Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle oo magacaabay Guddi heer Wasiiro ah oo ka tala bixiya xaaladda Gobolka Hiiraan

Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed) ayaa magacaabay Guddi heer Wasiiro ah oo soo dhoweeya, ugana warbixiya Mashaariicda ka socota Hirshabeelle, gaar ahaan Gobolka Hiiraan iyo baahiyaha horumarineed ee dhanka bulshada ka jirta Safiirada Dalalka Talyaaniga iyo Sweden oo gaaray Beladweyne.

Halkaan hoose ka akhriso Wareegtada ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar.

 

Wasiirka Caafimaadka XFS iyo Safiirka Italy ee Somalia oo ka qayb galay munaasabad Agab Caafimaad lagu gudoonsiinayay Isbitaal Martini

Munaasabadan Isbitaal Martini lagu gudoonsiinayay Agablaka Caafimaad oo ay ugu deeqeen Cutubyada Ciidanka Talyaaniga Soomaaliya ee loo yaqaano CIMIC EUTM, oo ay ka qeybgaleen Safiirka Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya Alberto Vecchi iyo Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Drs Fowsiya Abiikar Nuur, ayaa Agab Caafimaad lagu gudoonsiiyay maamulka  Isbitaal Martini.

Agabkan oo isugu jiray Mishino Casriga ah iyo qalab Caafimaad  ayay  Cutubyada Ciidanka Talyaaniga Soomaaliya  ay gudoonsiiyeen Isbitaalka Martini, oo kaalin weyn ka qaadanayaa u adeegsita Bulshada Soomaaliyeed.

Ugu horeen Agaasime ku xigeenka Isbitaalka Martiini ayaa uga mahadceliyay Dowladda Taliyaaniga deeqadan caafimaad ee ay maanta ugu deeqeen isbitaalka si loo xoojiyo adeega ay u hayaan Bulshada.

Safiirka Dowladda Taliyaaniga ee Soomaaliya ayaa dhankiisa sheegay in dowladda Talyaaniga ay wada shaqeyn wanaagsan kala dhaxeyso guud ahaan Hey’adaha Dowladda gaar ahaan Wasaaradda Caafimaadka.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Drs Fowsiya Abiikar Nuur oo gudoontay qabalbkan Caafimaad ee dowladda Taliyaanigu ay ugu deeqday Isbitaalka, ayaa sheegtay in wax weyn ka tari doonto adeeyada Caafimaad ee uu Isbitaalka u hayo  Bulshada Soomaaliyeed.

Wafdi uu horkacaayo Safiirka Sweden u fadhiya Soomaaliya oo gaaray Beled weyne

Safiirka Dowladda Sweden u fadhiya  Soomaaliya Per Lindgarde iyo xubno kale oo ka socda beesha caalaamka ayaa  maanta gaaray magaalada Beledweyn ee xarunta gobalka Hiiraan.

Maamulka gobalka, kan degmada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa si wayn usoo dhaweeyay wafdiga.

Wafdiga ayaa kormeer ku sameeyay mashaariic horay qeyb kamid ah looga  fuliyay gobalka, iyagoo sidoo kale tagay meelo kale oo  ka mid ah magaalada Beledweyn una baahan in loo sameeyo biyo xireen.

Wasaaradda Waxbarashada Galmudug oo daah-furtay kulan looga hadlayay falanqeynta Waxbarashada

Wasiirka wasaaradda Waxbarashada Galmudug Maxamed Xaashi Dhoorre, ayaa maanta furay kulan looga doodayay nuqulka 1-aad ee falanqeynta Waxbarashada Galmudug.

Qaar ka mid ah Jaamacadaha Galmudug, dugsiyada waxbarashada, wakiillo ka socday wasaaraddaha, Qorsheynta, maaliyadda iyo Haweenk ee Galmudug, ayaa talo iyo turxaan bixin kusoo kordhiyay macluumaadka iyo xogta laga soo uruuriyay waxbarashada Galmudug.

Wasiir Dhoorre wuxuu sheegay in xogtaan qabyada ah ay mari doonto dhowr waji oo lagu faaf-reebayo si loo helo nuqulka kama dambeysta ah ee saldhig u noqon doona diyaarinta qorshaha waxbarashada Galmudug ee shanta sano ee soo socota.

Falanqeynta waxbarashada Galmudug ayaa lasoo gabagebyn doonaa dhammaadka bishaan June.

