MUHIIMADDA CIIDAMADA SOOMAALIYEED

Maxay tahay muhimadda ay leeyihiin ciidan, dal majiri karaa ciidan la’aan?

Ciidan waa awoodda kaliya uu leeyahay dal waliba, ciidanka waa ilaalada ama difaaaca dalka, dadka iyo diinta, dal aan ciidan laheyn dadkiisa, diintiisa wey dayacan yihiin.

awoodda kaliya ee uu wadan ku faano waa ciidan ama difaaca wadamada horumaray miisaniyadda ugu badan waxey ku bixiyaan difaaca sababtoo ah waxey ogaadeen hadeysan difaac jirin inuu san jireeynin wadan.

Ciidamadu waxey qabtaan howlo badan oo aan bulshadu si jogta ah u arki karin waxaa ka mid ah howl galada bini’aadanimada iyo howlaha kale ee caadiga ah, maanta dowladaha horumaray ee distay ciidan xoogan waa kuwa maanta waxii doonaan ka sameeynaya dunida.

Reer galbeedka uu horkacaayo Maraykanka maanta waxey is laheysiyey dunida waxa ay ku gaareena ma ahan awood ay ku dheer yihiin ee waa inay is ku tashteen oo ay dhisteen ciidan kadibna ay ku fakareen inay dunida inteeda kale u taliyaan.

Dhamaan noocyada awoodda ee go’aamiya heerka awoodda dal lagu qey meeyo waxaa saldhig u ah ciidan, wadan leh ciidan xoogan waxey dadkiisa caadiyan ku noolaanayaan darajo ka sareyso amniga iyo xasiloonida, marka loo fiiriyo wada awood militry laheyn.

sidoo kale wadan leh awood xoogan oo militry waxuu awood u leeyahay inuu la wareego ama uu yareeyo awoodda wadan kale, sidoo kale waxuu cuuryaamin karaan dhaqaalaha, siyaasadda iyo kheyraadka uu leeyahay wadan kale.

waxaa jira arimo badan oo go,aamiya heerka awoodda ciidan uu dal leeyahay. Waxaana ka mid ah

1 Awoodda ciidan ee difaaca xuduudaha: Awoodda uu dalka u leeyahay in uu difaacdo xuduudihiisa, oo haddii loo baahdo ku difaacan karo awood Militry.

2 Awoodda difaaca ee Militry: Wadanka waa in uu awood militry ku ilaalin karo dhulkiisa iskana caabinkaro duulaan kasto oo kaga yimaado wadamada la tartamayo iyo IWM.

3 woodda ciidan ee dhulka: Awoodda uu dalka leeyahay tani waa mida ugu muhiimsan ee lagu qeymeeyo wawoodda dowladda, mar hadaadan aheyn wadan leh awood ciidan ee xagga dhulka matihid dowlad leh awood ciidan.

4 Awoodda ciidanka badda: wadamada waxyaabaha lagu qeymeeyo waxa ka mid ah awoodda ciidanka baddda wadanka waa in uu difaacan karo xeebihiisa waa in uu ka hortagi karo halis kasto oo ku soo wajahan xeebihiisa.

5 Awoodda hawada: awoodda hawada hadda waa qey muhiim ah oo ka mid ah awoodaha guud ee militariga dinidaan casriga ah ayaa sii kordhineysa muhiimadda ciidanka cirka.

Maanta dunida waxyaabaha lisku qeymeeyo waxaa ka mid ah in uu dalka awood u leeyahay in uu soo saarto qalabka militry oo ugu horeeyo hubka nuucyadiisa kala duwan, dowladda haddii ay leedahay hub iyada farsameysay waa dowlad aan lagu soo dag-dagin xiliyada dagaalka.

 

Maanta waxaa jira farqi weyn oo ku saabsan heerka awoodda militry ee u dhaxeeysa wadamada dunida hogaaminaaya waxay ku kala duwan yihiin miisaaniyadda ay ku bixiyaan ciidamada militariga.

Maanta wadan kasto oo qeymo iyo sharaf ku leh dunida waa wadan leh ciidan militry oo xooggan, wadan kasto oo doonaayo sharaf waa uu inuu dhisaa cidankiisa si uu u gaaro hamigiisa ah inuu ka soo dhax muuqda dunida.

Kaqeyb qaado dhismaha ciidamadaada haddaad dooneyso in la guugu qadariyo dunida.

W/Q: Cumar Maxamed Cumar.

