Qaban qaabada xuska maalmaha xorriyadda oo si weyn looga dareemayo dalka

Xuska toddobaadka maalmaha xorriyadda ayaa si weyn looga dareemayaa guud ahaan dalka, Guddiga qaban-qaabada Xuska Todobaadka maalmaha xoriyadda ee uu magacaabay Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federalka Soomaliya oo ku gudo jira diyaarinta goobaha munaasabaduhu ka dhacayaan ayaa hawshoodu maraysaa heer gabo gabo ah.

Suuqyada magaalooyinka waaweyn ayaa laga dareemayaa samxada maalmaha xorriyadda sidoo kale, wadooyinka ayaa lagu arkayaa sameecadaha iyo shaashadaha lagala socon doono xafladdaha xuska toddobaadka maalmaha xoriyadda,xarumaha muhiimka ah sidoo kale wadooyinka waaweyn ayaa lagu arkayaa calanka Soomaliya oo si farshaxamaysan loogu sawiray goobaha qaarna la dul sudhay.

Toddobaadka maalmaha xoriyadda Soomaliya ayaa ka bilowda 26-kii June 1960 oo goboladii waqooyiga ka hoos baxeen xukunka maxmiyadii Boqortooyadda ingiriiska,ka dib markii halgan xornimo u dirir boqortooyadu kala kulantay shacabka deeganadaas oo uu hormuud u ahaa xisbi Siyaasadeedkii ugu horeeyey oo la aasaasay dhulka Soomaalida sanadii 1935 ee SNL.

sidoo kale Gobollada Koonfureed ayaa waxay xorriyadooda ka qaateen 1-Julay 1960, Gumaystihiii Talyaaniga iyadoo isla maalintaas ay dhacday midowgii labada Gobol ee Waqooyi iyo Konfur.

Dalka Jabuuti ee aan walaalaha nahay ayaa ugu dameyn helay xorriyadooda 27 june 1977, iyagoo ka xoroobay gumeystihii Faransiiska. Dhammaan maalmahan ayaa ah kuwo shacabka Soomaaliyeed aad ugu weyn.

Wasiirka Caddaalada X.F.S oo kulamo la yeeshay odayaasha iyo dhalinyarada ku nool magaalada Waajid

Wasiirka Caddaaladda XFS ayaa degmada waajid wuxuu kulamo kula yeeshay dhalinyarada iyo odayaasha degmadaasi ku dhaqan si uu oga xogwaraysto xaaladaha ay ku sugan yihiin madaama ay ku Nool yihiin magaalo ka go’doonsan wadooyinkii ay wax u soomaari lahaayeen

Dhalinyarada ayaa wasiirka la wadaagay in baahida ugu weyn oo ay qabaan ay tahay inay helaan Ammaan iyo xaruumo ay wax ku bartaan si ay jiilka iyaga la mid ah wax ula qaybsadaan, iyaga oo muujiyey in aysan wax niyad jab ah ku hayn caqabadaha ay kala kulmayaan Maleeshiyada Al -Shabaab

Wasiirka Caddaalada Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa dhalinyarada u sheegay in marnaba ay cabsi galin culeeska argagixisada isaga oo kula dardaarmay in muhiimadda ay saaraan waxbarashada oo fure u ah mustaqbalka qof waliba oo dhalinyara ah.

Sidokale Wasiirka Caddaaladda iyo gudoomiyaha degmada waajid ayaa la kulmay odayasha dhaqanka kulankaas oo si weyn loogu soo hadal qaaday caqabadaha haysta shacabka degmada ku nool iyo sidii loogu furi lahaa wadooyinka u xiran Al -Shabab si ay u soo laabato Nolosha iyo hormarka bulshada waajid.

Gudidda farsamada Arrimaha doorashooyinka oo shaaciyey xiliga tababarka u furmayo gudiyadda doorashooyinka

Gudida Farsamada Arrimaha Doorashooyinka ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa faahfaahiyay jadwalka iyo nooca tababarka ay qaadanayaan Xubnaha Guddiyada doorashooyinka, ka hor inta aysan guda galin howlaha doorashada.

