Tababar sarre loogu qaadayo aqoonta oo loo furay shaqaalaha Wasaaradda Gaashaandhiga XFS

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta u daah-furay Shaqaalaha Wasaaaradda Gaashaandhigga Tababar ku Saabsan Tayeynta Shaqaalaha .

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhiga Xasan Maxamed Siciid Samatar oo uu Wehliyo Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Cali Aaden ayaa maanta Muqdisho ka daah-furay tababar sare loogu qaadayo Xirfadda hogaamineed iyo Wada-shaqeynta waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda .

Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda Cali Aaden oo kulanka ka hadlay ayaa tilmaamay in Shaqaalaha looga baahan yahay ka faa’iideysiga  tababarkan si dhawna ay u korjeegteen doonaan Mudada uu Socdo tababarka,

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Xasan Maxamed Saciid Samatar oo daah-furay Tababarkan ayaa tibaaxay in ay ka go’antahay ka shaqeynta sare u qaadidda Aqoonta iyo tayeynta shaqaalaha wasaaaradda Gaashaandhigga ,Shaqaalahana looga baahan yahay in si dhab ah looga faa’iideyto muddada Shanta maalmood Ee uu Socdo Tababarkan ,Masuuliyadna ay iska saaraan Shaqaalaha Soo Xaadiridda Tababarka  ,

Siminaarkan Waxaa iska kaashaday  Wasaaradda Gaashaandhigga XFS  Midowga Yurub ,Sweden  iyo UK.

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay Cadaado

Wasiir ku xigeenka Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Sheikh Cumar ( Alcadaala ) iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa si balaaran loogu soo dhoweeyay Degmadda Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Maamulka Degmadda, Saraakiisha ammaanka iyo boqolaal Dadweynaha ah ayaa Wasiirka iyo wafdigiisa uga hortagay duleedka magaaladaas iyagoo sita caleemo qoyan, calamo iyo boorar uu ku sawiran yahay.

Soo dhoweynta uu Wasiir Cabdiraxmaan Alcadaala kala kulmay Bulshadda iyo maamulka Cadaado ayaa ahayd mid uu meeqaamkeedu sarreeyo oo ka turjumaysa waxqabadka iyo dadaalkiisa mira dhalinta ka shaqeynta nabadda iyo horumarka Bulasho.

Wasiir ku xigeenka Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Dowladda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Sheikh Cumar (Alcadaala) ayaa inta uu Cadaado joogo kulamo gooni gooni ah la qaadan doona Maamulka, Waxgaradka, Haweenka iyo dhalinyaradda.

Madaxweynaha JFS oo Dhambaal Hambalyo ah diray Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay Xoghayaha Qaramada Midoobay Mudane Antonio Guterres oo dib loogu doortay Hoggaanka Qarammada Midoobay.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay sii xoojineyso doorka wanaagsan ee ay ka qaadaneyso adkaynta iyo ka miro-dhalinta ujeeddooyinkii loo aas-aasay Qarammada Midoobay ee xoojinta nabadda, amniga, ilaalinta xuquuqda aadamaha, ka hortagga colaadaha iyo xasaradaha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa bogaadiyey kaalinta Xoghayaha Qarammada Midoobay Mudane Antonio Guterres uu ka qaatay inta uu xilka hayey, xoojinta nabadda, ciribtirka saboolnimada, la dagaallanka argagixisada, xakameynta xanuunka safmarka ah ee COVID19 iyo hirgelinta yoolasha horumarka waara ee shucuubta caalamka.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u rajeeyay Mudane Antonio Guterres in uu sii ambaqaado dadaalladiisa ku aaddan horumarinta dhaqaalaha, xoojinta xiriirrada shucuubta caalamka, xakameynta colaadaha, la dagaallanka xagjirnimada iyo faqriga.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa Azerbajaan

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, ayaa magaalada Antalya uga qeybgalay shirka caalamiga ah ee Diblamaasiyadda oo maalinnimadii shalay aheyd ka furmay dalkaasi.

Shirka ayaa waxaa ka qeybgalay sannadkaan ilaa 12 madaxweyne, 43 wasiirro arrimo dibaddeed,sido kale waxaa ka qeybgalay afar mudane oo hore usoo noqday madaxweynayaal iyo wakiilo ka socday hey’ado iyo ururo calami ah.

Shirka oo socon doona muddo laba maalin ah ayaa sannadkaan hal ku dhigiisa yahay “Dibloomaasiyadda Cusub iyo isku soo dhawaanshiyaha”

Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdirisaaq,  ayaa kaqeyb galay dood cilmiyeed kusaabsan iskaashiga Afrika iyo wax wada qabsiga labada dhinac, isaga oo muujiyay soo dhaweynta Soomaaliya ee maalgashiga iyo iskaashiga ballaaran.