HAWEENKU WAA HORSEEDKA NABADDA IYO HORUMARKA DALKA

Wiil kasta oo adduunyada ku dhashay magac kasta iyo mansab kasta ha gaaree hooyo ayaa dhashay aabbe ayaana soo daadaheeyey laakiin hooyadu waxay hoodo iyo karaamo yeelataa marka nin wanaagsan Ilaahay u sahlo hooy gaar ah iyo magacna u sameeyo markaas ayaa la yiraahdaa reerkaasi waa qoys waayo qofna keligiis qoys ma noqon karo.

Guriaga wey dhistaa gosgoshana wey dhigtaa dhuuniga la cunayana wey u karisaa is garabsi iyo istaageer ayey wax ku wada dhaqaan muddo ka bacdi magacyo kale ayaa soo baxa oo iyaga ay dhaleen waxaana la yiraahdaa waa ilmo hebel .

Haweenku labiska raggooda ayey ka shaqeeyaan weyna habeeyaan wuxuuna tagaa fagaadreyaasha raggu isku arkaan ninkii hela xaas wanaagsan horumar ayuu sameeyaa kaas oo u kala baxa mid dhaqan iyo mid dhaqaale .

Hadii aan guriga haween joogin martidu kuma leexato laakiin marka guriga ay haween joogto martidu wey ku leexdaan gogoshana waa loo dhigaa ninkuna wuxuu halkaa ka helaa magac iyo maamuus.

Soomaalida waxay ku mahmaahdaa waxaa jira nin maalin kaa fiican, nin weligii kaa fiian iyo nin sanad kaa fiican.

Ninka maalinta kaa fiican, maalintaas ayuu jeebka lacag ku sitaa waana kaa jeeb roon yahay waadna soo gaartaa oo waxaa dhici karta in burrito adna ilaahay ku siiyo.

Nin sanad ayuu kaa fiican yahay, oo sanadkaas ayuu kaa dhaqaale roon yahay , adduun waa labada geline adiguna waxaa laga yaabaa in aaad sanadka dambe ka hormarto xagga dhaqaalaha laakiin ninka xaas wanaagsan Ilahay siiyey oo kaa xaas wanaagsan weligaa kama daba tagtid oo weligaa waa kaa horreynayaa.

Hore ayaa loo yiri haweenku waa jabiso iyo kabto waxaa kale oo soomaalidu ku mahmaahdaa Ilaahay markuu wanaag kula  doonayo dadkooda ayuu ku siiyaa .

Si kastaba ha noqotee wax la siisto ma jirto haweeney daacad oo hiil iyo hooba kula daba taagan oo meeshaad ka qabato dhanka kale ka qabaneysa.

Dugsi iyo gogol qurxoon midna lagama helo haddii aan haween joogin , illeyn gegi ciyaareed haddaan gabari boodeyn wax ma dhaanto geedaha.

Haweenka waa garabka ragga iyagaana gacan siiya oo ay ku tiirsan yihiin .

W.Q: Abwaan C/salaam Axmed Gabayre

 

MADAXWEYNE FARMAAJO OO BOGAADIYEY DADAALLADA XUKUUMADDA EE AWOOD SIINTA GANACSATADA SOOMAALIYEED

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa adkeeyey in awood-siinta ganacsatada Soomaaliyeed iyo xaqiijinta suuqyo heer gobol ah oo loo iib geeyo waxsoosaarka dalkeenna ay kor uqaadeyso dhaqaalaha dalka, fursadaha shaqaaleysiinta dhallinyarada iyo heer nololeedka shacabkeenna.

Madaxweynaha oo warbixin ka dhageystay Wasiirrada Wasaaradaha, Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Mudane Cabdullahi Bidhaan Warsame, Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mudane Durraan Axmed Faarax ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in ganacsiga kala dhexeeya dalkeenna dalalka dariska uu ku saleysan yahay isu dheellitirnaan iyo waxwada qabsi , iyada oo ganacsatada Soomaaliyeed ay helayaan dheef-dhaqaale oo u dhiganta tan dhiggooda badeecadaha keensada dalka.

Maamulaha Shirkadda dhoofisay Kalluunka maanta loo iib geeyey Itoobiya ee qeybta ka ah is-dhaafsiga dhaqaale ee Labada dal Mudane Maxamed Ibraahim Cali (Cajiib) oo kulanka ka qeyb galay ayaa uga mahadceliyey Madaxda dalka mudnaanta ay siinayaan xal u helista caqabadaha ku xeeran ganacsatada Soomaaliyeed oo ay ugu horreyso suuq-geynta heer gobol iyo jaangooynta fursadaha.

Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Mudane Cabdullahi Bidhaan Warsame iyo Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mudane Durraan Axmed Faarax ayaa sheegay in fursadaha iskaashiga ganacsi ee dalalka dariska ah ay barbar socdaan dib u dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha, isu dheellitirka ganacsiga aan la wadaagno dalalka dariska ah iyo xoojinta wax-soosaarka, taas oo suurta gelinaysa in dalagyada iyo wax-soosaarka dalka ay ka muuqdaan suuqyada dalalka Gobolka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bogaadiyey suuqa ganacsi ee u soo kordhay kalluumaysatada Soomaaliyeed, waxa uuna xaqiijiyey in la joogo waqtigii aynu kula tartami lahayn dalalka gobolka waxsoosaarka gudaha dalkeenna.

DHAMMAAD

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo isu diyaarinaya sifeynta Waddooyinka gala Degmada Waajid

Waajid- Taliyaha qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Guuto; Maxamed Sheekh Cabdullahi (Ciirow ) ayaa maanta kormeer ku tagay xarunta ururka 260-aad guutada 9-aad qeybta 60-aad ku leeyihiin Degmada Waajid ee Gobolka Bakool.

Taliye Ciirow ayaa khudbad dardaaran ah ujeediayay ciidankii uu halkaasi ku booqday, isagoo farey inay ay isku diyaariyaan howlgallo ay kooxda nabad-diidka ah ee Al-shabab kaga xoreynayaan waddooyinka gala Degmada oo muddo go’doonsan, si dhibaatada loogu dulqaado Shacabka.

Dhanka kale wuxuu saraakiisha iyo Ciidanka ku ammaanay taliyuhu howlgalladii ay muddooyinkii dambe ka wadeen degaannada hoos taga Degmada Waajid, si looga sifeyneyo kooxda  Al-shabab, wuxuuna kula dar-daarmay in ay sii laba jibbaaran dedaalkooda.

Shir ku saabsan Khariiradeynta Khilaafyada Degmooyinka oo ka furmay Muqdisho

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib-uheshiisiinta Dalka ayaa Maanta Muqdisho ku daahfurtay Shir looga hadlaayo Khariiradeynta Khilaafyada Degmooyinka iyo Deegaanada Gobalka Banaadir.

Shirkaan oo muddo sadax maalin socon doono ayaa looga hadlayaa Xog ururin ku saabsan Khilaafyada ka jira Degmooyinka iyo Deegaanada Gobalka Banaadir.

Shirka oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib-uheshiisiinta Dalka ayaa waxaa kasoo qaybgalay Mas’uuliyiinka kasocday Maamulka Gobalka, qaar kamid ah Guddoomiya-yaasha Degmooyinka Gobalka Banaadir, Ururada Bulshada Rayid, Ururada Haweenka iyo Qaar ka mid ah Dhalinyaro ka kala socday Degmooyinka iyo Deegaanada Gobalka Banaadir.

Agaasimaha waaxda Dib-u heshiinsiinta ee  Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib-uheshiisiinta Mudane Abdirahman Hashi Faarah (jabiin) oo furey shirka xog uruurinta khilaafyada Gobolka Banaadir ayaa marka ugu hore ugu mahadciliyay Mas’uulityiintii kasocday Maamulka Gobalka, Kan Degmooyinka iyo dhamaan kasoo qayb galayaashii Shirka, Agaasime Cabdiraxmaan ayaa sheegay in uu Muhiim u yahay Shirkaan Bulshada Ku nool Degmooyinka iyo Deegaanada Gobalka Banaadir ayna Muhiim tahay ama laga rabo Qofkasta in uu soo bandhigo Caqabadaha kajira Degmooyinka iyo Deegaanada ay kasocdaa in uu Shirka socda.

Sido kale Agasimaha Siyaasadda & Dimoqoraadiyaynta Maamulka Gobalka Banaadir Mudane Yuusuf Calasow oo Goobta kahadlaay ayaa- Sida aad la socataan Gobolka Banaadir 30 kii sano ee ugu dambaysay waxa uu ahaa mid ay ka dhacaysay dhibaatooyin kala duwan in kastoo uu maalinba  maaalinta kale  uu Gobolka horumar ka sameynaayay dhinaca nabada.

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomalaiya Mudane Mohamed Abdirizak, ayaa kulan la qaatay dhigiisa dalka Turkiga, Mudane Mevlüt Çavuşoğlu.

Kulanka ayaa looga hadlay fursadaha iskaashiga laba geesoodka ah oo ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ah, iyo sidoo kale wadatashiyo ku saabsan arrimaha danta guud.

Kulankan ayaa sidoo kale waxaa lagu lafa guray qaababka loo taageeri karo iskaashiga dhinacyada badan leh ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga si loo waafajiyo himilooyinka labada dal.

Ciidanka Xoogga Dalka oo maleeshiyaad ka tirsanaa Al-Shabaab ku dilay howlgal ka dhacay gobolka Baay

Diinsoor- Ciidanka xoogga dalka ee ku sugan degmada Diinsoor ee gobolka Bay ayaa howlgal ku dilay ilaa 24-ka tirsan maleeshiyada Al-shabaab,halka tiro kalena lagu dhaawacay.

