Madaxweynaha Galmudug oo lagu soo dhaweeyay Gaalkacyo

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Ahmed Cabdi Kaariye iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gelinkii dambe ee maanta gaaray magaalada Gaalkacyo, halkaas oo ay kusoo dhaweeyeen Maamulka Degmada iyo saraakiisha amniga ee Gobolka Mudug iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweynaha Galmudug ayaa Muqdisho kaga qeyb galay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran, kaasi oo ka soo baxay natiijo wax ku ool ah, kadib markii laga soo saaray Jadwalka Doorashooyinka Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo ku boggaadiyey shacabka Soomaaliyeed sida ay u weyneeyeen todobaadka Xoriyadda

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo khudbad ku aaddan 1-da luuliyo u jeediyey Shacabka Soomaaliyeed ayaa ku bogaadiyey sida ay u weyneeyeen, uguna dabbaal-degeen 61-guurada ka soo wareegtay Xornimada Gobollada dalka iyo Midowga labada Gobol ee Waqooyi iyo Koonfur ee gumeystuhu uu kala qeybiyey.

Madaxweynaha ayaa dul istaagay taariikhda halgankii dadka Soomaaliyeed ay u soo mareen midnimada iyo gobanimada dalkeenna, iyadoo ay hoggaaminayeen dadaalkaas dhallinyaro naftooda u huray sidii ay inoo dhaxalsiin lahaayeen dowladnimo, mustaqbal wanaagsan iyo xaqiijinta hiigsiga dadka Soomaaliyeed.

“Dalkan waxaa isku hayey labo aragtiyood xilligii gumeystaha, waxa ayna kala ahaayeen qabyaaladda iyo Waddaniyadda, waxaana guuleystay waddaniyadda oo dhalisay gobanimo, midnimo, dowladnimo, sharaf iyo qarannimo buuxda, taas oo ku timid naf-hurnimada halgameyaashii Soomaaliyeed ee ka adkaaday afkaartii gumeystaha. Maantana wali waa ay nooshahay aragatida waddaniyadda.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa shacabka Soomaaliyeed ku adkeeyay in ay ku fara adeygaan midnimada, wadajirka iyo qarannimadooda oo ah tan kaliya ay kula tartami karaan dhiggooda caalamka isaga oo u tusaaleeyay dhibaatooyinkii laga dhaxlay qaran jabkii nagu dhacay oo ay sababtay qabyaaladda iyo kala qeybsanaanta shacabka Soomaaliyeed.

Munaasabaddan waxa ka soo qeyb galay Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka BFS Ahna Kusimaha Guddoomiyaha Golaha Mudane Cabdiweli Ibraahim Muudeey, Ra’isul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed, Wasiirro, Xildhibaanno, Ra’iisul Wasaarihii hore Mudane Maxamed Cabdi Yusuf, dhallinyaro, Haween iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

 

Xaflad lagu mamuusaayo xuska 1-da luulyo oo ka socota xarunta Tiyaatarka

Xaflad lagu mamuusaayo xuska 1-da luulyo ee maalimta xoriyadda ayaa haatan si habsami leh uga socota Xarunta Tiyaatarka ee Magaalada Muqdisho.

Xafladaan waxaa ka qeybgalay Madaxwenaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,Mudane Maxamed C/lahi Farmaajo,R/wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ,xubno ka socda labada gole ee baarlamaanka,gobolka Banaadir,ururada bulshada iyo marti sharaf kale.

Xafladda ka hor Madaxweyne Farmaajo ayaa ubax dhigay taalada SYL iyo kuwo kale.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay 61 sano guurada Xorriyadda dalkeenna ee 1da Luulyo.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay 61 sano guurada Xorriyadda dalkeenna ee 1da Luulyo.

“Waaxan Shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan ugu hambalyeynayaa munaasabadda 1-da Luulyo oo ku beegan Sanad guurada 61aad ee ka soo wareegtay Xorriyaddii Gobollada Koofureed ee dalkeenna, Midowgii Koofur iyo Woqooyi iyo Dhalashadii Qarankeenna.

Waxaan abaal u haynaa, ku faaneynaa, una duceyneynaa aabbeyaashii u soo halgamay, soona hooyay xorriyadda aan ku naallooneyno kuwaas oo guushaas ku gaaray isku duubni, wadajir, walaalnimo iyo is-jaceyl.

