Madaxweyne Farmaajo oo Jabuuti ugu Hambalyeeyay Sannad Guurada 44-aad ee Xornimadooda

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shacabka iyo dowladda aan walaalaha nahay ee Jabuuti u diray hambalyo ku aaddan sannad guurada 44-aad ee ka soo wareegtay xornimada Jamhuuriyadda Jabuuti.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay dadaalkii ay ku bixiyeen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed halgankii gobanimo doonka ee walaalaha Jabuuti, taas oo ka turjumeysa is garab-taagga walaalnimada iyo naf-hurnimada leh ee ka dhexeeya labada dal.

“Sannad guurada 44-aad ee ka soo wareegtay xornimada walaalaha Jamhuuriyadda Jabuuti waa mid farxad gaar ah u leh shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, maadaama ay kaalin weyn ka soo qaateen helitaanka gobanimadooda, si ay xor uga noqdaan gumeystihii Faransiiska”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kula dardaarmay shacabka aan walaalaha nahay ee Jabuuti in ay adkeystaan isku duubnidooda iyo midnimadooda, waxa uuna alle uga baryay baarwaaqo, nabad waarta iyo horumar ka sii ballaaran mid ay haatan haystaan.

Dowladda Soomaaliya oo Cambaareysay weerar Argagixisadu ay ku soo qaaday shacab magaalada Wisiil

Dowladda Soomaaliya waxa ay bogaadineysaa iskacaabinta Shacabka iyo Maamulka magaalada Wisil, oo ka hortagay duullaankii qorsheysnaa ee ay Argagixisadu ku dooneysay in ay ku qabsato gacan ku heysta maamulka magaalada Wisiil.

Dowladda Fedaraalka Soomaaliya waxa ay si adag u cambaareyneysaa weerarkaasi argagixiso, islamarahaantaana tacsi tiiraanyo leh u direysaa ehallada dadkii ku dhintay dagaalka saakay waaberigii Nabad-diidka Alshabaab ku soo qaadeen deegaankaasi.

Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cabdiraxman Yusuf Alcadaala ayaa yiri “Xukuumaddu ayadoo dhiirrigalineysa guusha shacabka magaalada Wisil waxa ay qaadday tallaabooyin degdeg ah oo gurmad loogu fidinayo dadka shacabka ah ee waxyeelladu ka soo gaartay weerarkaasi iyo qaraxyo ay dhulka galiyeen nabad diidka Al-Shabaab”.

Kooxda Al-Shabaab oo banneystay in ay si xaqdarro ah ku daadiyaan dhiigga Umadda Soomaaliyeed ayaa iyada oo lagu jiro maalmihii qiimaha lahaa ee xoriyadda waxay weerar ku billawday qaraxyo ku qaadday magaalada Wisil oo ka tirsan gobolka Mudug, halkaas oo ay kala kulmeen qasaare aysan abid kasoo kabsan doonin, waxa ayna ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo garab ka helaya kuwa Daraawiishta Galmudug iyo shacabka degaanka weli sii baacsanayaan firxadkii Aragixisada.

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa iyaguna goor dhoweyd xaqiijiyey in Alshabaab lagaga dilay weerarkan 41 kamid ah maleeshiyaadkooda halka dhaawacooduna uu aad u badan yahay.

BURBURKA GEESKA AFRIKA MAAHAN MID SHALAY BILOWDAY

Burburka Geeska Afrika wuxuu ka soo bilowday markii ay sanadkii 1977 foodda is dareen labadii kacaan ee ka dhisnaa Soomaaliya iyo Itoobiya si loogafaa’iideysto keydka macdanaha iyo shidaalka ee dalalkaa.

Muddo dheer ayey gaanshaanbuurihii NATO iyo WARSAW  dadaal ugu jireen sidii ay u ogaan lahaayeen keydka ku jira geeska Afrika waxaana ilaa iyo markii soomaaliya xornimada qaadatay ku dul wareegayey dalal badan oo Mareykan iyo reer galbeed ah.

Midowgii Sofeeti ayaa iyada wax kala socotay arrimaha keydadka ku jira geeska Afrika waxayna dalalkaas midba mar uu gacan saar la yeelanayey Soomaaliya si ay u noqdaan saaxiibada ugu dhow Soomaaliya .