Howlgalka ayaa yimid kadib markii maleeshiyada Alshabaab ay saddex jeer isku dayeen in ay soo weeraraan saldhigyada ciidanka ay ku leeyihiin degmadaasi Diinsoor ee gobolka Bay, habeenkii xalay,iyadoo halkaasi looga khaarijiya maleeshiyaad islamarkaana ciidanku ay la wareegeen hubkii ay wateen.

Afhayeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in argagixisadii weerarka soo qaaday halkaasi looga khaarijiyay 24 xubnood oo meydadkood yaala goobihii howlgaladu ay ka dheceen,kuwa firxadka ahna lagu raad joogo.
Degmada Diinsoor oo ah magaalo istratiiji ah ayaa khiyaas ahaan Baydhabo u jirta in ka badan 100 Km, waxayna ku taalaa xadka gobolada Bay, Sh. Hoose, Gedo iyo Jubbooyinka, halkaasi oo ay difaacyo xooggan ay ku leeyihiin cutubyo ka tirsan ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed gaaar ahaan, talista qeybta 60-aad.

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay deegaanka Baxdo

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Cumar ( Alcadaala ) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saaka gaaray deegaanka Baxdo oo qiyaastii Degmadda Cadaado u jira 90-Km ugana beegan dhinaca Bari.

Maanulka Deegaanka  Baxdo iyo boqolaal Dadweyne ah oo iskugu jira arday, culimo, hooyooyin, waxgarad iyo dhalinyaro ayaa si diiran u soo dhoweeyay Wasiirka iyo wafdigii socdaalka ku wehlinayey.

Maanulka deegaanka ayaa ka mahadceliyay booqashada Wasiir Cabdiraxmaan oo sida ay sheegeen ku soo beegantay xilli ay dadweynaha Baxdo baahi weyn u qabaan in ay mas’uuliyiinta ka soo jeeda deegaanka soo kormeeraan islamarkaana ay ka dhagaystaan Baahiyada ay qabaan.

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa isna dhiniciisa ka mahadnaqay soo dhaweyntii loo sameeyay,sidoo kalena garwaaqsaday meelna ku guntay baahida loo soo jeediyay ee deegaanka.

Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya oo ka qayb galay shirarka Dhaqaalaha iyo Difaaca madasha Diblumaasiyadda Antalya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga Caalamiga Mudane Maxamed Cabdirisaaq, ayaa ka qeyb galay maalintii Sabtida shir ku saabsan sii xoojinta iskaashiga dhaqaale ee Turkiga iyo Afrika kaas oo ajande u ah Madasha Diblomaasiyadda Antalya.

Shirka oo socday maalintiisii ​​labaad ayaa intii uu socday kulanka waxa aragtiyo kala duwan la isku weydaarsaday dejinta qorshe howleed iyo aasaas adag oo ku saabsan iskaashiga dhaqaale ee Turkiga iyo Afrika kaasoo waxtar badan u leh dhammaan wada-hawlgalayaasha.

Wasiir Maxamed C / risaaq wuxuu kale oo ka qeyb galay kalfadhigii xirnaa ee difaaca si looga faa’iideysto qibrada farsamada iyo warshadaha gaashaan dhigga Turkiga.

Ciidanka xoogga dalka oo howlgallo ka sameeyay Galgaduud

Dhuusamareeb- Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa qasaara ba’an gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab, kadib howl-gallo qorsheysan oo ay ka fuliyeen degaanno ay ka mid tahay tuulada Orshe oo 50 km dhanka bari kaga beegan magaalada Dhuusamareeb.

Dadka degaanka Orshe ayaa warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed u sheegay inay arkeen meydad badan oo ay ka carareen Argagixisadu, waxanay ciidanka xooggu halkaas kaga furteen Al-Shabaab saanad Milatary iyo agab kale.

Ciidanka xoogga dalka oo haatan ku sugan goobihii ay howl-galladu ka sameeyeen ayaa waxay wadaan baaritaanno dheeri ah oo lagu xaqiijinayo ammaanka degaannadii laga eryay kooxda Al-shabaab.

Kooxda Argagixisada Al-shabaab ayaa degaannadaasi iyo dhulka miyiga ah ee ku hareereysan ka geysan jirtay gabbood fallo kala duwan, iyagoo dadka reer guuraaga ah ka dhici jiray xoolaha ay dhaqdaan, sidoo kalena ka qaadanayay dalagyada ay tacbadaan iyo lacag ay ku sheegaan sakawaad.