61 sano ka dib, waxaan baahida ugu weyn u qabnaa midnimo iyo wadajir oo ah jidka kaliya ee aan ku gaari karno horumarka aan hiigsaneyno, kulana tartami karno dalalka iyo dadyowga asaaaggeen ah.

Hambalyo Mar kale.

Soomaaliya ha noolaato.”

Amiirka Qatar oo u hambalyeeyay Madaxweynaha Soomaaliya

Amiirka dowladda Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad al-Thaani ayaa dhambaal hambalyo ah oo ku aadan xuska munaasabadda kowda Luulyo u soo direy madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo.

Amiirka ayaa Dowladda Soomaaliya iyo shacabkaba u rajeeyay in sanadkaan kiisa kale ay ku gaaran horumar iyo barwaaqo.

Soomaaliya ayaa maanta u dabaaldegaysa 61 sano guuradii ka soo wareegatay maalinta xoriyadda ee 1-da Luulyo 1960.

Munaasabado waa weyn ayaa ka dhacayay gudaha dalka iyo dibadda, kuwaas oo lagu weynaynayo maalinta xoriyadda iyo midnimada dalka.

Guddoomiye Muuddeey oo hambalyo ku aaddan 1-da Luulyo la wadaagay Shacabka Soomaaliyeed

Kusimaha Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS Mudane C/wali Ibraahim Sheekh Muuddey ahna Guddoomiye K/X/1aad ee golaha Shacabka ayaa barta uu kuleeyahay Facebook-ga hambalyo ku aadan 1-da luulyo kulawadaagay shaacabka Soomaaliyeed.

“Waxaan ugu hambalyeynaa dhamaan shacabka Soomaaliyeed sanad guurada 61aad ee xorriyadda goballada koonfurta iyo midowga gobalada waqooyi iyo koonfurta”ayuu yiri guddoomiyhu.

1-da Luulyo maalinta Xoriyadda iyo israaca 2-da Gobol (warbixin)

Dadka Soomaaliyeed ,waxa ay ka mid yihiin umadaha caalamka ee halganka dheer u galay raadinta sidii looga hoos bixi lahaa gumeysiga shisheeye,isla markaana  loo gaari lahaa xoriyad, midnimo iyo dhismaha qaran Soomaaliyeed oo wax la qeybsada dunida.

Haddaba,1-da Luullyo waa maalin qaran oo loo dabbaaldego xoriyadda gobolada koonfureed iyo israaca labada gobol ee woqooyi iyo koonfur,waana calaamad ama astaan muujineysa in dib loo soo ceshaday madaxbannaanida dhaqdhaqaaqyadii nololeed iyo horumaradii kale ee ay hakiyeen qeybihii gumeysiga ee qabsaday dalka.

Taariikhda halgankii Soomaaliya

1-Wajigii koowaad

Sanadkii 1507-1543-dii waa markii ugu horeysay ee dagaal gumeysi diid ah oo uu horsed ka ahaa halgame Axmed Garaad Ibraahim “Axmed Gurey uu ka bilowday Geeska Afrika,gaar ahaan deegaanada dhaca dhulka howda ee ay degaan dadka ku hadla Afka Soomaaliga,waxaana dagaaladaasi oo socday muddo sanado ah  ay sababeen in la joojiyo isballaarintii ay damacsanaayeen boqortooyadii Abasiiniya ee carigga Itoobiya.

2-Wajigii labaad

Sanadkii 1884-tii ,gumeysiga reer Yurub ayaa bilaabay xeelado cusub oo lagu qeybsanaayo dalalka Afrika,gaar ahaan geeska Afrika, ,taasina waxay dhalisay in dadka Soomaaliyeed ay ku baraarugaan  quwadaha shisheeye ee dalka u yimid in ay ka fuliyaan dano gaar ah,iyagoo oo  adeegsanaya qaab gumeysi casri ah.

2-Wajigii sadexaad

Horaantii qarnigii 19-aad Waxaa mar kale gudaha dalka Soomaaliya,gaar ahaan goboladii woqooyi ee uu mamulkeeda haayey Ingiriiska ka bilowday dagaallo iyo dhaqdhaqaaqyo lagu diidanaa gumeysiga,kaas oo socday 20-sano,waxaana  horsed ka ahaa ciidamadii Daraawiishta ee uu hoggaaminaayey Sayid Maxamed C/lle Xasan iyo qaar ka mid ah hoggaamiyaasha bulshada ee gobolada woqooyi.

