Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo qaabilay safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiwahaab Ugaas Xuseen ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Dowladda Turkiga ee Soomaaliya, Mudane Mehmet Yılmaz iyagoo ka wada hadlay  sidii loo dhaqangalin lahaa iskaashi ay hore wasaaraddu ula gashay dhiggeeda Turkiga,iyadoo safiirka Turkiga uu qaadanayo doorka fududeynta ah, is-afgaradka ayaa dhigayay in labada dal ay iska kaashadaan horumarinta shaqaalaha iyo kor u qaadista shaqada dhallinyarada.

Wasiir Cabdiwahaab Ugaas, ayaaa sidoo kale uga mahadceliyay Dawladda iyo Shacabka Turkiga taageerrada Dawlad dhisidda iyo horumarinta Soomaaliya.

Safiirka Dawladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, mudane Mehmet Yılmaz ayaa dhankiisa xaqiijiyay Dawladda Turkiga inay dedaal badan galinayso sidii loo horumarin lahaa shaqaalaha iyo kor u qaadista shaqada, sidoo kale safiirka ayaa sheegay inay xoojinayaan dedaalada dib u soo kabashada ee Soomaaliya.