Dabbaal-degyadii Maalmaha Xoriyadda oo weli si weyn uga socda Dalka

Dabbaal-degyadii maalmaha Xoriyadda ayaa weli si weyn uga socda guud ahaan Dalka gaar ahaanna Caasimadda Muqdisho, Wasiirka Warfaafinta ayaa booqday taalada Dhagax-tuur halkaas oo weli muwaadiniinta Soomaaliyeed kasii wadaan Dabaal dega maalmaha Xoriyadda Wasiiirka ayaa yiri.

“Halkani waa taalada Dhagaxtuur oo lagu xasuusto maalintii la baxday HANOOLAATO ee 1948kii isla goobtan uu iska hor imaadku ku dhexmaray isticmaarkii Talyaaniga iyo halgamayaashii SYL.” Ayuu yiri Wasiir Dubbe.

Wasiirka ayaa ugu hambalyeeyey Shacabka Soomaaliyeed sida gobanimada leh ee marwalba ugu halgamayaan qaranimadooda iyo midnimadooda.

Madaxweynaha Jubbaland oo soo gaaray Muqdisho

Madaxweynaha maamulka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha oo hogaaminayay wafdi ka kooban labada gole ee maamulka waxaa garoonka diyaaradaha Aadan cadde kusoo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Axmed Madoobe, madaxweynaha Jubbaland ayaa magaalada Muqdisho kaga qeyb galaya shir ay yeelanayaan madaxda golaha wadatashiga Qaran.

Ra’iisul Wasaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble  ayaa ku casuumay madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka shir Sabtida maanta ah ka dhacaya Muqsisho, kaas oo la isaga wareysanayo howlihii ka qabsoomay arrimaha doorashooyinka tan iyo heshiiskii 27-kii May iyo dardar gelinta shaqooyinka harsan.

Madaxda Qaranka oo ka qeyb gashay xuska 26ka June

Madaxda Qaranka ayaa xaruunta Madaxtooyadda dalka uga qayb galay munaasabadda xuska sanad guurada 61-aad ee kasoo wareegtay maalintii ugu horeysay ee calan Soomaaliyeed oo xor ah laga taago ciidda Soomaaliyeed 26-ka June 1960-kii oo gumeystihii Ingiriiska ay ka xoroobeen Goboladda Waqooyi ee Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Shacabka Soomaaliyeed ugu Hambalyeeyay xuska 26ka June

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu Hambalyeeyey Munaasibadda 26-ka June oo caawa si weyn looga xusay Muqdisho iyo qaar ka mid ah Gobollada dalka.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa shacabka Soomaaliyeed u rajeeyey in sanadkan kiisa xiga ay ku gaaraan Nabad iyo Horumar.

MADAXWEYNAHA JFS OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA XUSKA 26-KA JUUN.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qayb galay Munaasabadda Xuska 26-ka Juun ayaa ugu hambalyeeyey dhammaan shacabka Soomaaliyeed Sannad Guurada 61-aad ee ka soo wareegtay Maalintii Xorriyadda Gobollada Waqooyi.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyey Munaasabadda 26-ka Juun oo ah maalin ku astaysan mirihii ka dhashay halgankii gobannimo doonka iyo maalintii koowaad oo calan Soomaaliyeed laga taago dhul Soomaaliyeed oo xor ah ayaa soo bandhigay taariikhda halgankii xornimadoonka Dalkeenna, isaga oo shacabka Soomaaliyeed ee Gobollada Waqooyi ku ammaanay doorkoodii gobannimo u dirirka iyo isu-doonta ummadda Soomaaliyeed.

“Halgankii gumaysi diidka iyo Soomaali isu doonku waxa uu ahaa mid ay hormuud u ahaayeen Gobollada Waqooyi. Dhaqdhaqaaqyadii gobonnimo doonka ahaa ee ka curtay Gobolladaa waxa ay horseed u ahaayeen madaxbannaanida iyo midnimada Soomaaliya, waxaana xusid mudan halgankii gobannimo u dirirka ahaa ee Daraawiishta iyo doorkii SNL ay ku lahayd xoreynta Gobollada Waqooyi oo la mid ahaa doorkii SYL ku lahayd xornimada Gobollada Koonfureed.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kula dardaarmay shacabka Soomaaliyeed in ay xejistaan gobannimadooda, wadajirkooda iyo sooyaalkooda, isaga oo walaalaha Gobollada Waqooyi ugu baaqay in ay hormuud u noqdaan midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

“Gobannimadu waa xujo hortaalla cidda hesha, oo uga baahan xejisasho iyo ka miro-dhalin. Waa inaan dhowrannaa, waa inaan wadajir iyo midnimo ku wada waardiyeysannaa. Awooweyaasheen waxa ay u dhinteen inaan xornimo helno, innana waa in aan u guntanno ilaalinteeda, innaga oo jiilasha danbe u diyaarinayna mustaqbal iyo nolol wanaagsan.”

