Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa Azerbajaan

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, ayaa magaalada Antalya uga qeybgalay shirka caalamiga ah ee Diblamaasiyadda oo maalinnimadii shalay aheyd ka furmay dalkaasi.

Shirka ayaa waxaa ka qeybgalay sannadkaan ilaa 12 madaxweyne, 43 wasiirro arrimo dibaddeed,sido kale waxaa ka qeybgalay afar mudane oo hore usoo noqday madaxweynayaal iyo wakiilo ka socday hey’ado iyo ururo calami ah.

Shirka oo socon doona muddo laba maalin ah ayaa sannadkaan hal ku dhigiisa yahay “Dibloomaasiyadda Cusub iyo isku soo dhawaanshiyaha”

Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdirisaaq,  ayaa kaqeyb galay dood cilmiyeed kusaabsan iskaashiga Afrika iyo wax wada qabsiga labada dhinac, isaga oo muujiyay soo dhaweynta Soomaaliya ee maalgashiga iyo iskaashiga ballaaran.

Wasiirku wuxuu wadahadallo laba geesood ah la yeeshay dhiggiisa Azerbaijan, Mudane Jeyhun Bayramov, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinacyada badan ee ay ka wada faa’iideysanayaan labada dal iyo shucuubta walaalaha ah.

Xilli cusub ayaa u billowday xiriirka Soomaaliya iyo Azerbaijan, iyadoo safiirka Soomaaliya, Jaamac Cabdullaahi Maxamed, uu warqadaha aqoonsiga danjiranimo ugu gudbiyay Azerb