Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay deegaanka Baxdo

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Cumar ( Alcadaala ) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saaka gaaray deegaanka Baxdo oo qiyaastii Degmadda Cadaado u jira 90-Km ugana beegan dhinaca Bari.

Maanulka Deegaanka  Baxdo iyo boqolaal Dadweyne ah oo iskugu jira arday, culimo, hooyooyin, waxgarad iyo dhalinyaro ayaa si diiran u soo dhoweeyay Wasiirka iyo wafdigii socdaalka ku wehlinayey.

Maanulka deegaanka ayaa ka mahadceliyay booqashada Wasiir Cabdiraxmaan oo sida ay sheegeen ku soo beegantay xilli ay dadweynaha Baxdo baahi weyn u qabaan in ay mas’uuliyiinta ka soo jeeda deegaanka soo kormeeraan islamarkaana ay ka dhagaystaan Baahiyada ay qabaan.

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa isna dhiniciisa ka mahadnaqay soo dhaweyntii loo sameeyay,sidoo kalena garwaaqsaday meelna ku guntay baahida loo soo jeediyay ee deegaanka.