Taliska Ciidanka Xoogga oo faahfaahiyay qarax fulaynimo oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gen Odaywaa Yuusuf Raage oo la hadlay Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa xaqiijiyay in Ciidamada oo heytay xogta Argagixisada Alshabaab,kuna jiray fiioojignaan dheeri ah ay ka hortageen qoeshihii ay soo maleegeen Al-shabaab.
Gen Odaywaa ayaa intaas raaciyay in Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo u taagan difaaca Dalka iyo Diinta ay sii labalaabayaan howlgalada ka dhanka ah Xagjirka Alshabaab ee banneystay in ay daadiyaa dhiigga umadda Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah.
Hadaladaan ayaa ka dambeeyay qarax Naftii halignimo ah oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa uu ka dhacay banaanka hore saldhig ay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ku lahaayeen degaanka Biya-cade ee gobalka Shabeellaha Dhexe.

Ma jiraan wax qasaare dhimasho ah oo soo gaaray Ciidamada Xoogga Dalka ee halkaas ku sugnaa, hasayeeshee waxaa dhaawacyo kasoo gaareen illaa 4 Askari oo kamid ahaa ilaaladii saldhiggasi.