Madaxda Golaha Wadatashiga oo la kulmay wakiillo ka socday haweenka Soomaaliyeed

Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran ayaa Magaalada Muqdisho kula kulmay wakiillo ka socday haweenka Soomaaliyeed oo ay horkaceysay Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Marwo Xaniifa Xaabsade.

Dhinacyadaasi,waxa ay ka wadahadleen sidii loo xaqiijin talahaa qoondada 30%  ee haweenka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin Goleyaasha Baarlamaanka dalka.

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo qaabilay safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiwahaab Ugaas Xuseen ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Dowladda Turkiga ee Soomaaliya, Mudane Mehmet Yılmaz iyagoo ka wada hadlay  sidii loo dhaqangalin lahaa iskaashi ay hore wasaaraddu ula gashay dhiggeeda Turkiga,iyadoo safiirka Turkiga uu qaadanayo doorka fududeynta ah, is-afgaradka ayaa dhigayay in labada dal ay iska kaashadaan horumarinta shaqaalaha iyo kor u qaadista shaqada dhallinyarada.

Wasiir Cabdiwahaab Ugaas, ayaaa sidoo kale uga mahadceliyay Dawladda iyo Shacabka Turkiga taageerrada Dawlad dhisidda iyo horumarinta Soomaaliya.

Safiirka Dawladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, mudane Mehmet Yılmaz ayaa dhankiisa xaqiijiyay Dawladda Turkiga inay dedaal badan galinayso sidii loo horumarin lahaa shaqaalaha iyo kor u qaadista shaqada, sidoo kale safiirka ayaa sheegay inay xoojinayaan dedaalada dib u soo kabashada ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo kormeeray dhismaha waddada Warshadda Caanaha

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Mdane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Maanta kormeer ku tegey dhismaha ka socda Wadada Warshada Caanaha oo ay hore Cabasho uga soo gudbiyeen shacabka Magalaada Muqdisho.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in wadadan laami la saari doono iyadoo hadda la dhameyay dhismaha Marsha Biyeediga.
Dhismaha Wadadan oo uu maalgelinayo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxay qeyb ka qaadaneysaa bilicda Magaalada Muqdisho iyadoo soo afjareysa dhibaato ay ku qabeen Gaadiidka halkaasi isticmaala.

Shirka wadatashiga Qaran oo maalintii labaad galay

Waxaa maalintii labaad galay Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee u dhaxeeyo madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Gobaleedyad dalka kaa uu shir guddoominayo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Shirka ayaa maanta waxaa warbixin lagaga dhageysanayaa Kooxda  la taliyeyaasha Farsamada Arrimaha Doorashooyinka ee Golaha Wadatashiga Qaranka

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta XFS oo furay wajiga seddexad ololaha wacyigelinta talaalka Covid-19

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta xukumadda federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa daah furay ololaha wacyigelinta iyo dar dargelinta wajiga sedexaad ee talaalka Covid-19 oo laga cabsi qabo inuu markii sadexaad uu soo laba kacleeyo.

Ololahan ayaa waxa iska kaashayo wasaaradda warfaafinta heer federal iyo heer dowlad goboleed iyo maamulka gobolka Banaadir.

Agaasimahaa waaxda xiriirka dowlad goboleedyada dalka Cali Cabdulqaadir Cali ayaa sheegay in ka wasaarad ahaan uu ka shaqeynayo sidii loo fududeyn lahaa isku xirka wasaaraddaha warfaafinta heer federaalka iyo dowlad goboleed.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska xukumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa faray dhamaan howl-wadeenadda wasaaradda inay qaataan talaalka si shacabka u fahmaan muhiimada uu leeyahay Taalaalka.

Ciidamada Dowladda ayaa howlgal miino baaris ah ka sameeyay Wisil iyo Guddoomiyaha G/Mudug oo booqaday

Ciidamada Dowlada oo isugu jira Milatari, Booliis ,Nabad Sugid iyo Ciidamada Daraawiishta Galmudug ayaa Degmada Wisil ka sameeyey Saakay  Howlgal Miina Baaris ah.

Ujeedka howlgalka ayaa aha mid miino baaris ay ciidamadu ka sameeyen gudaha iyo duleedka wisil oo dhawaan ka dhacay dagaal u dhaxeyay ciidamada Daraawiishta Galmudug iyo maleeshiyada Al-shabab,Guddoomiyaha Gobolka mudug cabdiraxmaan Cali Diiriye ayaa maanta booqasho ku tagay difaacyada Ciidanka ee Duleedka Wisil halkaas oo ay dhawaan jab xoogan lagu gaarsiiyay Argagixisada Al shabaab

Amniga Deegaanka ayaa aad loo adkeeyey iyo Deegaanada ku xeeran waxaana Gacanta ku Haya Ciidamo kala duwan oo Halkaasi Gurmad ahaan u tagay.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka hoggaaminaya howlgalka ayaa sheegay inuu socdo howlgal dhulka miinooyin looga baarayo, isla markaana la adkeeyay amniga Wisil ee Gobolka Mudug, ayna socon doonaan howlgalada

XILDHIBAANKII UGU HORREEYAY EE SOOMAALI AH OO KU GUULEYSTAY KA MID NOQOSHADA BAARLAMAANKA FINLAND.