Gudida ayaa sheegtay in 27 bishan Gudiyadda doorashooyinka uu u furmi doono tababar socon doona mudo afar cisho ah,tababarkan ayaa ku saabsan qabsoomida doorshooyinka heer federal iyo heer maamul goboleed, iyadoo lagu diyaarin doono qorshe hawl fulinta doorashooyinka iyo jadwalka doorashada.

Maxkamadda Ciidamada oo shaacisay Magaca qofkii ka dambeeyay dilkii Sheekh Cali Dheere

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa  Maanta oo Isniin ah shaacisay Magaca qofkii ka dambeeyay dilkii 17/5/2021 deegaan hoostega Magaalada Gaallkacyo loogu geystay Allah unaxariisto Sheekh Cali Axmed Faarax Dhoore (Sheekh Cali Dheere) oo ahaa Maamulihii Guud ee Jamciyadda Imaamu Nawawi ee Gobolka Mudug.

Xeerilaaliye Ku xigeenka Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida Muumin Xuseen Cabdullaahi oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in guddi Saraakiil baarayaal ah oo ka socda Xeer ilaalinta maxkamadda & CID-da loo diray degaanka uu dilka ka dhacay , isla markaana cadeymaha dilka ay ka qoreen dad markhaatiyaal ah.

Waxa uu sidokale sheegay Xeerilaaliye Ku xigeenka in baaritanka kadib dilka Marxuumka uu ku cadaaday in uu ka dambeeyay Dable Cabdixakiin Cabdisalan Aadan oo ka tirsan Ciidanka Saldhiga Booliska Gaalkacayo

Xeerilaaliye Ku xigeenka aya intaa hadalkisa ku daray in dilka gacan ay ku siiyeen Askariga eedeysanayal kale ah ina Saciid Cabdi Xidig & ina baalbaal, oo dilka kadib u baxsady dhanka degmada Galodogob ee Gobolka Mudug.

Ugu dambeyntii Maxkamadda ciidanka Qalabka Sida ayaa sheegtay in guddiga barista dacwada ay soo saareen Qodobada hoos ku xusan.

1: In Hay’adaha amniga Maamulada Puntland & Galmudug inay soo qabtaan eedeysanayaasha sare ku xisan, iyaga oo fulinaya Amarka Maxkamadda Ciidamada.

2: Hadii eedeysanayaasha aysan Maxkamadda hor-imaan ama aan la soo qaban muddo laba Bilood gudahood ah in Xafiiska Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada uu  u gudbin doonaan Maxkamadda Ciidamada qalabka sida Galdacwadeedka eedeysanayasha, lana bilaabi doono dhageysiga kiiskooda lana xukumi doono, iyaga oo maqan.

3: In sidoo kale Guddiga ay u soo baxday in Saraakiisha Booliska ee qeybta Gobolka Mudug & Xafiiska la dagaalanka Argagaxisada ay sameeyeen waajib gudasho la’aan la xiriira dhacdadaan lagana qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.

kulan looga hadlayay xoojinta amniga oo ka dhacay Dhuusamareeb

Dhuusamareeb- Kulan looga hadlayay xoojinta amniga magaalada Dhuusaramreeb gaar ahaan xilliga doorashada oo ay ka qeyb galeen Saraakiisha talisyada Booliiska iyo Nabadsugida Dhuusamareeb, guddiyada Xaafadaha iyo mas’uuliyiinta maamulka ayaa lagu qabtay magaaladaas.

kulankan oo ku soo beegmay xilli ay socdaan dadaalada lagu sugayo amniga doorashooyinka dhawaan bilaabmaya ee federaalka ayaa laga soo saarey amaro lagu adkeynayo dhaq-dhaqaaqa dadka soo galaya magaalada Dhuusamareeb.

Laamaha amniga ayaa farey dadka soo galaya magaalada in ay tagaan xafiiska hubinta dadweynaha kaasi oo bixinaya ogolaanshaha guryaha kirada ah kadib markii laamaha amnigu ay baaraan xogta kireystaha doonaya in uu ku nagaado magaalada.

