Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta oo maanta lagu soo dhaweeyay Hobyo

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (al-Cadaala) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Xeebeedka Hobyo ee gobolka Mudug.

Wasiir ku xigeenka waxaa safarkisa ku wehlinaya Xildhibaanno ka tirsan barlamaanka federaalka Soomaaliya iyo wasiir ku xigeenka wasaaradda caafimaadka dowladda Federaalka Soomaaliya

Wasiir al-caddaala,ayaa  lagu wadaa in uu xarigga ka jaro Mashaariic kala duwan oo laga hirgaliyay halkaasi,isagoo sidoo kale dhagax dhigi doona Isbitaal loogu talagalay in adeeg caafimaad ay ka helaan dadka deegaanadaasi.