Intii ay socotay munaasabaddu, waxaa khudbado xambaarsan sooyaalkii halgankii Xorriyadda Soomaaliya ka jeediyey masuuliyiin, waxgarad, Abwaanno iyo Hoobollada Qaranka Waaberi oo suugaan ku cabbirayey qiimaha gobannimada, waddaniyadda iyo wadajirka.

Dhanka kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo salaan sharaf ay siinayaan cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, baambayduna ay ku maamuusayso heesta Calanka ayaa calan-saaray Madaxtooyada Qaranka, halkaas oo ay munaasabaddu ku qabsoontay.

Munaasabadda waxaa sidoo kale ka qayb galay, Kusimaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiwali Ibraahim Muudeey, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda FS Mudane Maxamed Xuseen Rooble, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Caasimadda Mudane Cumar Maxamuud Maxamed Filish, xubno ka tirsan Goleyaasha Dowladda, Taliyeyaasha Ciidammada Qalabka Sida iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

DHAMMAAD

Xuska Xorriyada 26-ka June oo caaway ka socda qaar ka mid ah Gobolada Dalka

Gobolada dalka ayaa caaway si isku mid ah looga xusaya maalinta xorriyadda oo ku asteysan 26June caaway saqda dhexe ayaa calanka la saaro doona.

Akhristayaasheena waxaan halkan idinkugu soo bandhigeynaa xuska todobaadka xoriyadda iyo sida ay bulshada Soomaaliyad ugu dabaaldagayaan gobolada dalka.

Dhallinyarada ayaa dareenkood farxadeed ku muujinaya munaasabada 26-ka June, oo ah 61-guurada kasoo wareegtay markii ay Gobolada Waqooyiga Soomaaliya ay xornimada ka qaateen gumeystihii Ingiriiska oo caawa laga xusayo meelo badan Soomaaliya.

Dhallinyarro Xuska Todobaadka Xorriyadda ku dhigay Garoonka Cayaaraha Dhuusamareeb“

Dhallinyarada Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb oo isugu jira gabdho iyo wiilal ayaa galabta isugu tagey garoonka cayaaraha, halkaa oo ay ku muujiyeen dareenkooda farxadeed ee munaasabada 26-ka June, oo ah 61-guurada kasoo wareegtay markii ay Gobolada Waqooyiga Soomaaliya ay xornimada ka qaateen gumeystihii Ingiriiska oo caawa laga xusayo meelo badan Soomaaliya iyo caalamkaba ka mid ah.

Akhristayaasheena waxaan halkan idinkugu soo bandhigeynaa sawirada dhallinyarada Dhuusamareeb ay kaga qeyb qaadanayan xuska todobaadka xoriyadda.

Wasiirka Gaashaandhigga oo kormeeray goobo loogu diyaar garoobayay xuska Maalmaha Xoriyadda

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji oo ka mid ah Gudiga Qabanqaabada xuska Maalmaha xoriyadda ayaa maanta kormeer ku tagay taalada Daljirka Dahsoon, Taalada Dhagax-tuur iyo goobo kale oo ay ku sugnaayeen qeybo ka mid ah bulshada Caasimadda oo diyaar garoow ugu jiray Xuska Maalmaha Xoriyadda  ,

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya  ayaa dhiiragaliyay doorka ay shacabka ka qaadanayaan muujinta astaamaha Qaranka iyo sida loogu xardhay goobaha Ganacsiga  iyo dhammaan goobaha Muhiimka ah ee Caasimadda, taasi oo qeyb ka ah hannaanka lagu weyneynayo xuska tobaadka xoriyadda.

Guud ahaan dalka ayaa laga dareemayaa diyaar garowga Xuska Maalmaha Xoriyadda,  Calanka Jamhuuriyadda ayaa laga taagay  guud ahaan goobo badan oo ka tirsan Degmooyinka iyo Gobollada Dalka.

26-KA JUUN MAALINTA XORNIMADA GOBOLLADA WOQOOYI (WARBIXIN)

26-ka Juun waa maalin taariikh wayn ku leh Ummada Soomaaliyeed, islamarkaana ku daabacan qalbiga shacabka, kuna abuurtay dareen hiloow farxadeed leh,  waxayna qiimahaasi ku mutaysatay in ay tahay markii ugu horeysay ee laga dul qotomiyo ciid Soomaaliyeed callan xor ah.

Halgamayal badan ayaa u soo kifaaxay hanashada xoriyadda, gaar ahaan gobalada waqooyi,kuwaas oo isugu jiray qaar  halgan muddo badan socday oo qaraar la galay Saancadaalihii gumaysiga,waxaanna ka xusi karnaa oo ka mid ahaa Sayid Max’ed Cabdulle xasan, Shiikh Bashiir, Xaaji Faarax oomaar iyo  Xisbiyadii S.N.L IYO USP.

Dhanka kale waxaa kaalin tiir dhexaad ah ka qaatay halgankaas Abwaanno Soomaaliyeed,kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Maxamed Ismaaciil Maxamuud (Barkhadcas) iyo Abwaan C/llaahi Suldaan(Timacadde).