Kaddib markii ay Silvia Midig oo ka tirsan baarlamaanka Yurub ay shaaca ka qaadday in aanay siyaasadda gudaha Finland dib ugu soo laabanayn ayaa waxaa mar qura isbeddelay xil-qaybsiga xisbiga Bidixda, taasina waxay ka dhigantahay, in Siyaasi Suldaan uu buuxinayo booska uu Xildhibaan Paavo Arhinmäki bannaynayo, maadaama uu isagu u wareegiyo xilka ku-xigeenka duqa magaalada Helsinki.

Suldaan wuxuu nasiib u yeeshay in uu noqdo xildhibaankii ugu horreeyay ee dumiya gidaarkii siyaasadda Finland ku gudbanaa, maadaama uu noqday siyaasiga asal ahaan Soomaaliya ka soojeeda oo gala Golaha sharci-dejinta Finland.

Xigasho : Shabakadda Warbaahinta Soomaalida Finland (Suomen somalimediaverkosto)

Wasiirka caafimaadka Galmudug oo daahfuray Shirka isku xirka mashaariicda caafimaadka Galmudug

Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dowlad goboleedka Galmudug Dr. Abdiwali Abdulahi jaamac ayaa maanta si rasmi ah u daah furay shirka isku xirka mashaariicda Caafimaadka Galmudug oo ay magaalada Dhuusamareeb mudo labo cisho ah kaga qayb gali doonaan dhamaan hey’addaha ka shaqeeya Caafimaadka, Nafaqada iyo fayadhowrka ee ka howlgala Deegaanada Galmudug.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Caafimaadka Galmudug dr. Abdiwali Maxamed Axmed ayaa furitaanka shirkan sharaxaad ka siiyey wasiirka iyo ka soo qaybgalayaasha xogaha la uruuriyey ee muujinaya heerka Caafimaadka Nafaqada Iyo fayadhowrka oo dadaal badan la galiyey sadaxdii bilood ee lasoo dhaafey, iyadoo la kaahshanaya macluumaadka ay uruuriyeen hey’addaha taageera Wasaaradda ee Kulankan kasoo qayb galey, iyo qodobadii la iskula meel dhigey shirkii kan ka horeeyay ee dhacey April.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Dr. Abdiwali Abdulahi jaamac oo gunaanadka munaasabada daah furka shirkan warbaahinta la hadley ayaa sheegay in shirkan muhiimadiisu tahay in looga faa’iideysta gabangabadiisa in laga soo saaro qodobo la isla fahmey oo fulintooda ay kawada shaqeeyaan hey’addaha iyo Wasaaradda Caafimaadka.

Golaha wadatashiga Qaran oo ka furmay Muqdisho

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo looga hadlayo dardargelinta howlaha doorashooyinka iyo waxyaabihii ka hirgalay heshiiskii 27-kii May ee hannaanka doorashooyinka dalka ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho.

Shirka oo uu guddoominayo Ra’iisal wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa ka qeyb galaya madaxweynayaasha maamul goboleedyada Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, Koonfur galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen, Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe, Guddoomiyaha gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamed Maxamuud Filish iyo madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo dalka ka maqan oo uga qeyb galaya aaladda fogaan aragga ee ZOOM.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo ballan qaaday hoggaaminta geeddi socod doorasho oo deg deg ah laguna kalsoonaan karo ayaa soo saaray liiska Guddiyada doorashooyinka heer federaal, Heer dowlad goboleed iyo xallinta khilaafaadka.

Ra’iisal wasaare Rooble oo Cali Guudlaawe ku qanciyay ka qeyb galka shirka Golaha Wadatashiga Qaran

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo Khadka telefoonka kula hadlay madaxweynaha Dowlad-goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) ayaa is af-garad ka gaaray tabashadii uu ka qabay ka qeyb galka Shirka Golaha Wadatashiga Qaran.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa shirka maanta furmaya uga qeyb galaya aaladda fogaan aragga ee ZOOM.

Ra’iisul Wasaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku casuumay madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka shir ka dhacaya Muqdisho oo la isaga wareysanayo howlihii ka qabsoomay arrimaha doorashooyinka tan iyo heshiiskii 27-kii May iyo dardar gelinta shaqooyinka harsan.