Madaxweynaha Jubbaland oo soo gaaray Muqdisho

Madaxweynaha maamulka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha oo hogaaminayay wafdi ka kooban labada gole ee maamulka waxaa garoonka diyaaradaha Aadan cadde kusoo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Axmed Madoobe, madaxweynaha Jubbaland ayaa magaalada Muqdisho kaga qeyb galaya shir ay yeelanayaan madaxda golaha wadatashiga Qaran.

Ra’iisul Wasaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble  ayaa ku casuumay madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka shir Sabtida maanta ah ka dhacaya Muqsisho, kaas oo la isaga wareysanayo howlihii ka qabsoomay arrimaha doorashooyinka tan iyo heshiiskii 27-kii May iyo dardar gelinta shaqooyinka harsan.