Wasiiru-dawlaha Ganacsiga XFS oo ka qeybgalay kulan u qabsoomay Ururka Ganacsiga Dunida

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Md. Cabdulqaadir Shariif Sheekhunaa Maye, ayaa maanta ka qeyb-galay shirkii ugu horreeyey ee dhex-maraya Agaasimaha Guud ee dhawaan loo doortay Ururka Ganacsiga Aduunka iyo Wasiirada Ganacsiga, Warshadaha iyo Maal-gashiga ee wadamada Afrika.

Shirkaasi oo ujeedkiisu ahaa siddii la iskaga xog-waraysan lahaa horumarinta Ganacsiga Afrika,waxaa la isku dhaafsaday tallooyin wax ku ool ah oo la xiriira xoojinta xiriirka ganacsiga ee dalalka dunida,gaar ahaan Afrika.

Wasiirka  oo shirkaasi kaga qeybgalay aaladda fogaan aragga,hadal uu halkaasi ka eediyey, waxa uu  sheegay in Soomaaliya ay ka go’an tahay ku biiritaanka Ururka Ganacsiga Aduunka isla-mar-ahaantaana ay ka Wasaarad ahaan sameeyeen dadaal aad u badan iyaga oo wakhtigaan ka soo gudbay qeybo ka mid ah shuruudaha loogga baahan yahay xubinimada Ururka Ganacsiga Aduunka oo qeyb laxaadle ka qaadan doona horumarinta Ganacsiga Soomaaliya sidoo kale u horseedi doona suuqyo ganacsi oo caalami ah.