Baaris badan marka ay sameeyeen si fiicana wax uga ogaadeen waxaa dhashay is herdin u dhaxeeya labadaas gaashaanbuur oo ka dillaacay geeska Afrika waxayna ku kala abuureen Madaxweyneyaashii Soomaaliya iyo Itoobiya ee xilligaa.

Akhirkiina waxaa labada dal laga dhex abuuray dagaal aan waxba la isula harin waxaana ka dhacay burbur ciidan iyo khilaafyo aan laga soo kaban ilaa maanta .

Dagaalkaas ayaa socday ilaa 1982 iyadoo dhul badan looga qabsaday Itoobiya inkastoo markii dambe soomaaliya ku soo jabtay waxaana burburay hubkii yaalay geeska Afrika oo la isu adeegsaday.

Siyaasaddii ay kala hagayen ayey dib ula noqdeen dowladihii fodda isu galiyey labada dal waxaana gabbalka u dumay oo go’doon siyaasdeed galay labadii dal ee dagaalamay.

Mar labaad ayuu labadii dal ee isku dumayey labada dal oo ah Mareykanka ayaa soo bandhigay dowladdii soomaaliya isagoo soo jeediyey in uu qeb ka qaadan doono kobcinta dhaqaalaha wuxuuse shuruud uga dhigay n xukunkii mllatariga lagu bedelo md rayid ah,

Codsigaa oo ay ku jireen ku hoos socda oo ahaa in ay wixii shidaal ah ee la soo saaro ku yeeshaan kala bar waxaa diiday jen Siyaad Barre taas oo keentay in markii dambe in jabhado loo abuuro lana dejiyo dalalka deriska iyadoo la jaray kaalmooyinki dowladda la siin jiray.

Jahowareer ayaa soo wajahay dowladdii militariga iyadoo ay dillaaceen dagaalo wejiyo badan leh iyadoo jabhadii ay soo galeen gudaha dalka kuna milmeen dadka iyadoo dowladda Soomaaliya dhankeeda ay abuurtay jabhado ka horjeeda dowladdii Itoobiya.

Dalalka geeska ma fahamsanyn cilladu Meesha ay ka jirto hase yeeshee qalalaaso iyo dagaalo badan ka dib waxay labada dal isugu yimaadeen wada hadal waxayna ku heshiiyeen in maxaabiista la isu celiyo isla markaana la soo bixiyo jabhadaha kala jooga labada dal.

Jabhadii ayaa dalalkoodii la galay dagaal maadaama laga soo qaxiyey dalalkii duggaalka u ahaa waxaaana dal walba gudihiisa ka dhacay dagaallo beelo salka ku haya ilaa ugu dambeyntii markii jabhaduhu xoog u soo galeen soomaaliya ay keentay in ay burburto dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

Waxaa badaha soomaaliya soo fariistay maraakiibta dalal badan oo shisheeye ah si ;oo gurto kheyraadkii badda ee Sooaaliya taas oo caqabad ku noqotay kalluumeysatii soomaaliyeed iyadoo badweynta marka ay gaaraan biyo kulul lagu soo shubo qaarna doonyaha lala geddiyo.

Arrinta ayaa keentay in kalluumeysatadii soomaaliyeed ay hubka qaadaan waxayna bilaabeen in ay adeegsadaan doonyo dheereeya iyadoo indho kulul tusay maraakiibtii dhaca u geysaneysay badaha soomaaliyeed .

Markii ay somaaliya siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaan loo baabi’iyey waxaa haatan ku soo xigay Itoobiya oo haatan mareysa meeshii ugu dambeysay waxaana ku socda burbur saameyn ku yeelan doona siyaasad ahaan , isir ahaan iyo dhaqaale ahaan.

Si kastaba ha noqtee waxaa wanaagsan isku tashi iyo isfaham in uu ka dhaco geeska Afrika iskana ilaaliyaan xarigga siyaasadeed e meelaha fogfog ku xiran maadaama geeska Afrika uu yahay meel isha lagu wada hayo.