Sidoo kale Gobolada Koonfureed,waxaa iyana xilligaasi ka jiray dagaallo lala galay Talyaaniga oo ka dhacay deegaano badan sida,Lafoole ,Marka iyo Muqdisho, waxaana dagaaladaasi ay noqdeen dhaqdhaqyo bilow u ah sidii la isaga tuuri lahaa heeryaddii gumeysiga .

3-Wajigii afaraad

  1941-1949-kii, waxaa gudaha dalka Soomaaliya,si rasmi ah uga bilowday dhaqdhaqaaqyo xornimo raadin ah oo looga horjeeday gumeysiga Ingiriiska oo xilligaasi gacanta ku haayey maamulka labada gobol ee woqooyi iyo koonfurta dalka,ka dib markii Talyaaniga looga adkaaday dagaalkii labaad ee dunida.

Dhaqdhaqaaqyadaasi siyaasadeed ee gobanimo doonka ah waxaa sanadkii 1943-dii bilabay urur la magic baxay Naadiga Dhallinyaro Soomaaliyeed,kaas oo sanadkii 1947-dii qaatay magaca Ururka SYL,wuxuuna awood u yeeshay in muddo kooban uu afkaarta la xiriirta raadinta xornimada ku baaahiyo  guud ahaa gobolada dalka iyo deegaanada kale ee ay dagaan dadka Soomaalida,sida  Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti

Dhinaca kale,,Ururkii SNL ee gobolada woqooyi,odayaal iyo waxgarad ka tirsan ururkaasi,ayaa u howlgalay raadinta midnimo Soomaaliyeed oo aaan ku xirneyn wax shuruud ah,waxayna sanadihii u dhaxeeyay 1946-1947-dii qoraal lagu codsanaayo in la mideeyo shanta Soomaali weyn ay u gudbiyeen maamulkii Ingiriiska ee joogay qobolkaasi.

Sanadkii 1949-kii Ururka SYL waxa ay ku guuleysteen in ay qoraal ku saabsan gumeysiga ka jira dalka Soomaaliya iyo sida ay u doomayaan xoriyad ay u gudbiyeen Qaramada Midoobay,waxaana sanadkii 1950-kii 1-dii April la ogolaaday in talada gobolada Koonfureed lagu wareejiyo Talyaaniga si uu u maamulo muddo 10-sano oo xornimo gaarsiin ah.

Inkastoo Ingiriiska uu doorbiday in maamulkiisu uu baaqi ku sii ahado gobolada Woqooyi ,sanadkii 1954-55-tii wuxuu  sameeyay xad ama seere been abuur ah oo dhulalkii NFD-da Kenya, howdka Itoobiya iyo xeebaha Jabuuti ka dhigaya mid ka madax bannaan deegaanada Soomaalida,ka dib markii uu ku fashilmay in talada dalka Soomaaliya loo daayo.

Labada urur ee SNL iyo SYL waxay iyagoo gacan ka helaya culuma’udiinka , odayaasha dhaqanka, haweenka, shaqaalaha muruq-maalka ah iyo dad wax bartay ay ku guuleysteen in sanadihii u dhaxeeyay 1950-60-kii,in  la sii wado wadahadaladii u dhexeeyay ururada,si meesha looga saro gumeysiga,isla markaana loo helo midnimo iyo wadajir Soomaaliyeed.

Heshiisyadii ugu muhiimsanaa ee keenay Israacii labada gobol ee woqooyi iyo koonfur,waxa ay dhaceen Sanadihii u dhexeeyay  1956-dii illaa 1960-kii,xilligaasi oo gobolada koonfureed ay ka jireen Dowlad Daakhili ah,halka gobolada woqooyi iyaguna ay ka jireen maamul hoosaad ay dusha kala socdeen Ingiriiska.

Waxaa xaqiiqo ah in halgamayaal badan oo ay ka mid ahaayeen Axmed Gureey,Sayid Maxamed C/lle Xasan,Maxamed Cismaan Dhagaxtuur,Xaawo Taako iyo kuwo kale ay ahaayeen kuwo maalkooda iyo naftooda u huray sidii ummadda looga dulqaadi lahaa gumeysiga shisheeye ee dalka u yimid in ay gurtaan kheyraadka dabiiciga ah.

