Madaxweyne Laftagareen oo soo gaaray Muqdisho

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka koonfur galbeed Soomaaliya Mudane; Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka.

Socdaalka Madaxweynaha ayaa ah ka qeybgalka shirka Ra’iisul Wasaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane; Maxamed Xuseen Rooble uu ku casuumay madaxda golaha wadatashiga Qaranka ee la isaga wareysanayo howlihii ka qabsoomay arrimaha doorashooyinka tan iyo heshiiskii 27-kii May iyo dardar gelinta shaqooyinka harsan.

Iskaashaatada Beeraleyda Baladweyne oo soo bandhigtay nuucyada dalagyada ee ka baxa degmadaasi

Madax ka tirsan maamulka Hirsgabeelle kan degmada Baladeryn iyo marti sharaf kale ayaa ka qeybgalay xaflad idowga iskashatada Beeraleyda Degmada Beladweyne oo ka kooban 14 iskaashato ay ku soo bandhigeen nuucyada miraha beeraha ee ka baxa gobolka Hiiraan.

Wasiirka Wasaradda Beeraha iyo Waraabka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, ayaa balanqaaday in Wasaradda Beeraha Hirshabeelle ay si dhow ula shaqeyn doonto 14 iskaashato, ayna ka cawin doonto waxyaabaha ay u baahanyihiin, aydoo Wasaaraddu kaashan doonto Dowladda Federaalka iyo hay’adaha ku shaqada leh arrimaha beeraha.

Guddoomiyaha Degmada Beladweyne Cisman Dhicisow Dhuubow, Agaasimaha Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Hirshabeelle Cabdullaahi Cali Cabdi ayaa si wada jir u bogaadiyay bandhiga ay qabteen Midowga Iskashata Beeraleyda ee Degmada Beladweyne.

Guddoomiyaha Midowga iskaashatda Beeraleyda Degmada Baladweyne Cilmi Cabdullaahi Maxmed Cilmi Dugow iyo Cabdiraxamaan Maxamed Cabdi Cali oo ah xogeynta Midowga iskaashatada Beeraleyda ayaa ka warbixiyay dadaalka ay ugu jiraan wax asoo saarka beeraha iyo caqabado ay la kulamaan beeraleyda.

Madaxweyne Qoor qoor oo shir guddooiyay kulan u qabsoomay Golaha Wasiirrada

Kulankan oo todobaadle ah waxaa shir guddooiyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye qoorqoor,kaas oo looga hadlay arrimo ku saabsanaa dib u eegista iyo wax ka baddalka xeer hoosaadka golaha wasiirada.

Kulankaasi waxaa warbixin looga dhageystay wasiirka Biyaha iyo Tamarta Galmudug Maxamuud kaarshe,taas oo  ku saabsan eyd xeerka maareynta biyaha oo dhawaan la dhameystiray diyaarintiisa,

Sidoo kale Wasiirka beeraha, dhirta iyo daaqa Galmudug Axmed Nuur Xaaji Cusmaan ayaa Golaha Wasiirrada warbixin ka siiyay halka uu marayo mashruuca dhismaha xarunta dhexe ee la dagaalanka ayaxa iyo xadiga ay la egtahay kaalmada laga helay hey’addaha caalamiga ah ee ka shaqeeya hormarinta beeraha.

Ugu danbayntii Golaha Wasiirada ayaa bogaadiyay dadaalada hey’addaha amniga ee u diyaar garobay Howlaha doorashada, iyadoo fadhiga gollaha lagu muujiyay muhiimadda xasiloonida shacabka.

Diyaar-garow ku aadan Xusaska Maalmaha Xoriyadda oo ka socota Mareykanka

Jaaliyadda dadka Soomaalida ee ku dhaqan Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ,ayaa ku howlan diyaarinta xaflado loogi diyaargaroobayo xusaska munaasabadaha maalmaha xoriyadda ee 26-ka juun iyo 1-da luulyo.

Guddoomiyaha Guddiga qabanqaabada Axmed Cabdi Ismaaciil,ayaa sheegay in malinta Sabtida ah ay xaflad ku qabsan doonaan wadada east Franklin ee magaalada Minyabulis,halkaas oo uu tilmaamay in ay isugu imaan doonaan fanaaniin, iyo qeybaha bulshada.

Wakiilka warbaahinta Qaranka Cabdixakim Cabdi ismaaciil,ayaa sheegay in qabanqaabada xusaskaasi oo haatan ka socdaan magaalooyinka waaweyn ee ay dagaan dadka Soomaalida,sida Minyabulis iyo kuwo kale.