Cabdillaahi Suldaan Maxamed (Timacadde),oo ku caanbaxay marinta gabayada dhiirigalinta ah iyo kuwa gumeysi diidka ah,wuxuu bartamihii kontameeyadii, ka qaybgalay halgankii gobanimadoonka ee ka hanaqaaday gudaha dalka, gaar ahaan gobollada waqooyi, isagoo markiiba ku biiray Xisbigii SNL oo ay xaruntiisu ahayd magaalada Hargeysa.

 

12-kii Saqdii dhexe ee 26-kii Juun 1960kii waa habeenkii guusha iyo markii ugu horaysay ee calan xor ah laga taago ciidda Soomaaliya, iyadoo munaasabaddii dabbaaldegga gobanimada ee ka dhacday beerta Xoriyadda magaalada Hargaysa uu halkaasi ka mariyay gabay ku qormay quluubta umadda Soomaaliyeed ,kaas oo ahaa Kaana siib Kanna saar Abwaan C/llaahi Suldaan Timacadde.

Xilligaasi guud ahaan shacbiga Soomaaliyeed waxay daremayeen neecaaw xornimo oo ka curatay dhulkii Soomaaliyeed ee isticmaarku kala qaybiyay, waxaana bulshada ku nool goballada waqooyi ay muujiyeen dareen wadaniyadeed oo heerkiisu sareeyo, dabbaaldegyo iyo damaashaad ka dhacay beerta Xoriyadda hargeysana.

Waxaa marag ma doonta ah in Murtidii iyo hal abuurkii abwaanada Soomaaliyeed ku maamuuseen xornimadii gobollada waqooyi, iyo midawgii labada gobol ay ka soo maaxatay maskaxdii hal abuuradii Soomaaliyeed ee intooda badan ka soo jeeday gobolada waqooyi.

Abwaanadaasi maskaxdooda shiilay ee shacbiga dareensiiyay qiimaha xoriyadda waxaa ka mid ah Allaha u naxariistee Abwaanada kala ah C/llaahi Qarshe, Xuseen Aw faarax dibbad, Cali Sugulle oo ku magac dheeraa (Dun carbeed)  iyo Abwaan Axmed Suleyman Bidde, sidoo kale Fanaaniintii ku luuqeysay heesihii qiirada lahaa waxaa ka mid ahaa Max’ed Sulaymaan, Max’ed Axmed Kuluc iyo kuwa kale oo aan halkaan lagu soo koobi karin.

Sanad guurada 61-aad ee ka soo wareegatay xornimada gobolada woqooyi,waxay shacbiga soomaaliyeed ka baran karaan cashar ku saabsan sidii lagu keenay Calanka iyo siday lagama maarmaanka u tahay in loo adkeeyo midnimada Jamhuuriyadda Soomaaliya, loona xalliyo wixii tabasho ah ee jira.

26-ka June 1960-kii waa markii ugu horreysay ee Calan Soomaaliyeed laga taago Gobollada Waqooyi ee dalkeenna,loona diyaargaroobay in lala midoobo Gobolada Koonfureed oo si wadajir ah loo dhisto maamul dowladnimo oo ay u dhan yihiin dadka Soomaaliyeed.

Xuska 26-ka juun ayaa qeyb ka ah dabbaaldegyo loogu talagalay todobaadka xoriyadda oo ka socda gudaha dalka,waxaana habboon in dadka soomaaliyeed ay u istaagaan hagaajinta muuqaalada deegaanka,gaar ahaan dhismayaasha ku yaalla hareeraha wadooyinka, lagana lulo Calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya si loo maamuuso todobaadkaasi nagu wayn.

Xuska iyo Waynaynta Maalmaha Qaranimada, waxay ku abuurayaan dhallinyarada dareen wadaniyadeed oo ay wax kaga baranayaan waayihii iyo duruufihii adkaa ee naf iyo maalba lahaa ee laga soo maray hanashadii Maandeeq oo curatay 26kii June isla markaana Mataanaysay 1dii July 1960kii.

Abuukar Gob-doon

Madaxweynaha Galmudug oo bogaadiyay howlgallada ciidamada ee ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa kormeer ku tagay xerada Taliska Qaybta 21-aad ee magaalada Dhuusamareeb iyo fariisimaha kale ee ciidamadu ku leeyihiin duleedka Caasimadda Galmudug, halkaasi oo ay ku soo dhaweeyeen saraakiisha ciidamada qalabka sida.

Madaxweynaha Galmudug oo warbixinno ka dhageystay saraakiisha ciidanka ayaa bogaadiyay howlgallada ciidamada xoogga dalka ay dhawaan ka fuliyeen deegaannada Galmudug, kuna booriyay inay sii laba jibaaraan, gaar ahaan xiligaan xasaasiga ah ee loo diyaar garoobayo doorashada dalka, si guud ahaan deegaannada Galmudug looga cirib tiro maleeshiyaadka Argagixisada ah ee Al-Shabaab.