Gudoomiyaha magaalada Dhuusamareeb Macalin Cabdiraxmaan Geedaqoroow oo ka warbixiyay qodobada kulankan ka soo baxey ayaa sheegay in shirkan uu daba-joogo shaqo muddooyinkanba ay wadajir u wadeen laamaha amniga iyo maamulka caasimada oo lagu diiwaan galinayay goobaha dadweynuhu ku kulmo iyo ganacsiyada waa weyn.

Kabtanka Xulka Qaranka “Oman nagama badin ee Xiriirka Kubdda Cagta Soomaaliya ayaa naga badiyay”

Kabtanka Xulka Qaranka Soomaaliya oo ka hadlay ciyaartii xalay ay la yeesheen Xulka Qaranka Cumaan ayaa dhaleel usoo jeediyey Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya.

Kabtanka ayaa sheegay  in aysan helin wax tababar ah mudo 18 bilood ah asaga oo sidoo kale xusay in kaliya ay sameeyeen labo jeer oo tababar ah labaddi maalin ee u danbeysay.

Qoraalka uu Kabtan Casaanyo soo dhigay ayaa sidaan u dhignaa : “Oman nagama badin ee Xiriirka Kubdda Cagta Soomaaliya ayaa naga badiyay , aad baan uga niyad jabsanahay natiijada maanta, wiilasha waxey u shaqeeyeen si adag, waxaan u qalanay wax intaas ka badan, maanta guuldaro kalama kulmin Cumaan, waxaan guuldaro kala kulanay xiriirka kubadda cagta Soomaaliya (SFF) Muddo 18 bilood ah wax tababaro ah ma heysan, labadii maalmood ugu dambeysay ayaan 2-jeer tababar sameynay, Sideed nooga rajeyneysaa inaan ula tartano wadamo sida Cumaan oo kale ah, kuwaas oo shan kulan ciyaaray labadii isbuuc ee ugu dambeysay?

Dadweynaha Itoobiya oo u dareeray goobaha cod bixinta

Dadweynaha Itoobiya ayaa safaf dhaadheer ugu jira goobaha codbixinta doorashooyinka si ay uga dhiibtaan codkooda doorashadii lixaad ee baarlamaanka iyo golayaasha deegaanka.

Ilaa 9,175 musharrax ayaa waxaa soo sharaxay 47 xisbi siyaasadeed, halka 125 ay ku biirayaan tartanka si madax-bannaan doorashooyinka ka socda in ka badan 49,407 goobood oo ku kala yaal waddanka Itoobiya.

Guddiga doorashooyinka Itoobiya ayaa hore labo jeer dib u dhigay doorashooyinka sababo la xiriira aafada xanuunka Corona, amniga iyo dhibaatooyinka dhanka logistikada ah.

GANACSIGU WAA FAA’IIDO MARNA WAA QASAARO

Ganacsatada loo yaqaanno waratada waxa ay ka mid yihiin ganacsatada yar yar waxaana sida badan ku howlanaan jiray Haweenka oo badanaa soo bandhigi jiray qudaarta sida yaanyada, liinta, cambaha, ansalaatada iwm.

Ganacsigan waxaa haatan ku soo badanaya qeybaha kala duwan ee ragga kuwaasoo qeyb ka noqdey dhaqaajinta ganacsiga yar yar.

Waxaad arkeysaa markii aad booqato goobaha ganacsiga dhallinyaro aad u yar yar oo ku mashquulsan siday wax uga iibsan lahaayeen macaamiishooda.

Maalmihii la soo dhaafay waxaan si isdaba joog ah u booqanayay goobo ganacsi kala duwan, si aan wax badan uga ogaanno Isbeddelka ganacsiga ku yimid.

Waa maxay warato, warato ganacsatada yar yare e aan awoodda buuran u lahayn in ay kireystaan guryaha ama dukaamada ganacsi, taasoo ku kaliftay inaysan haysan awood dhaqaale oo u saamixi karta in ay gaaraan heerkaas, balse waxaa ay door bideen in ay ganacsigooda ka billaabaan waratanimo. Waayo, waratadu badanaa waxay gadaan alaabada yar yar, waratadu waxay banaanka wartaan wixii ay heysteen si looga iibsado.