Marwada Koowaad ee Dalka oo xarigga ka jartay xarunta Caafimaadka ee Hooyada iyo Dhallaanka ee Degmada Hobyo

Marwada Koowaad ee Dalka Marwo Saynab Cabdi Macallin ayaa xarigga ka jartay Isbitaalka Hooyada iyo dhallaanka oo laga hirgeliyey degmada Hobyo ee Gobolka Mudug, xaruntan caafimaad ayaa loogu talagalay in bulashada deegaanka ay ka helaan daryeel caafimaad oo dhammeystiran gaar ahaan haweenka iyo carruurta oo la kulmi jiray dhibaatooyin xagga adeegga caafimaadka ah.

Marwada Koowaad ee Dalka ayaa ku bogaadisay bulashada Hobyo doorkii wanaagsanaa ay ka qaateen hirgelinta isbitaalkan casriga ah, taas oo muujineysa isku duubnida bulashada ah iyo sida ay ugu hamuun qabaan horumarka deegaankooda, waxa ayna kula dardaarantay in ay ilaashadaan midnimadooda siina xoojiyaan dardargelinta adeegayada aasaaska u ah dadka deegaanka ay ugu horreeyaan hooyada iyo ubadka.

“Madaama muddo badan baahi weyn loo qabay in la helo isbitaalkan casriga ah, waxaan ku guuleystay dhammaanteen inaan ka mira dhalino hadafkii bulashada deegaanka, dadaalkaas oo ay horkacayaan Haweenka deegaanka, waxaan rajeynaya bulashada kale ee reer Galmudug in ay isku tashigan kaga dayan doonan reer Hobyo oo ku suntan isku duubni iyo dowlad dhiska”.

Sido kale, Marwo Saynab ayaa u mahadcelisay dhammaan cidkasta oo gacan ka gaysatay hirgelinta Isbitaalka Hooyada iyo dhallaanka, gaar ah muwaadin Abshir Diini Cawaale oo dhulka ku deeqay, Hay’adaha Qatar Charity iyo  Saynab Moallim Foundation, Dowlad Goboleedka Galmudug iyo guud ahaan bulashada Reer Hobyo oo ah dad jecel xoojinta dowladnimada.

Hirgelinta Isbitaalka hooyada iyo dhallaanka ee degmada Hobyo waxa iska kaashaday Hay’adda Qatar Charity, iyo Hay’adda Saynab Moallim Foundation oo dadaal dheeriya ku bixiyey taabba-gelinta, dhisidda, u dhammeystirka shaqaalaha isbitaalka, qalabkii caafimaadka iyo guud ahaan agabyadii muhiimka u ahaan shaqada Caafimaadka.

Safarka waxaa ku weheliyey Marwada Koowaad ee Dalka Marwo Saynab Cabdi Macallin, Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid, Xildhibaanno, Senator, qaar ka mid ah haweenka u dhaqdhaqaaqa Arrimaha bulsahada iyo Madax ka socotay hay’adda Qatar Charity oo door weyn ka qaadatay dhisidda Isbitaalka.

Baarlamaanka Galmudug oo ansixiyay Hindise Sharciyeedka Miisaaniyadda 2021

Kulanka Baarlamaanka maanta oo shir guddoominayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Dr Maxamed Nuur Gacal ayna wehlineysay Guddoomiye ku-xigeemka 2-aad Marwo Faadumo Cabdi Cali ayaa ajandaha kulanku wuxuu ahaay,

  1. Akhrinta 3-aad iyo Ansixinta Hindise Sharciyeedka Miisaaniyadda 2021.
  2. Bandhigga iyo Akhrinta 1-aad ee Hindise Sharciyeedka Ruqsadaha Ganacsiga Galmudug.

Guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanka  oo miisaaniyadda Galmudug dib u eegis ku sameeyay ayaa Xildhibaannada Baarlamaanka ka codsaday meelmarinta miisaaniydda, waxaana codsiga guddiga kadib xildhibaanadu si caqlibiyad ah u meel mariyeen miisaaniyada Galmudug ee 202.

Ansixinta Miisaaniyada ka dib ayaa waxaa Shirka soo xiray Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Maxamed Nuur Gacal ayaa sheegay in miisaaniyadda ay cod aqlabiyad leh ku codeeyeen Xildhibaannada, waxaana Haa ku codeysay 47 Xildhibaan, ma jirin Xildhibaan diiday ama ka aamusay.

Dhinaka kale Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Galmudug ayaa Baarlamaanka maanta hor keentay Hindise Sharciyeedka Ruqsadaha Ganacsiga Galmudug.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa Xildhibabaannada Baarlamaanka Galmudug u sharxay muhiimadda sharcigaan u leeyahay Ganacsiga Galmudug.