Taas waxaa ugu wacan in Geeska Afrika uu yahay buqcad laga maamuli karo dalalka carabta iyo Afrika sidaas awgeedna mandiqadan waxay leedahay cadow fara badan waana dad bulsho ahaan uu ka dhaxeeyo degaanka iyo derisnimada waxayna u baahan yihiin nabad iyo xasilloni, ganacsi iyo is dhexmar maadaama ay yihiin dad asal ahaan aan kala fogeyn degaankuna ka dhaxeeyo.

Hadaba waxa wanaagsan In ay ilaashadaan kheyraadka dhulkooda iyo badooda nabadna ku wada noolaadaan xagga ganacsiga iyo degaanka isna kaashadaan dhinacyada siyaasadda iyo dhaqaalaha . Dowladaha bahwadaagta ah sida Itoobiya, Jabuuti iyo Soomaaliya waa in ay ilaaliyaan wax kasta oo keenaya ama abuuri kara kala shaki iyo colaado xawilan oo ay ka dambeeyaan dalal kale.

W/Q: Abwaan Gabayre

AMISOM oo hambalyo u dirtay dowladda Jabuuti

Madaxa howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Danjire Francisco Madeira ayaa hambalyo u dirayay dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti, munaasabadda sanad-guurada 44-aad ee Xorriyadda.

Dhambaalka, Danjire Madeira ayaa waxaa uu  ku bogaadiyey ciidamada qalabka Sida ee Jabuuti sida ay naftooda ugu hureen ugana qayb qaateen dadaallada ay Afrika hormuudka ka ahayd ee lagu soo celinayey nabadda iyo amniga Soomaaliya.

“Anigoo ku hadlaya magaca hoggaanka AMISOM, waxaan ugu hambalyeynayaa dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti sannad guurada 44-aad ee ka soo wareegtay xorriyadda dalka Jabuuti sidoo kale waxaa u ku ammaanay kaalinta ay ka geysateen dhisidda Afrika,ilaalinta nabada ,amniga iyo tageerada ay u fidiyeen Soomaaliya ciidamada Midowga Afrika , ”ayuu yiri Danjire Madeira.

Jabuuti waxay xubin muhiim ah ka tahay dadaallada nabadeed ee gobolka ee hoos yimaada urur goboleedka IGAD waxayna ka mid tahay waddamada ciidamada ka jooga Soomaaliya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM oo ay la socdaan Burundi, Itoobiya, Kenya iyo Uganda.

Ciidanka Jabuuti ee ka tirsan hawlgalka midowga Afrika oo u dabaal degay maalinta xornimada Jabuuti

Ciidamada dalka jabuuti ee ka tirsan hawlgalka midowga Afrika ee Amisom kuna sugan  beledweyn ayaa u dabal dagay sanad guradi 44 ee kaso waregatay marki jabuuti xornimada ka qadatay gumeystihi faransiska sanadii 1977,munaasabada  ayaa saaka ka qabsoontay saldhiga cidanka jabuti ee  Ceeljale duledka magalada beledweyn.

Munasabada aya intii ay socotay  waxay ciidanka  soo bandhigeen cidamada  dhoolatus balaaran oo ay ku xusayeen  sanad gurada 44 aad .

Madaxweyne kuxigeenka  dowlad goboledka hir-shabelle mudane Yuusuf Axmed Xagar ahna kusimaha madaxweynaha ayaa shacabka iyo dowlada jabuuti  ugu hambalyeyey sanad guurada ay maanta u dabal dagayaan .

Ciidamada jabuuti ee qeybta ka. ah  howgalka amisom ee somaliya  ayaa sanad walba  u dabal daga  sanad guuroyinka markii ay ka xoroobeen gumestihi faransiska.

Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa daraawiishta Galmudug oo fashiliyey Weerar gaadmo ah oo soo qaadeen Argagaxisada Al-shabaab

Ciidanka xoogga dalka iyo Daraawiishta Galmudug oo kaashanaya Shacabka magaalada Wisil ee gobolka Mudug,ayaa Cashar lama ilaawaan ah u dhigay Maleeshiyaadka Khawaarijta ah ee Alshabaab oo weerar qaraxyo ku bilowday saakay aroornimadii hore ku qaaday saldhig Ciidamada Daraawiishta Galmudug ku lahaayeen afaafka hore ee Magaaladaasi.

