Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug oo kulan khadka internetka la yeeshay Safiirka ingiriiska u fadhiya Soomaliya

Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa maanta kulan khadka mareegta internetka ah kula yeeshay Danjiraha Dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Ms. Kate Foster.

Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay Arrimaha horumarinta Kaabayaasha dhaqaale, amniga gudaha iyo dhismaha Hay’adaha kala duwan ee Galmudug oo Dowladda Ingiriisku ay gacan ka geysato.Dhinaca kale Madaxweynaha iyo danjiraha ayaa ka wada hadlay arrimaha dardargelinta doorashada dalka oo si habsami leh ku socota.

Madaxweynaha ayaa ugu danbeyntii danjiraha uga mahadceliyay taageerada iyo garab istaagga dowladda UK ee guud ahaan Soomaaliya iyo Galmudug si gaar ah.