Cali xuseen waxa uu ka mid yahay ganacsatada dan yarta ah, waxaan hordhigey Su,aal ah Maxaa sababay in raggu ku soo biiraan ganacsiga waratada oo horey ay haweenku hormuudka ka ahaayeen? Wuxuu yiri Xuseen: Ganacsigan waxaan ku soo biiray muddo laga joogo shan sano, waxaana ka helnaa faa’iido la mid ah kuwa haweenka ay ka helaan ganacsigaan, isagoo hadalkiisa sii watana wuxuu yiri Xuseen “Aniga waxaan muddo ku maqnaa Dalka Sacuudiga markii aan imid dalka ayaan bilaabay in aan ku shaqeysto xirfaddaan ganacsi Waxaan ka ganacsadaa sida badan Dharka Haweenka sida, Xijaabbada, waxaa wax naga iibsado waa haween ganaciga waan ka helnaa Faa,iido aan ku maareeyo nolosha qoyskeyga ayuu ku soo koobay xuseen.

Sidoo kale, waxaan sii wadanay kormeerkeenna iyo wareysiyadeenna si aan wax uga oggaanno dhaqdhaqaaqa ganacsi ee waratada yar yar, waxaana sidoo kale la kulmay wiil dhallinyaro ah oo magaciisa iigu soo koobay Sadaam wuxuuna ii sheegay in uu ka mid yahay dhallinyarada wax baratay, wuxuuna yiri “Haddii aan kuu sharraxo ereyga warato waa ganacsi yar oo dhulka jawaan la dhiganayo ka dibna aad dul saaraneyso wixii aad ku iibsan lahayd.

Mar waa noo faa,iido oo lagaama rabo wax kiro ah waana inoo fursad. mararka qaar waxaan la kulannaa dhibaato, gaar ahaan xilliyada roobabku ay da’ayaan, maheysatid meel aad kaga gabaadato dhibicda roobka oo saameyn weyn kugu yeelanayo, adigoo ka baqanaya in ay kaa qoyaan xoogaaga aad meesha dhigatay, sida badan waxaan isticmaalnaa bacaha si aan uga nabad galno roobka.

Sidoo kale, waxaa jira dhibaato waratada danta yar ka heysata ciidammada dowladd hoose, oo sida badan weerar ku soo qaadda si ay u kala ceyriyaan waratada kala duwan kuwaaso ay dantu badday in ay ganacsigoo dhigtaan dariiqyada ay dadku maraan, si qof walba oo maraya halkaasi u arko waxa ay gadayaan. Ganacsigu waa Faa,iido marna waa qasaaro iyadoo aad arkeyso in marba marka ka danbeysa ay ku soo biirayaan dhallinyaro wax baratey kuwaa oo qeyb ka noqonaya ganasatada.

W/Q: Khadiijo Xasan Cabdi

GANACSIGU KOW IYO LABO MAAHAN

Magaalooyinka, waxaa xarumo ku leh dowladda, hay’ado iyo shirkado gaar ahaaneed sidaa darteed ayey ugu mehrado badan tahay goobaha kale.

Dadka magaalooyinka deggan way ka mehrado badan yihiin kuwa miyiga iyo xeebaha deggan.

Mehradaha dadka Soomaaliyeed ka xoogsadaan wey kala duwan yihiin, iyadoo taasi ugu wacan tahay deegaanka ay ku kala nool yihiin.

Dadka Soomaaliyeed badankoodu, waxay ku nool yihiin baadiyaha, waxayna dhaqdaan xoolaha nool, oo ay ka heliaan caano, subag, hilib iyo hargo oo ay u iibgeeyaan magaalooyinka.

marka ay u baahdaan reer miyigu cunto iyo dhar, waxay xoolo nool u iibgeeyaan magaalooyinka, si lacagta ka soo gasho ugu soo iibsadaan dhar iyo cunto, gaar ahaan shaaha oo aad u cabaan reer miyigu sanooyinkaan dambe.

Dadka Soomaalidu qaarkood, waxay fashaan beero, kuwaasoo badan kood ay ku beertaan wax ay iyagu cunaan.

