Dhallinyarro Xuska Todobaadka Xorriyadda ku dhigay Garoonka Cayaaraha Dhuusamareeb“

Dhallinyarada Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb oo isugu jira gabdho iyo wiilal ayaa galabta isugu tagey garoonka cayaaraha, halkaa oo ay ku muujiyeen dareenkooda farxadeed ee munaasabada 26-ka June, oo ah 61-guurada kasoo wareegtay markii ay Gobolada Waqooyiga Soomaaliya ay xornimada ka qaateen gumeystihii Ingiriiska oo caawa laga xusayo meelo badan Soomaaliya iyo caalamkaba ka mid ah.

Akhristayaasheena waxaan halkan idinkugu soo bandhigeynaa sawirada dhallinyarada Dhuusamareeb ay kaga qeyb qaadanayan xuska todobaadka xoriyadda.