Xeer ilaaliye ku xigeenka Maxkamadda CQS oo kormeerey saldhiga booliiska Gaalkacyo

Xeer ilaaliya ku xigeenka maxkamada ciidamada qalabka sida ee dalka gaashaanle Muumin Xuseen Cabdulaahi oo maalmahan shaqo u joogay magaalada Gaalkacyo ayaa kormeeray saldhiga ciidanka booliiska dagmada Gaalkacyo ee Galmudug, halkaasi oo ay ku soo dhaweeyeen taliyaha saldhiga boliiska faderaalka Soomaaliya kabtan Cali Xirsi Sahal iyo taliyaha qeybta booliiska faderaalka ee gobalka Mudug Gaashaanle Dhaxe Qaasim Shirdoon Cali.

Xeer ilaaliye ku xigeenka ayaa warbixin ku aadan shaqada ciidanka ay u hayaan qaranka ka dhageystay saraakiisha booliiska ee saldhiga, isagoo kula dardaaramay in howshooda u gutaan si hagar la’aan ah.

Taliyaha saldhiga degmada Gaalkacyo iyo taliyaha qeybta booliiska ee gobolka ayaa u mahad celiyay xeer ilaaliye ku xigeenka iyo saraakiishii la socotay kormeerka ay ugu yimaadeen maanta.