Ra’iisul Wasaare Rooble oo Shacabka Soomaaliyeed ugu Hambalyeeyay xuska 26ka June

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu Hambalyeeyey Munaasibadda 26-ka June oo caawa si weyn looga xusay Muqdisho iyo qaar ka mid ah Gobollada dalka.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa shacabka Soomaaliyeed u rajeeyey in sanadkan kiisa xiga ay ku gaaraan Nabad iyo Horumar.