Iskaashaatada Beeraleyda Baladweyne oo soo bandhigtay nuucyada dalagyada ee ka baxa degmadaasi

Madax ka tirsan maamulka Hirsgabeelle kan degmada Baladeryn iyo marti sharaf kale ayaa ka qeybgalay xaflad idowga iskashatada Beeraleyda Degmada Beladweyne oo ka kooban 14 iskaashato ay ku soo bandhigeen nuucyada miraha beeraha ee ka baxa gobolka Hiiraan.

Wasiirka Wasaradda Beeraha iyo Waraabka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, ayaa balanqaaday in Wasaradda Beeraha Hirshabeelle ay si dhow ula shaqeyn doonto 14 iskaashato, ayna ka cawin doonto waxyaabaha ay u baahanyihiin, aydoo Wasaaraddu kaashan doonto Dowladda Federaalka iyo hay’adaha ku shaqada leh arrimaha beeraha.

Guddoomiyaha Degmada Beladweyne Cisman Dhicisow Dhuubow, Agaasimaha Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Hirshabeelle Cabdullaahi Cali Cabdi ayaa si wada jir u bogaadiyay bandhiga ay qabteen Midowga Iskashata Beeraleyda ee Degmada Beladweyne.

Guddoomiyaha Midowga iskaashatda Beeraleyda Degmada Baladweyne Cilmi Cabdullaahi Maxmed Cilmi Dugow iyo Cabdiraxamaan Maxamed Cabdi Cali oo ah xogeynta Midowga iskaashatada Beeraleyda ayaa ka warbixiyay dadaalka ay ugu jiraan wax asoo saarka beeraha iyo caqabado ay la kulamaan beeraleyda.