ah Afrika waxaa maalinimadii shalay ka dhacay xaflado lagu maamusaayo 16-ka Juun ee maalinta Caalamiga ah ee Carruurta Afrika iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray ilaalinta dhallinyarada Afrika oo in badan ay la kulmeen cawaaqib xumo ka dhalatay dagaallada iyo colaadaha sokeeye.

Munaasabaddaan oo sanadkiiba mar la qabto ,ayaa ka dambeysay markii madaxda Afrika ay maalintaasi u aqoonsadeen kacdoonkii ardayda  Soweto ee sanadkii 1976 –dii lagu xasuuqay dalka K/Afrika,

Guddigga Xuquuqda iyo Daryeelka Carruurta ee Afrika,ayaa ku baaqay  in la ilaaliyo xuquuqda carruurta,isla markaana wax laga qabto caqabadaha ay carruurta Afrika la kulmaan.

Xafladdaan lagu weyneynayo maalinta 16-ka Juun ee xuska caruurta Afrika ayaa ka dhacday magaalooyin ay ka mid yihiin Muqdisho,Beydhabo,Kismaayoiyo kuwo kale.

Xeer ilaaliye ku xigeenka Maxkamadda CQS oo kormeerey saldhiga booliiska Gaalkacyo

Xeer ilaaliya ku xigeenka maxkamada ciidamada qalabka sida ee dalka gaashaanle Muumin Xuseen Cabdulaahi oo maalmahan shaqo u joogay magaalada Gaalkacyo ayaa kormeeray saldhiga ciidanka booliiska dagmada Gaalkacyo ee Galmudug, halkaasi oo ay ku soo dhaweeyeen taliyaha saldhiga boliiska faderaalka Soomaaliya kabtan Cali Xirsi Sahal iyo taliyaha qeybta booliiska faderaalka ee gobalka Mudug Gaashaanle Dhaxe Qaasim Shirdoon Cali.

Xeer ilaaliye ku xigeenka ayaa warbixin ku aadan shaqada ciidanka ay u hayaan qaranka ka dhageystay saraakiisha booliiska ee saldhiga, isagoo kula dardaaramay in howshooda u gutaan si hagar la’aan ah.

Taliyaha saldhiga degmada Gaalkacyo iyo taliyaha qeybta booliiska ee gobolka ayaa u mahad celiyay xeer ilaaliye ku xigeenka iyo saraakiishii la socotay kormeerka ay ugu yimaadeen maanta.

Wasiir Al-cadaala oo Hobyo si weyn loogu soo dhaweeyay

Wasiirka ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ahna Murashax Xildhibaan Golaha Shacabka ah mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Al-Cadaala) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay magaalo Xeebeedka Qadiimiga ah ee Hobyo gobolka Mudug.

Wasiirka, ayaa inta halkaasi ku suganyahay xarigga ka jari doona Mashaariic kala duwan oo deegaanka uu ka hirgeliyay oo uu ka mid yahay Dugsigii sare ee ugu horeeyay oo ay yeelato degmada Hobyo, waxaana xusid mudan in Wasiirka uu bixiyay dhulka laga dhisay Dugsiga iyo kharashka lagu dhisay intaba.

Sidoo kale, Wasiir ku xigeenka warfaafinta Soomaaliya, ayaa dhagax dhigi doona Isbitaal weyn oo adeegyada Caafimaadka oo dhan ay ka heli doonaan dadka deegaanka xili baahi weyn oo xagga caafimaadka ah ka jirto degmada Hobyo.

Taariikhda kulamadii ugu muhiimsanaa ee madaxda dalalka Ruushka iyo Mareykanka

Shalay waxaa magaalada Genève ee dalka Switzerland kulan muhiim ah oo looga hadlay dhinacyo badan ku yeeshay madaxweynaha  Mareykanka Joe Biden iyo dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin.