Dagaalka oo ahaa mid xooggan isla markaana socday muddo ka badan labo saacadood ayaa loogu awood sheegtay Maleeshiyaadka Damacoodii guracnaa ee Qabsashada Magaalada muhiim ka ah.

Wararka hor dhaca ah ayaa sheegaya in dagaalka Khasaare xooggan lagu gaarsiiyay Maleeshiyaadka weerarka soo qaaday.

Ciidanka Xoogga dalka oo hawl galo ka fuliyey Gobolka Shabeellaha hoose

Howgalkani oo ahaa mid qorsheeysan ayay Ciidanka Xoogga Dalka ka sameeyeen Degaano ka tirsan Gobolka shabeelaha hoose ayaa ujeedkiisu ahaa xaqiijinta Amniga iyo ka hortaga dhagarta argagixisada Al-Shabaab.

Howlgalka ayaa waxaa sameeyay Ururka 4-aad Guutada 16-aad Kumaandooska Danab iyo Ururka 64-aad Guutada 7-aad Qeybta 60-aad Xoogga Dalka Ciidanka ayaa waxay Howlgalka ka sameeyeen Degaano ay kamid yihiin Yaqdhuubo,Dibilay,Bocoray,Hakow Balow

Warta macalin shabax, bay nanay, caliyow baarow, iyo warta ciise, oo katirsan Gobolka Shabeelaha hoose.

Intii Howlgalka uu socday Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa u kuur galay xaalada nololeed ee haysta dadka degaanada ay Howlgalka ka wadeen kuwaasi oo xoolahoodi ay dhaceen Maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Puntland oo saakay toogatay xubnihii ugu badnaa oo Al-Shabaab ka tirsanaa

Gaalkacyo-Waxaa maanta oo Axad ah lagu toogtay degaanada Puntland 21 xubnood oo horay ugu tirsanaa kooxda Argagixisada Al-shabaab.

Xubnahan oo dhammaantood rag ahaa ayaa isugu jiray amiirro iyo malleeshiyaad dilalka iyo qaraxyada ka geysan jiray Magaalada Gaalkacyo iyo qeybo ka mid ah Gobolka Mudug.

Waxaa  sidoo kale magaalada Garoowe isla saaka lagu toogtay laba xubnood oo ka tirsanaa Al-shabaab,  halka magaalada Qardhana lagu toogtay hal xubin oo Al-Shabaab ahaa.

Maamulka Puntland ayaa wacad ku maray in caddaaladda la marsiindoono Qof kasta ee kamid ah Kooxaha Argagixisada ama gacan ku siiya falalka arxandarada ah ee lagu leynayo dadka shacabka ah .

Xuska Maalinta Xoriyadda Jabuuti ee 27-ka June (warbixin)

Dadka reer Jabuuti waxa ay ka mid yihiin shucuubta Soomaalida ee nasiibka u helay in ay ku noolaadaan geeska Afrika,gaar ahaan deegaanada Soomaalida ee la isku oran jiray dhulkii udugga, waxayna halgan adag u soo galeem sidii ay u noqon lahaayeen dad xor ah oo leh dowlad madax-bannaan.

Sanadkii 1839-kii waa markii ugu horeysay ee gumeysiga Faransiiska uu sahan ku tagay dalka Jabuuti,isagoo ku andacoonaya in uu raadinayo goobo uu ka fushado danahiisa sida  Xeebaha badda Cas ,wuxuuna waqtigaasi Jabuuti ugu magac-daray dhulka Faransiiska  ee Somaliland.

Sanadihii 1869-1888-dii Faransiisku,wuxuu heshiis la galay odoyasha beelaha ,si ay ugu ogolaadaan  in gacankaTajura uu ku darsado magaalooyin uu horay u heystay sida Obokh,Dikhil iyo  kuwo kale.

Dhanka kale,Xilligaasi waxaa Gobolada Woqooyi iyo Koonfurta Soomaaliya ka jiray gumeysi la mid ah kan Faransiiska,oo ay horkacayeen Ingiriiska iyo Talyaaniga, waxaana qabsashada dhulka Soomaalida ay  dhaliyeen in la mideeyo awoodda dadka, meelna looga soo wada jeesto quwadaha shisheeye ee geyiga u yimid in ay ka gurtaan kheyraadka dabiiciga ah ee dhaxalka umadda.