Amisom oo Ciidanka Xoogga ku wareejisay Saldhigga Marriin Gubaay

    

Ciidamada Ugandha ee ka tirsan AMISOM ayaa si guul leh u xaqiijiyey  amaanka gacan ku haynta agagaarka saldhigga howlgalka ee Maryan Gubaay oo ka tirsan gobolka shabeellada hoose, iyagoo ka adkaaday al-Shabaab waxayna hada ku wareejiyeen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo sugi doono amaanka aggan wixii hadda ka dambeeya.

Axaddii ayey qabsoontay munaasabad si toos ah  Amisom ugu wareejinaysay Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed ( SNA) xarunta oo ay qeyb ka ahayd Qorshaha Kalaguurka Soomaaliya, munaasabadan ayaa waxa ka soo qeyb galay gudoomiyaha gobolka shabeelaha hoose, Cabdulqaadir Siidii iyo gudoomiye ku xigeenka degmada Baraawe Ibrahim Abdinoor.

Ciidanka xoogga ayaa mudooyinkii u dambeeyey la wareegayey Saldhigyada Amisom hore gacanta ugu haysay tani oo muujinaysa awooda sii kordhaysa ee ciidanka xoogga iyo sida uu ugu filan yahay la wareegista dhamaan goobaha laga xoraynayo haraadiga argagaxisadda.

Ciidamada Amisom waxay hadda horay ugu sii socdaan dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab si ay gacan uga geysato ka xoreynta aagagga kale ee gacanta argagixisada ku harsan, ayna taageerto Ciidanka Xooga Dalka Somaaliya (SNA) si loo ilaaliyo dadka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Hirshabeelle oo kulan la qaatay ganacsatada Soomaaliyeed ee Turkiga

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa xalay Magaalada Stanbul ee dalka Turkiga uga qeybgalay kulan casuumaad ah oo ganacsatada iyo jaaliyada Magaaladaas ay u sameeyeen.

Madaxweynaha oo kulankaan uu ku wehliyay Mudane Cabdulqaadir Caraboow Ibraahim, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa iska Xog wareystay xaaladaha guud ee dalka gaar ahaan tan Hirshabeelle.

Madaxweynaha ayaa ganacsatada Soomaaliyeed ee Stanbul uga mahadceliyay casuumaada iyo soo dhoweynta ay u sameeyeen isagoo u sheegay faa’iidada muhiimada ay leedahay inay maalgashtaan Dalkooda si gaar ahna u la wadaagay fursadaha Maalgashi iyo tan ganacsi ee ka banaan Hirshabeelle.

Ganacsatada kulankaan Casuumaada ah u sameeyay Madaxweynaha ayaa dhankoooda balanqaaday inay booqan doonaan Deegaanada iyo Degmooyinka Hirshabeelle si ay u maalgashtaan deegaanadaas barwaaqada ah.

 

 

 

Madaxweynaha Filibiin oo Xabsi ugu hanjabay dadka diidan inay qaataan tallaalka hortaga Corona

Madaxweynaha Filipino Rodrigo Duterte, ayaa ku hanjabay inuu xiri doono dadka diidan inay qaataan talaalka ka hortaga Corona Virus.

“Dadka diiday in aay qataan Cirbada ka hortaga Corona waxay kala dooran doonaan qaadashada tallaalka ama xabsi ” ayuu Duterte ku yiri  khudbad telefishanka Filipino laga sii daayay fiidnimadii Xalay, ka dib markii inta badan Shacabka ku nool caasimadda  dalkaasi Manila ay diideen in ay qataan Tallaalka ka hortaga Covid 19.

Dalka Filibiin ayaa hadda si adag ula dagaallamaya  xanuunka Corona Virus, iyadoo wadarta dadka xanuunkan laga helay ay gaarayaan 1.3 milyan oo qof,  halka dad gaaraya 23,000 ay  u dhinteen xanuunkan.

Golaha wadatashiga qaranka oo kulan yeelana si loo dardar galiyo shaqooyinka harsan ee arrimaha doorashooyinka

Ra’iisul Wasaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku casuumay madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka shir Sabtida ka dhacaya Muqsisho, kaas oo la isaga wareysanayo howlihii ka qabsoomay arrimaha doorashooyinka tan iyo heshiiskii 27-kii May iyo dardar gelinta shaqooyinka harsan.