Wasiirku wuxuu wadahadallo laba geesood ah la yeeshay dhiggiisa Azerbaijan, Mudane Jeyhun Bayramov, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinacyada badan ee ay ka wada faa’iideysanayaan labada dal iyo shucuubta walaalaha ah.

Xilli cusub ayaa u billowday xiriirka Soomaaliya iyo Azerbaijan, iyadoo safiirka Soomaaliya, Jaamac Cabdullaahi Maxamed, uu warqadaha aqoonsiga danjiranimo ugu gudbiyay Azerb

Wasiirka Warfaafinta iyo Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka oo ka qeyb galay munaasabad lagu daah furayay Wargeys bille ah

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cismaan Abuukar Dubbe iyo Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka qeyb-galay munaasabad lagu daah furayay majalad bille ah oo ay hirgalisay Somali Magazine.

Sidoo kale xafladda daah furka waxaa ka qeyb galay aqoonyahanno, Macalimiin wax ka dhiga qaar ka mid ah Jaamacadaha Muqdisho iyo marti sharaf kale.

Guddoomiyaha Somali Magazine Ridwaan Yuusuf ayaa tilmaamay in wargeyska uu soo bandhigi doono horumarka dalka, isagoo xusay in Wargeyska la hirgeliyay sanadkii 2018, kaasi oo ahaa mid sanadle ah, balse hadda laga dhigay bille, si bulshada ay wax badan uga faa’iideysato macluumaadka lagu qoro wargeyska.

Agaasimaha Wargeyska Dalka ee Wasaaradda Warfaafinta Ifraax Maxamed Sheekh ayaa sheegtay in dalkeena uu leeyahay taariikh aad u fog, madaxda Wargeyskuna looga fadhiyo inay qalinkooda ugu hiiliyaan ka hadlidda taariikhda dalka.

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo madasha ka hadlay ayaa hoosta ka xariiqay in xoogga la saaro soo gudbinta taariikhda dalka, si dhallinyarada ay wax badan uga faa’iideystaan, iyagoo ku baaqay in dhallinyarada Jaamacadaha dalka ka soo baxday laga siiyo fursado ay aqoontooda bulshada ugu soo gudbin karaan.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cismaan Abuukar Dubbe oo dhiiri geliyay dhallinyarada hirgelisay majaladdan ayaa kula dar daarmay in looga faa’iideysto soo bandhigidda macluumaadka dalka.

“Waxaa inaga dhintay wixii la qorayay, Umadna waxa ay wax ku tahay oo ay ku meel martaa qoraal, sida uu qeybta kore ee Wargeyska u qurux badanyahay, ka shaqeeya inaad ku qortaan macluumaad qurux badan oo ka hadleysa dalkeena” ayuu yiri Wasiir Dubbe.

 

Kaaliyaha wasiirka arimaha dibadda dalka Qadar oo kulan la yeelatay James Swan

Kaaliyaha Wasiirka Arimaha Dibada ee Dalka Qatar oo la kulantay ergayga Qaramada midoobay ee Soomaliya
Kaaliyaha Wasiirka Arimaha Dibada ahna Afhayeenka Wasaaradda Arimaha Dibadda Luul bint Rashid Al-Khater ayaa maanta oo jimce ah kula kulantay magaalada Antalya ee dalka Turkiga Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan kulan dhinac socday Madasha Diblomaasiyadda kaas lagu qabtay maagalada Antalya dalka turkiga.
Labada Masuul ayaa iska xog waraysatay xaaladihii ugu dambeeyay Arimaha Soomaaliya.
Sidoo kale Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda ahna afhayeenka rasmiga ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, waxay caddeeysay in dowladda Qadar ay si joogto ah u garab taagan yihiin Soomaaliya taas oo ahaan doonta mid joogto ah sidoo kale ay qayb ka ahaan doonaam arimaha la xiriira amniga, horumarka iyo xasilloonida Soomaaliya.

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta oo 5-kun $ ugu deeqay dhismaha Waddada ee Hobyo iyo Gaalkacyo

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Cumar ( Al-Cadaala) oo booqasho maalmo qaadan doonta ku maraya Deegaanno hoostaga Gobolada Mudug iyo Galgaduud ayaa lacag gaareysa 5-kun oo doolar ku wareejiyay gudigga dhismaha ee waddada u dhaxeysa Hobyo.