Kulamada soo socda ee ay yeelanayaan Xildhibaannada Baarlamaanka Galmudug ayaa qorshuhu yahay inay meel mariyaan hindise sharciyeedyo cusub.

Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug oo kulan khadka internetka la yeeshay Safiirka ingiriiska u fadhiya Soomaliya

Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa maanta kulan khadka mareegta internetka ah kula yeeshay Danjiraha Dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Ms. Kate Foster.

Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay Arrimaha horumarinta Kaabayaasha dhaqaale, amniga gudaha iyo dhismaha Hay’adaha kala duwan ee Galmudug oo Dowladda Ingiriisku ay gacan ka geysato.Dhinaca kale Madaxweynaha iyo danjiraha ayaa ka wada hadlay arrimaha dardargelinta doorashada dalka oo si habsami leh ku socota.

Madaxweynaha ayaa ugu danbeyntii danjiraha uga mahadceliyay taageerada iyo garab istaagga dowladda UK ee guud ahaan Soomaaliya iyo Galmudug si gaar ah.

Maxkamadda Ciidamadda oo bilaabeysa dhageysiga dacwad loo hesto 2 ajanabi oo Al-Shabaab ah

Maxkamadda Ciidamadda ayaa dhowaan la filayaa in ay billaawdo dhagaysiga dacwad loo haysto 2 eedeysane oo janabi ah oo u kala dhashay Ingiriiska iyo Malaysia, kuwaasoo loo haysto inay ka tirsanaayeen kooxda argagixisadda ee alshabaab.

Eedaysanayaashaan  ayaa loo heystaa inay dalka ku soo galeen sharci darro iyo inay ka barbar dagaaalameen kooxda argagixisadda ah ee alshabaab.

Waxaa sidoo kale  loo heystaa in mudadii ay somaliya joogeen inay geysteen tacaddiyo iyo gabood fallo ka dhan ah muwaadiniin soomaaliyeed iyo inay qayb ka noqdeen weeraro argagixisnimo.

Kooxda Al-shabaab ayaa inta badan dalka ku soo hoggaamisa kooxo ajanabi ah oo dalalkooda ka soo galay dambiyo,si ay qayb uga noqdaan xasuuqa kooxdaasi ay ku heyso shacabka soomaaliyeed.

 

Ra’iisul wasaare Rooble oo sagootiyay safiirka Findland u joogay Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan sagootin ah la yeeshay safiirka sii baxaya ee Finland u joogay Soomaaliya Mr Erik lundberg.

Mudane Rooble ayaa uga mahadceliyay kaalintiisii xoojinta xiriirka labada dal iyo doorka dowladda Finland ee dowlad dhiska Soomaaliya.

Gudidda qaban qaabada maalmaha xoriyadda oo kormeeray goobaha loo diyaariyey inay ka qabsoomaan munaasabadaha xoriyadda

Gudiga Golaha wasiirada oo qabanqaabinaya Maanasabadaha Maalmaha Xoriyada qaranka ee nagu soo wajahan ayaa kormeeray xarumaha ay ka dhici doonaan Maalmaha xoriyadda halkaas oo ay ka socoto diyaar garow adag oo lagu isugu diyaarinao Maalmaha qaranka qiimaha balaaran ugu fadhiya.

Gudigaan oo uu hoogaaminayay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta xakuumadda Fadraalka ah ee Soomaaliya Cusmaan Abuukar Dubbe oo ah Gudoomiayaha gudigaan qaban qaabada wada ayaa kormeerkooda ka bilaabay tiyaatarka qaranka halkaas oo kooxda hobolada waabari ay ka wadaan diyaar garowga iyo isku dubaridka hobolada fanka ee ka qeyb qaadan doono madalaha bilan ee munaasabadaha xoriyadda.

Gudigaan ayaa u sii gudbay dal jirka Dahsoon halkaas oo laga wado qurxin iyo naqshadeyn kuwaas oo loogu tala galay dabaal daga shacabka Soomaaliyeed waxana halkaasi gudiga ku soo dhaweeyay dhalin yaro damaashaad iyo diyaar garow u joogtay daljirka ayagoo wasiirada qaar ka mid ah ay wax ka qabteen shaqadii halkaasi laga waday.

Howl ka dib ayaa gudiga kormeekiisa ku sii gaaray taalooyinka dhagax tuur iyo sayidka oo ka mid ah goobaha ay ka dhici doonaan munaasabadaha waxa ayna shaqaalaha howsha wada kula dardaarmeen inay sii dada jiyaan shaqada maadaama fooda nagu soo hayaan Maalmaha xoriyada ee loo dabaal dagayo.