GANACSIGU KOW IYO LABO MAAHAN

Magaalooyinka, waxaa xarumo ku leh dowladda, hay’ado iyo shirkado gaar ahaaneed sidaa darteed ayey ugu mehrado badan tahay goobaha kale.

Dadka magaalooyinka deggan way ka mehrado badan yihiin kuwa miyiga iyo xeebaha deggan.

Mehradaha dadka Soomaaliyeed ka xoogsadaan wey kala duwan yihiin, iyadoo taasi ugu wacan tahay deegaanka ay ku kala nool yihiin.

Dadka Soomaaliyeed badankoodu, waxay ku nool yihiin baadiyaha, waxayna dhaqdaan xoolaha nool, oo ay ka heliaan caano, subag, hilib iyo hargo oo ay u iibgeeyaan magaalooyinka.

marka ay u baahdaan reer miyigu cunto iyo dhar, waxay xoolo nool u iibgeeyaan magaalooyinka, si lacagta ka soo gasho ugu soo iibsadaan dhar iyo cunto, gaar ahaan shaaha oo aad u cabaan reer miyigu sanooyinkaan dambe.

Dadka Soomaalidu qaarkood, waxay fashaan beero, kuwaasoo badan kood ay ku beertaan wax ay iyagu cunaan.

Beeraleyda qaarkood, waxay leeyihiin dhul ama beero waaweyn oo ay ku beertaan dalagyo kala duwan mid ay iyagu cunaan iyo kuwo magaalooyinka u iib geeyaan.

Dadka deggan xeebaha, waxay mehraddooda shaqo tahay kalluumeysi, kaasoo isagu jiro mid ay iyagu qaataan iyo mid ay dhoofsadaan, si ay waxyaabo kale ugu soo gataan, sidaa dhar iyo cuntada kale ee bariiska iyo Mehradaha Dadka Soomaaliyeed Ku Ganacsadaan Sonkortu ka mid tahay.

Dadka deggan magaalooyinka qaarkood, waxay ka xoogsadaan ganacsi qaar kalana dowladda ayey u shaqo tagaan.

Mehradaha dadku wey badan yihiin, waxaana ka mid ah birtumidda, dhismaha, xarqaanka, dalaalnimada iyo kuwa kale.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa aad u badan mehradaha shaqo ee magaalooyinka marka loo eego deegaannada kale ee miyiga iyo xeebaha dalka.

Waxaa kaloo sii ballaarinaya warshadaha yar yar ee ka abuurmaya magaalooyinka, taasina waxay sii laban laabeysaa tirada mehradaha shaqo ee dadweynaha iyo wax soo saarka dhaqaalaha dalka iyo dadka oo si madax bannaan u kobcaya marba marka ka dambeysa.

W/D: Osman Dhiblaawe