Sanadkii 1960-kii waa markii ugu horeysay ee xornimo rasmi ah iyo maamul dowladnimo oo madax bannaan ay qaataan gobolada koonfuree,isla markaana calan soomaaliyeed oo xor ah laga taago magaalada Muqdisho, marka laga reebo gobolada woqooyi galbeed oo 26-kii Juun ku horeeyay callansaarka,

Haddaba,Xuska 1-da Luulyo waa munaasabadda ugu weyn ee ku qoran baalasha dahabiga ah ee taariikhda Soomaaliya iyo quluubta dadka,isala markaana keentay in sanad kasta loo qumo ama loo dareero dabbaaldegga maalmaha xoriyadda gobolada koonfureed iyo israaca labada gobol ee koonfur iyo woqooyi, ka dib halgan dheer oo loo  soo galay hanashada madaxbanaanida dalka iyo tuuristii nuucyada gumeysi ee ka jiray dalka.

Waxaa nasiib wanaaag ah in 1-da Luulyo muddo sanado ah ka dib ay hesho hab-maamuuskii qaran ee ay laheyd,ka gadaal markii dib u habeyn lagu sameeyay muuqaaladii ay lahaayeen taallooyinka taariikhiga ah ee lagu xasuusto halgamayaashii doorka xoogan ku lahaa xilligii xoriyad doonka .

Waxaa shaki la aan ah in 1-da Luulyo ay tahay muraayad laga daawado miro dhalka halgankii siyaasadeed ee sida waddajirka ah ay u fuliyeen,qeybaha bulshada Soomaaliyeed,gaar ahaan dhallinyarada oo ah awoodda keliya ee xilli kasta u taagan badbaadinta shacabka.

Ujeedooyinka fog ee ka dambeeya qabashada xusaska taariikhiga ah ee maalmaha qaran, waa soo bandhigidda raadadkii ay ka tageen halgamayaashii kaalinta weyn ku lahaa raadinta xoriyadda, si jiilasha dambe ay u noqdaan kuwo waaya arag ah oo wax ka bartay dadaaladii dadkii ka horeeyay.

Marka loo eego xaaladda adag ee uu dalku marayo iyo gaabiska ka muuqda horumarka dalka,waxaa haboon in  dhallinyarada iyo aqooyahanada kale ay u istaagaan xal u helidda deegaanada maqan iyo guud ahaan soo celinta kalsoonidii luntay ee dadka ku kala baahsan Raas Caseyr ilaa Raas Kaambooni.

Ugu dambeyntii waxaan dhambaal hambalyo ah oo ku aadan xuska 1-da luulyo halkaan uga direynaa guud ahaan shacbiga Soomaaliyed meel kasta oo ay joogaan.

W/qoray Shire Xasan Kulmiye

Ra’iisul Wasaare Rooble oo qaabilay Safiirka Kenya ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa qaabilay Safiirka Dowladda Kenya u fadhiya Soomaaliya Mudane Lucas Tumbo oo ay ka wada hadleen hagaajinta, xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee dariska ah.

Danjire Lucas Tumbo ayaa sheegay in uu ka shaqeynayo wanaajinta xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya.

Kulanka ayaa imaanaya xilli dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ay dib u soo celiyeen xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal.

Ra’iisul wasaare Rooble oo tababar u furay Gudiyadda doorashooyinka heer Federal iyo heer dawlad goboleedd

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa tababar u furay Guddiyada Doorashooyinka Dalka heer federal iyo heer dawlad goboleed tababarkan ayaa socon doona mudo afar cisho ah.

RW Rooble ayaa gudiyadda kula dardaarmay in ay si daahfuran oo caddaalad ah u maamulaan hawlaha doorashooyinka ee loo igmaday.

Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ee XFS oo fasaxday Shaqaalaha Dowladda

War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in shaqaalaha kala duwan ee hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ay fasax yihiin maalinta Khamiista ah.

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu hambalyeeysay Bulshada Soomaaliyeed toddobaadka xorriyada, iyadoo sidokale ku wargalinaysay dhammaan Shaqaalaha hay’adaha Dawladda iyo kuwa gaarka ah in maalinta Khamiista ah oo ku beegan 1-da Luulyo ay tahay maalin fasax qaran ah.