Wasiirka , ayaa ku bogaadiyey guddiga dhismaha wadada shaqada muhiimka ah ee ay u hayaan Dalkooda iyo Dadkooda,wuxuuna intaa ku daray in wadadaan ay wax badan u tari doonto Bulshadda reer Galmudug oo iyagu si isxilqaan ah ku dhisanaya.

Wasiir Cadaala waxa uu ugu dambeyn u sheegay Gudigga in uu warbixintooda u gud bindoono Xukuumadda uu ka tirsan yahay si ay kaalin wax ku ool ah uga qaadato.

 

Wasiiru-dawlaha Ganacsiga XFS oo ka qeybgalay kulan u qabsoomay Ururka Ganacsiga Dunida

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Md. Cabdulqaadir Shariif Sheekhunaa Maye, ayaa maanta ka qeyb-galay shirkii ugu horreeyey ee dhex-maraya Agaasimaha Guud ee dhawaan loo doortay Ururka Ganacsiga Aduunka iyo Wasiirada Ganacsiga, Warshadaha iyo Maal-gashiga ee wadamada Afrika.

Shirkaasi oo ujeedkiisu ahaa siddii la iskaga xog-waraysan lahaa horumarinta Ganacsiga Afrika,waxaa la isku dhaafsaday tallooyin wax ku ool ah oo la xiriira xoojinta xiriirka ganacsiga ee dalalka dunida,gaar ahaan Afrika.

Wasiirka  oo shirkaasi kaga qeybgalay aaladda fogaan aragga,hadal uu halkaasi ka eediyey, waxa uu  sheegay in Soomaaliya ay ka go’an tahay ku biiritaanka Ururka Ganacsiga Aduunka isla-mar-ahaantaana ay ka Wasaarad ahaan sameeyeen dadaal aad u badan iyaga oo wakhtigaan ka soo gudbay qeybo ka mid ah shuruudaha loogga baahan yahay xubinimada Ururka Ganacsiga Aduunka oo qeyb laxaadle ka qaadan doona horumarinta Ganacsiga Soomaaliya sidoo kale u horseedi doona suuqyo ganacsi oo caalami ah.

Taliska Ciidanka Xoogga oo faahfaahiyay qarax fulaynimo oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gen Odaywaa Yuusuf Raage oo la hadlay Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa xaqiijiyay in Ciidamada oo heytay xogta Argagixisada Alshabaab,kuna jiray fiioojignaan dheeri ah ay ka hortageen qoeshihii ay soo maleegeen Al-shabaab.
Gen Odaywaa ayaa intaas raaciyay in Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo u taagan difaaca Dalka iyo Diinta ay sii labalaabayaan howlgalada ka dhanka ah Xagjirka Alshabaab ee banneystay in ay daadiyaa dhiigga umadda Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah.
Hadaladaan ayaa ka dambeeyay qarax Naftii halignimo ah oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa uu ka dhacay banaanka hore saldhig ay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ku lahaayeen degaanka Biya-cade ee gobalka Shabeellaha Dhexe.

Ma jiraan wax qasaare dhimasho ah oo soo gaaray Ciidamada Xoogga Dalka ee halkaas ku sugnaa, hasayeeshee waxaa dhaawacyo kasoo gaareen illaa 4 Askari oo kamid ahaa ilaaladii saldhiggasi.

Madaxweynaha Jubbaland oo Guddoomiyay shirka Golaha Wasiirrada

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta oo khamiis ah shir guddoomiyay kulanka golaha wasiirada oo ah kii ugu horeeyay kadib magacaabistii Golaha Xukuumadda.

Madaxweynaha ayaa wasiirada cusub kula dar-daarmay inay shaqadooda u gubtaan sida ugu haboon, iyadoo Wasaarad walba ay xooga saarayso shaqada u gaarka ah isla markana ay xoojinayso shaqooyinka kala dhexeeya Wasaaradaha kale.

Waxaa Madaxweynaha uu xusay in hufnaanta shaqada ay tahay mid lagu qiimayn doono Wasaarad walba isla markana isla xisaabtanka iyo dabagalka Wasaaradaha ay noqon doonto mid joogta ah.

Madaxweynaha wuxuu intaas ku daray in shaqada shacabka loo hayo ay u baahan tahay dulqaad iyo samir, waxaa Madaxweynaha uu hoosta ka xariiqay in qof walba oo katirsan Bulshada ay tahay in loogu adeego hanaan hufan oo shaqo wanaag ay ka muuqato.

Gabagabadii waxaa Madaxweynaha uu sheegay in Xukuumadda cusub ay shaqooyin baaxad leh hortaalo taas oo u baahan dhiiranaan iyo ka go’naasho shaqo.