Madaxweynaha dalka Switzerland Guy Parmelin ayaa kusoo dhaweeyay labda madaxweyne qasriga taariikhiga ah ee “ La Grange”

Labada madaxweyne ayaa ka wada hadlay mowduucyo kala duwan oo ay ugu muhiimsanaayeen  arrimaha istaraatiijiyada caalamka, cudurka  Corona, la dagaalanka dambiyada internetka, iskaashiga dhaqaalaha iyo arrimaha  cimilada.

Biden iyo Putin ayaa sidoo kale isku soo qaaday xaaladaha dalalka  Suuriya, Liibya, Afghanistan,  Ukraine iyo Belarus.

Billawgii xiriirka Tooska

Laga soo billaabo 1991-kii ilaa iyo hadda waxaa kulamo taariikhi ah yeeshay seddex madaxweyne oo Ruush ah iyo lix madaxweyne oo Mareykan ah.

Inta badan kulamadaan  dhax maray madaxda labada dal, waxay ka dhaceen dal seddexaad.

Boris Yeltsin iyo George Bush (hore)

Kulankii ugu horreeyay ee dhexmaray madaxweynayaasha Ruushka iyo Mareykanka wuxuu ka dhacay Washington 1992, kadib markii madaxweynihii Ruushku ku tegay Mareykanka booqasho rasmi ah.

Labada madaxweye ayaa xilligaas kawada hadlay hoos u dhigista loolanka hubka culus ee nuclerka, inkasta oo aan la gaarin heshiis rasmi ah.

Sidoo kale, waxaa la isla gartay in la abuuro jawi ku dhisan is aaminaad lana joojiyo dagaalkii qaboobaa.

Boris Yeltsin iyo Bill Clinton

Boris Yeltsin iyo Bill Clinton ayaa ku kulmay  magaalada Vancouver ee dalka Canada bishii April 1993.

Kulankaas ayaa intiisa badan xoogga lagu saaray  arrimaha dhaqaalaha.

Vladimir Putin – Bill Clinton

Madaxweyne Bill Clinton oo ku tegay booqasho shaqo dalka Ruushka ayaa la kulmay  Vladimir Putin 2000.

Bill Clinton waxaa muddo xileedkiisa uga haray xilligaas 6 bilood, halka Putin  uu ahaa madaxweyne bil oo kaliya.

Vladimir Putin iyo George Bush (danbe)

Waxay  magaalada Ljubljana ee  Slovenia marti gelisay 2001, kulna dhax maray  Vladimir Putin iyo George Bush.

Kulankaas kadib, wuxuu Mareykanku ku eedey Ruushka basaasnimo, waxayna labada dal isweydaarsadeen burinta diblomaasiyiin.

Dmitry Medvedev iyo George Bush

Madaxweyne  Dmitry Medvedev ayaa kula kulmay madaxweyne George W. Bush magaalaada Toyako 2008.

Kulankaas ayaa kusoo beegmay Dmitry Medvedev oo xilka ku cusub iyo George W. Bush oo waqtigu kasii dhamaanayo.

Dmitry Medvedev iyo Barack Obama

Dmitry Medvedev ayaa sidoo kale la kulmay madaxweyne Barack Obama.

Kulankaas ayaa ka dhacay guriga safiirka Mareykanka uu ka degan yahay magaalada London bishii April 2, 2009.

Kulankaas ayaa dhacay 73 maalin kadib markii la caleema saaray madaxweyne Obama.

Vladimir Putin iyo Barack Obama

Vladimir Putin  ayaa kula kulmay  Barack Obama magaalada Los Cabos, ee dalka Mexico 2012.

Kulankaas ayaa dhacay  42 maalin ka dib, markii Putin uu mar kale qabtay madaxtinimada dalka Ruushka.

Vladimir Putin iyo Donald Trump

Madaxweynayaasha Ruushka iyo Mareykanka, ee kala ahaa   Vladimir Putin iyo Donald Trump, ayaa ku kulmay Hamburg sannadkii 2017.

Wadahadalka labada madaxweyne ayaa socday  laba saacadood iyo 15 daqiiqo, iyadoo qorshuhu ahaa  30 ilaa 45 daqiiqo.

Labada madaxweyne ayaa ka wada hadlay arrimihii ka socday dalalka Siiriya, Ukraine,  hubka nucelerka iyo la dagaalanka argagxisida.