Heshiis dhexmaray Dowladaha hoose ee Muqdisho iyo Konya ee Turkiga

Wafdi ka socday Dawladda Hoose ee Muqdisho oo uu hogaaminaayay Guddoomiye K/xigeenka howlaha guud ee Maamulka gobolka Banaadir Faarax Cabdi Diini iyo Xoghayaha guud ee gobolka Banaadir ayaa Magaalada Konya ee dalka Turkiga kula kulmay ku-xigeenka duqa magaalada Konya Mr. Ercan Uslu,

Labda Maamul ee Konya iyo Muqdisho ayaa ka wada hadlay kor u qaadida iskaashiga maareynta biyaha iyo qashinka, sidoo kale fursadaha tababarada shaqaalaha gaar ahaan farsamadda gacanta ayaa kamid ahaa waxyaabihii aadka looga dooday.

labada Dawlad hoose ayaa intaasi kadib isku raacay in si wadajir ah looga wada shaqeeyo arimaha soo socda.

1- Xoojinta xiriirka iyo iskaashiga cusub labada magaalo.

2- In Maareynta qashinta laga taageero Dawladda Hoose ee Muqdisho maadaama Maamulka Konya ay khinrad buuxda u leeyihiin hawlaha dhinacaas la xiriira, sidoo kale waxaa Muqdisho laga taageeri doonaa khubarro farsamo oo tabanaro iyo hagitaan siin doono hawl wadeenadda nadaafadda Dawladda hoose ee Muqdisho.

3-Waxaa si wadajir ah ay labada Dawlad Hoose isugu waafaqeen in la bilaabo diyaarinta mataaneynta Muqdisho iyo Konya si labada dhinac ay iskaashi iyo wada shaqeyn buuxdo u dhex marto.

4-In si deg deg ah loo bilaabo booqasho labada maamul ay is-weydaarsanayaa taaso labada Maamul ku kala tagi doonaan Konya iyo Muqdisho.

5- In Machadka tababaradda Konya uu gacan ka siin doono Maamulka Dawladda Hoose ee Muqdisho dhinaca tababaradda shaqaalaha isla markaana ay si toos ah u wada xiriiri doonaan hawl-wadeenada labada dhinac ee Muqdisho iyo Konya.

Dowladaha hoose ee Muqdisho iyo Konya oo heshiis kala saxeexday

ILAYSKA DALKA:-Wafdi ka socday Dawladda Hoose ee Muqdisho oo uu hogaaminaayay Guddoomiye K/xigeenka howlaha guud ee Maamulka gobolka Banaadir Faarax Cabdi Diini iyo Xoghayaha guud ee gobolka Banaadir ayaa Magaalada Konya ee dalka Turkiga kula kulmay ku-xigeenka duqa magaalada Konya Mr. Ercan Uslu,

Labda Maamul ee Konya iyo Muqdisho ayaa ka wada hadlay kor u qaadida iskaashiga maareynta biyaha iyo qashinka, sidoo kale fursadaha tababarada shaqaalaha gaar ahaan farsamadda gacanta ayaa kamid ahaa waxyaabihii aadka looga dooday.

labada Dawlad hoose ayaa intaasi kadib isku raacay in si wadajir ah looga wada shaqeeyo arimaha soo socda.

1- Xoojinta xiriirka iyo iskaashiga cusub labada magaalo.

2- In Maareynta qashinta laga taageero Dawladda Hoose ee Muqdisho maadaama Maamulka Konya ay khinrad buuxda u leeyihiin hawlaha dhinacaas la xiriira, sidoo kale waxaa Muqdisho laga taageeri doonaa khubarro farsamo oo tabanaro iyo hagitaan siin doono hawl wadeenadda nadaafadda Dawladda hoose ee Muqdisho.

3-Waxaa si wadajir ah ay labada Dawlad Hoose isugu waafaqeen in la bilaabo diyaarinta mataaneynta Muqdisho iyo Konya si labada dhinac ay iskaashi iyo wada shaqeyn buuxdo u dhex marto.

4-In si deg deg ah loo bilaabo booqasho labada maamul ay is-weydaarsanayaa taaso labada Maamul ku kala tagi doonaan Konya iyo Muqdisho.

5- In Machadka tababaradda Konya uu gacan ka siin doono Maamulka Dawladda Hoose ee Muqdisho dhinaca tababaradda shaqaalaha isla markaana ay si toos ah u wada xiriiri doonaan hawl-wadeenada labada dhinac ee Muqdisho iyo Konya.