Kaaliyaha wasiirka arimaha dibadda dalka Qadar oo kulan la yeelatay James Swan

Kaaliyaha Wasiirka Arimaha Dibada ee Dalka Qatar oo la kulantay ergayga Qaramada midoobay ee Soomaliya
Kaaliyaha Wasiirka Arimaha Dibada ahna Afhayeenka Wasaaradda Arimaha Dibadda Luul bint Rashid Al-Khater ayaa maanta oo jimce ah kula kulantay magaalada Antalya ee dalka Turkiga Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan kulan dhinac socday Madasha Diblomaasiyadda kaas lagu qabtay maagalada Antalya dalka turkiga.
Labada Masuul ayaa iska xog waraysatay xaaladihii ugu dambeeyay Arimaha Soomaaliya.
Sidoo kale Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda ahna afhayeenka rasmiga ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, waxay caddeeysay in dowladda Qadar ay si joogto ah u garab taagan yihiin Soomaaliya taas oo ahaan doonta mid joogto ah sidoo kale ay qayb ka ahaan doonaam arimaha la xiriira amniga, horumarka iyo xasilloonida Soomaaliya.