Beeraleyda qaarkood, waxay leeyihiin dhul ama beero waaweyn oo ay ku beertaan dalagyo kala duwan mid ay iyagu cunaan iyo kuwo magaalooyinka u iib geeyaan.

Dadka deggan xeebaha, waxay mehraddooda shaqo tahay kalluumeysi, kaasoo isagu jiro mid ay iyagu qaataan iyo mid ay dhoofsadaan, si ay waxyaabo kale ugu soo gataan, sidaa dhar iyo cuntada kale ee bariiska iyo Mehradaha Dadka Soomaaliyeed Ku Ganacsadaan Sonkortu ka mid tahay.

Dadka deggan magaalooyinka qaarkood, waxay ka xoogsadaan ganacsi qaar kalana dowladda ayey u shaqo tagaan.

Mehradaha dadku wey badan yihiin, waxaana ka mid ah birtumidda, dhismaha, xarqaanka, dalaalnimada iyo kuwa kale.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa aad u badan mehradaha shaqo ee magaalooyinka marka loo eego deegaannada kale ee miyiga iyo xeebaha dalka.

Waxaa kaloo sii ballaarinaya warshadaha yar yar ee ka abuurmaya magaalooyinka, taasina waxay sii laban laabeysaa tirada mehradaha shaqo ee dadweynaha iyo wax soo saarka dhaqaalaha dalka iyo dadka oo si madax bannaan u kobcaya marba marka ka dambeysa.

W/D: Osman Dhiblaawe

WADDANIGU MAGAC BUU HELAA

Waddaniga waa ruux u taagan horumarka dalkiisa iyo dadkiisa .

Hankiisu ma aha boob iyo hanti lunsasho wuxuuna isha ku hayaa difaaca dalkiisa iyo dadkiisa cadowga dibedda iyo gudaha waana geesi aan marna ka seexan daldaloolada ka muuqanaya waddankiisa siyaasad ahaan iyo ciidan ahaan waana ruux jy adeega dhereg iyo baahi intaba kuna kalsoon wax kasta oo kala kulmo dadaalka uu wado iyo horumarka uu wado.

Waddaniga waa qof aan ceeb laheyn oo dadku u soman yahay wuxuuna ka fog yahay eexda iyo nin jecleysiga , heybsooca iyo kala qoloqoleynta wuxuuna dalkiisa ku leeyahay saaxiibo gaar ah oo kala shaqeeya danta guud.

Waddanigu waa kan rajeeya in uu guul ka gaari doono howsha uu hayo taas oo uu ka helo magac wuxuuna aaminsan yahay hadii uu gaaro hadafkiisa in ay guul u idishahay .

Wuxuu ku fekeraa in uu u faa’ideeyo bulshada uu ka dhashay isagoon u kala saarin qabiil ama deegaan midna.

Dalka iyo dadka ayuu si siman ugu adeegaa wuxuuna noqdaa qof daacad oo la jecel yahay maadaama uu yahay qof daacad ah oo ka dagaalama kala sarreynta iyo caddaalad darada oo aan marna ka seexan danta guud.

Dabeyl kasta oo timaada  ha noqoto birbur iyo kala jabin bannaanka ayuu ka yahay wuxuuna ugu baaqaa ummaddisa midnimo iyo isku duubni .

Midnimada iyo isku duubnida waa awood aan laga maarmin bulsho kasta oo sameysa wax wada qabsi iyo wadajir .

Bulshada yeelata midnimo waxay ka hormartaa ummadaha kale xagga aqoonta , dhaqaalaha iyo amniga iyo dib u dhiska waxayna helaan muuqaal sharafeed.

Marka la helo midnimo waxaa imaanaya is jeceyl iyo wax wada qabsi iyo faa’ido dhan walba ah  gaar

ahaan ummadda soomaalida waa dad can ku ah wax wada cunka iyo is xiriirinta iyadoo marliiba iska illowda wixii dhib ahaa ee dhexdeeda ka dhacaywaxaana ka yimaada is cafis iyo walaalnimo.

W/Q; Abwaan Gabayre