Madaxweynaha Galmudug oo bogaadiyay howlgallada ciidamada ee ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa kormeer ku tagay xerada Taliska Qaybta 21-aad ee magaalada Dhuusamareeb iyo fariisimaha kale ee ciidamadu ku leeyihiin duleedka Caasimadda Galmudug, halkaasi oo ay ku soo dhaweeyeen saraakiisha ciidamada qalabka sida.

Madaxweynaha Galmudug oo warbixinno ka dhageystay saraakiisha ciidanka ayaa bogaadiyay howlgallada ciidamada xoogga dalka ay dhawaan ka fuliyeen deegaannada Galmudug, kuna booriyay inay sii laba jibaaraan, gaar ahaan xiligaan xasaasiga ah ee loo diyaar garoobayo doorashada dalka, si guud ahaan deegaannada Galmudug looga cirib tiro maleeshiyaadka Argagixisada ah ee Al-Shabaab.