Taariikhda kulamadii ugu muhiimsanaa ee madaxda dalalka Ruushka iyo Mareykanka

Shalay waxaa magaalada Genève ee dalka Switzerland kulan muhiim ah oo looga hadlay dhinacyo badan ku yeeshay madaxweynaha  Mareykanka Joe Biden iyo dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin.

Madaxweynaha dalka Switzerland Guy Parmelin ayaa kusoo dhaweeyay labda madaxweyne qasriga taariikhiga ah ee “ La Grange”

Labada madaxweyne ayaa ka wada hadlay mowduucyo kala duwan oo ay ugu muhiimsanaayeen  arrimaha istaraatiijiyada caalamka, cudurka  Corona, la dagaalanka dambiyada internetka, iskaashiga dhaqaalaha iyo arrimaha  cimilada.

Biden iyo Putin ayaa sidoo kale isku soo qaaday xaaladaha dalalka  Suuriya, Liibya, Afghanistan,  Ukraine iyo Belarus.

Billawgii xiriirka Tooska

Laga soo billaabo 1991-kii ilaa iyo hadda waxaa kulamo taariikhi ah yeeshay seddex madaxweyne oo Ruush ah iyo lix madaxweyne oo Mareykan ah.

Inta badan kulamadaan  dhax maray madaxda labada dal, waxay ka dhaceen dal seddexaad.

Boris Yeltsin iyo George Bush (hore)

Kulankii ugu horreeyay ee dhexmaray madaxweynayaasha Ruushka iyo Mareykanka wuxuu ka dhacay Washington 1992, kadib markii madaxweynihii Ruushku ku tegay Mareykanka booqasho rasmi ah.

Labada madaxweye ayaa xilligaas kawada hadlay hoos u dhigista loolanka hubka culus ee nuclerka, inkasta oo aan la gaarin heshiis rasmi ah.

Sidoo kale, waxaa la isla gartay in la abuuro jawi ku dhisan is aaminaad lana joojiyo dagaalkii qaboobaa.

Boris Yeltsin iyo Bill Clinton

Boris Yeltsin iyo Bill Clinton ayaa ku kulmay  magaalada Vancouver ee dalka Canada bishii April 1993.

Kulankaas ayaa intiisa badan xoogga lagu saaray  arrimaha dhaqaalaha.

Vladimir Putin – Bill Clinton

Madaxweyne Bill Clinton oo ku tegay booqasho shaqo dalka Ruushka ayaa la kulmay  Vladimir Putin 2000.

Bill Clinton waxaa muddo xileedkiisa uga haray xilligaas 6 bilood, halka Putin  uu ahaa madaxweyne bil oo kaliya.

Vladimir Putin iyo George Bush (danbe)

Waxay  magaalada Ljubljana ee  Slovenia marti gelisay 2001, kulna dhax maray  Vladimir Putin iyo George Bush.

Kulankaas kadib, wuxuu Mareykanku ku eedey Ruushka basaasnimo, waxayna labada dal isweydaarsadeen burinta diblomaasiyiin.

Dmitry Medvedev iyo George Bush

Madaxweyne  Dmitry Medvedev ayaa kula kulmay madaxweyne George W. Bush magaalaada Toyako 2008.

Kulankaas ayaa kusoo beegmay Dmitry Medvedev oo xilka ku cusub iyo George W. Bush oo waqtigu kasii dhamaanayo.

Dmitry Medvedev iyo Barack Obama

Dmitry Medvedev ayaa sidoo kale la kulmay madaxweyne Barack Obama.

Kulankaas ayaa ka dhacay guriga safiirka Mareykanka uu ka degan yahay magaalada London bishii April 2, 2009.

Kulankaas ayaa dhacay 73 maalin kadib markii la caleema saaray madaxweyne Obama.

Vladimir Putin iyo Barack Obama

Vladimir Putin  ayaa kula kulmay  Barack Obama magaalada Los Cabos, ee dalka Mexico 2012.

Kulankaas ayaa dhacay  42 maalin ka dib, markii Putin uu mar kale qabtay madaxtinimada dalka Ruushka.

Vladimir Putin iyo Donald Trump

Madaxweynayaasha Ruushka iyo Mareykanka, ee kala ahaa   Vladimir Putin iyo Donald Trump, ayaa ku kulmay Hamburg sannadkii 2017.

Wadahadalka labada madaxweyne ayaa socday  laba saacadood iyo 15 daqiiqo, iyadoo qorshuhu ahaa  30 ilaa 45 daqiiqo.

Labada madaxweyne ayaa ka wada hadlay arrimihii ka socday dalalka Siiriya, Ukraine,  hubka nucelerka iyo la dagaalanka argagxisida.

Kulanka madaxda labadaan dal ayaa ka duwan kulmada ay yeeshaan madaxada kale ee caalmaka, waxaana isha ku haya warbaahinta  iyo khubarada siyaasadda ee dunida.

Russia Today ayaa qortay warbixintaan ku saabsan sooyaalka kulmadii ay yeehseen madaxweynayaalka Ruushka iyo Mareykanka laga soo bilaabo 1990 ilaa hadda