Kulanka madaxda labadaan dal ayaa ka duwan kulmada ay yeeshaan madaxada kale ee caalmaka, waxaana isha ku haya warbaahinta  iyo khubarada siyaasadda ee dunida.

Russia Today ayaa qortay warbixintaan ku saabsan sooyaalka kulmadii ay yeehseen madaxweynayaalka Ruushka iyo Mareykanka laga soo bilaabo 1990 ilaa hadda

Turkiga oo lagu amaanay martigelinta Qaxoontiga

Wakiilka Qaramada Midoobay e heya’adda qaxoontiga ayaa sheegay in Turkigu uu marti-geliyo qoxootiga ugu badan adduunka

Philippe Leclerc, oo ah wakiilka Hay’ada Qaxootiga ee Qaramada Midoobay ee UNHCR ayaa sheegay in taageero dheeri ah ay u fidiyaan Turkiga,waxaan ku faraxsanahay inuu ka shaqeeyo dalka turkiga oo arinta qaxootiga si xilkasnimo leh oo dhab ah u wajahaya wuxuu xusay in turkigu siiyo waxbarasho iyo helitaanka shaqo qaxootinimada.

Maalinta Qaxootiga Aduunka oo sanadkasta ay xusaan UN-ka 2000 si loo qadariyo Qaxootiga aduunka oo dhan ayaa maalinta 20-ka Juun waxaa loo dabaaldegaa si looga wacyigaliyo xaalada Qaxootiga aduunka oo dhan.

Dawladda turkiga ayaa lagu xasuustaa garab istaaga qaxoontiga Suuriya iyadoo xuduudkooda u furay ka dib dagaalkii ka qarxay horaantii 2011.

Wafdi ka socda K/Galbeed iyo Hey’adaha Qaramada Midoobay oo u kuurgalay xaaladda bini’aadanimo ee Bakool

wafdi isugu jiray wasiirro ka sicda dowlad goboleedka koonfur galbeed soomaaliya iyo hay’adaha UN ka ee ka shaqeeya  bani’aadanimada ,ayaa magaalada Xudur kula kulmay madaxda degmooyinka ee gobolka Bakool

wafdigaan oo uu horkacaayey wasiirka gargaarka maareynta masiibooyinka dowlad goboleedka koonfur galbeed Cabdinaasir Cali Caruush, waxaa boogashadooda ay la xiriirtay sidii loo   xaqiijin lahaa xaaladda dhabta ah ee ay ku nool yihiin barakacayaasha iyo waxyaabaha aasaasiga ah ee ay u baahan yihiin in deg deg loogu gurmado.

wafdiga waxa ay kulan la qaateen maamulada degmooyinka xuddur, tiyeeglow, rabdhuure iyo kan gobolka bakool waxana si qotodheer looga hadlay xaaladaha amni iyo midda bani’aadanimo ee ka jirta gobolka.

Booashadaan ayaa  qayb ka ah dadaalada dowlad goboleedka koonfur galbeed ay ku doonayso in gargaar bani’aadanimo lagu gaarsiiyo dadka deegaanadooda laga soo barakiciyey iyo danyarta ku nool gobolkaasi.

Mid ka mid ah kulamadii ugu muhiimsanaa oo dhex maray madaxda dalalka Ruushka iyo Mareykanka

Shalay waxaa magaalada Genève ee dalka Switzerland kulan muhiim ah oo looga hadlay dhinacyo badan ku yeeshay madaxweynaha Mareykanka Joe Biden iyo dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin.

Madaxweynaha dalka Switzerland Guy Parmelin ayaa kusoo dhaweeyay labda madaxweyne qasriga taariikhiga ah ee “ La Grange”

Labada madaxweyne ayaa ka wada hadlay mowduucyo kala duwan oo ay ugu muhiimsanaayeen arrimaha istaraatiijiyadda caalamka, cudurka Corona, la dagaalanka dambiyada internetka, iskaashiga dhaqaalaha iyo arrimaha cimilada.