Dhaq-dhaqaaqyo xornimo doonka ah oo loogu magac daray xoreynta xeebaha jabuuti ,ayna horkacayaan dhallinyaro isku baheystay Ururka Somal Pan, ayaa bartamihii qarnigii 19-aad ka bilowday gudaha dalka Jabuut,,iyagoo taageero ka helay

Ururkii Dhallinyarada Soomaaliya ee SYL, tallaabadaasina waxa ay noqotay bilow wanaagsan oo loo qaaday raadinta xornimo taam ah oo dhameystiram.

Sanadihii1958-dii dowladda Faransiiska oo taageero ka heystay qaar ka mid ah odayaasha beelaha iyo kuwo daba-dhilif ah ,ayaa qabtay afti dadweyne oo ku saabsan in Jabuuti ay ku sii jirto maamulkii Fransiiska iyo in ay qaataan madaxbannaani,waxaana arintaasi ay ku dhamaatay in dadka Jabuti ay ku sii jiraan maamulkaasi.

Codeynta aftidaasi,oo lagu tilmaamay in ay ku dhacday qaab ku shubasho ah oo ay daneynaayeen Faransiiska,waxay kalliftay in shacbiga Jabuuti ay colaad iyo naceyb u qaadaan maamulkii Jabuuti ee taabacsanaa gumeysigii Faransiiska,

Siyaasiyiin badan oo uu kamid ahaa Maxamuud Xarbi ayaa dadaal u galay in Jabuuti ay la midowdo Soomaali,isagoo xilligaasi ahaa  ku xigeenkii golaha xukuumadda ee maamulka dhulka Faransiiska,wuxuuna  sanadkii 1960- ku dhintay shil diyaarad oo lagu micneeyay in uu ahaa shirqool ay maleegeen cadowgii shisheeye.

Maxamuud Xarbi oo ahaa siyaasi jeclaa midowga dadka Soomaaliyeed,kana horjeeday gumeysiigii Faransiiska ee qabsaday Jabuuri, waxa uu muteystay oo abaal ahaan uu u helay in lagu qoro diiwaanka halgamayaasha Soomaliya,isagoo si gaar ah  loogu magac daray dugsi ka mid ah kuwa ku yaalla Muqdisho .

Dhinaca kale,Cali Caarif Burhaan ayaa ka mid ahaa siyaasiyiintii ku caanbaxay naceybka midowgii dadka Soomaaliyeed,wuxuuna sanadihii u dhaxeeyay 1960-66-dii ,isagoo la safan maamulkii gumeysiga Faransiiska uu si cad u muujiyay sida uu uga horjeedo in lagu biro bahweyntii Soomaaliyeed.

Sanadkii 1967-dii, Faransiiska iyo maamulkii been abuurka ahaa ee loo sameeyay Jabuuti,waxaa,iyagoo raadinaya kalsoonida shacabka ay magacii dhulka Faransiska ee Soomaaliland ku baddaleen dhulka Faransiiska ee Canfarta iyo Ciisaha.

Toban sano ka dib,afti la qabtay 8-dii May 1977-dii  dadka reer Jabuuti,ayaa u codeeyay in ay doonayaan madax-bannaani,waxaana bil kadib 27-kii June 1977-dii loo dareeray doorashooyin uu ku soo baxay madaxweynihi i ugu horeeyay ee dalka Jabuuti Mudane Xasan Guuleed Abtidoon oo talada ka dagay sanadkii 1999-kii.

Wafdi ka socday Dowladii Mileteriga ee Soomaaliyeed oo uu hoggaaminaayey Xuseen Kulmiye Afrax Madaxweyne ku xigeenkii, ayaa ka qeybgalay xafladdii caleeemo saarka madaxweynaha cusub ee Jabuuti ,waxayna shacabka dalkaasi la qeybsadeen farxadda iyo dabbaaldegyada loo sameeyay maalinta xoriyadda iyo dhalashada dowladda cusub.

