Ciidamada Dowladda ayaa howlgal miino baaris ah ka sameeyay Wisil iyo Guddoomiyaha G/Mudug oo booqaday

Ciidamada Dowlada oo isugu jira Milatari, Booliis ,Nabad Sugid iyo Ciidamada Daraawiishta Galmudug ayaa Degmada Wisil ka sameeyey Saakay  Howlgal Miina Baaris ah.

Ujeedka howlgalka ayaa aha mid miino baaris ay ciidamadu ka sameeyen gudaha iyo duleedka wisil oo dhawaan ka dhacay dagaal u dhaxeyay ciidamada Daraawiishta Galmudug iyo maleeshiyada Al-shabab,Guddoomiyaha Gobolka mudug cabdiraxmaan Cali Diiriye ayaa maanta booqasho ku tagay difaacyada Ciidanka ee Duleedka Wisil halkaas oo ay dhawaan jab xoogan lagu gaarsiiyay Argagixisada Al shabaab

Amniga Deegaanka ayaa aad loo adkeeyey iyo Deegaanada ku xeeran waxaana Gacanta ku Haya Ciidamo kala duwan oo Halkaasi Gurmad ahaan u tagay.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka hoggaaminaya howlgalka ayaa sheegay inuu socdo howlgal dhulka miinooyin looga baarayo, isla markaana la adkeeyay amniga Wisil ee Gobolka Mudug, ayna socon doonaan howlgalada