Xuska Xorriyada 26-ka June oo caaway ka socda qaar ka mid ah Gobolada Dalka

Gobolada dalka ayaa caaway si isku mid ah looga xusaya maalinta xorriyadda oo ku asteysan 26June caaway saqda dhexe ayaa calanka la saaro doona.

Akhristayaasheena waxaan halkan idinkugu soo bandhigeynaa xuska todobaadka xoriyadda iyo sida ay bulshada Soomaaliyad ugu dabaaldagayaan gobolada dalka.

Dhallinyarada ayaa dareenkood farxadeed ku muujinaya munaasabada 26-ka June, oo ah 61-guurada kasoo wareegtay markii ay Gobolada Waqooyiga Soomaaliya ay xornimada ka qaateen gumeystihii Ingiriiska oo caawa laga xusayo meelo badan Soomaaliya.