Inkastoo lagu guuleystay helitaanka xornimo taam ah iyo dowlad cusub oo ay heleen Jabuuti,haddana,waxaa halkaasi ku soo gabagabobay dadaal socday 1960-77-dii oo Dowladdii Rayidka iyo Dowladdii Mileteriga ee Soomaaliya ay u galeen sidii dadka Jabuuti ay wax ula qeybsan lahaayeen bulsh weynta Soomaaliya.

Dad badan ayaa  naftooda ku waayay intii uu socdayhalgankii reer Jabuuti ,kuwo kalena waxaa soo gaaray dhaawacyo naafeeyay xubno kamid ah jirkooda,halka  sidoo kale ay jireen  kumanaan ruux oo laga masaafuriyay dalka Jabuuti iyo qaar kale oo laga buuxiyay xabsiyo gaar ah oo ay maamulayeen gumeysiga Faransiiska.

Maanta oo ah 27-ka Juun ee xuska sanadguurada 44-aad ee ka soo wareegatay markii dalka Jabuuti uu sandkii 1977-dii xoriyaddiisa ka qaatay Faransiiska,waxaa dabbaaldegyo iyo xaflado lagu maamuusaayo maalintaasi ay ka kala dhaceen Magaalooyin ka mid ah Jabuuti Soomaaliya iyo kuwo kale.

Munaasabaddaan  oo ah mid sanadle oo lagu soo bandhigo halgankii ay dadka Jabuuti u soo galeen xoriyadda iyo sida loo sii xoojin karo howlaha ku aadan horumarka socda ayaa xilligaan ku soo beegantay markii shanaad ee xilka madaxtinimada dalka Jabuuti uu ku guuleystay Ismaaciil Cumar Geelle.

Haddaba,anagoo ka faa’odeysaneyna xuska munaasabadda sanadguurada 44-aad ee ka soo wareegatay markii la helay xoriyadda dalka Jabuuti aawadeed,waxaan dhambaal hambalyo ah u direynaa shacbiga Soomaaliya,gaar ahaan dadka  reer Jabuuti ee ku kala nool gudaha dalka iyo dibadda.

Dhowr iyo labaatankii sano ee u dambeeyay dalka Jabuuti,waxa uu ku tallaabsaday horumar lixaad leh oo ka muuqda kaabayaasha dhaqaale ee dalkaasi,waxaana arrinkaasi sababay dhulka Jabuuti oo Istraatiiji ahaan kullaala badda Cas yo gacanka Cadmeed,islamarkaana xuduudo la leh dalalka Soomaaliya,Ereteriyai yo Itoobiya,

W/qoray Shire Xasan Kulmiye

MADAXWEYNAHA JFS OO UBAX MAAMUUS AH DHIGAY TAALLADA DHAGAX-TUUR

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maamuusaya halgameyaashii Soomaaliyeed ee naftooda iyo dhiiggooda u huray Xorriyadda Gobollada Waqooyi iyo guud ahaan halgankii gobannimo doonka ee Dalka ayaa ubax dhigay taallada Dhagax-tuur ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha oo tilmaamay halgankii adkaa ee loo soo maray madax-bannaanida Dalka ayaa xusay in Taallada Dhadax-tuur ay tahay astaan u taagan xusuusaha lama illaawaanka ah ee halgankii loo soo galay gobannimada, waxa uuna dul istaagay caqabadihii ay la kulmeen halyeeyadii Soomaaliyeed ee inoo horseeday xorriyadda, qarannimada iyo gobannimada dalkeenna.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo muujinaya sharafta iyo qiimaha ay inaga mudan yihiin geesiyaashii Soomaaliyeed ee u soo halgamay Xorriyadda ayaa shacabka Soomaaliyeed ku adkeeyay midnimada, waddaniyadda, wadajirka iyo isku duubni sal adag leh, si loo xaqiijiyo dhaxalkii ay ka tageen ee ilaalinta gobannimadeenna.

Munaasabadda Ubax-dhigga Taallada Dhagax-tuur waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed, Wasiirro ka tirsan XFS, dhallinyaro iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo si mug leh u maamuusayey halyeeyadii u shahiiday gobanimadeenna.