Madaxweyne Qoor qoor oo shir guddooiyay kulan u qabsoomay Golaha Wasiirrada

Kulankan oo todobaadle ah waxaa shir guddooiyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye qoorqoor,kaas oo looga hadlay arrimo ku saabsanaa dib u eegista iyo wax ka baddalka xeer hoosaadka golaha wasiirada.

Kulankaasi waxaa warbixin looga dhageystay wasiirka Biyaha iyo Tamarta Galmudug Maxamuud kaarshe,taas oo  ku saabsan eyd xeerka maareynta biyaha oo dhawaan la dhameystiray diyaarintiisa,

Sidoo kale Wasiirka beeraha, dhirta iyo daaqa Galmudug Axmed Nuur Xaaji Cusmaan ayaa Golaha Wasiirrada warbixin ka siiyay halka uu marayo mashruuca dhismaha xarunta dhexe ee la dagaalanka ayaxa iyo xadiga ay la egtahay kaalmada laga helay hey’addaha caalamiga ah ee ka shaqeeya hormarinta beeraha.

Ugu danbayntii Golaha Wasiirada ayaa bogaadiyay dadaalada hey’addaha amniga ee u diyaar garobay Howlaha doorashada, iyadoo fadhiga gollaha lagu muujiyay muhiimadda xasiloonida shacabka.