Amiirka Qatar oo u hambalyeeyay Madaxweynaha Soomaaliya

Amiirka dowladda Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad al-Thaani ayaa dhambaal hambalyo ah oo ku aadan xuska munaasabadda kowda Luulyo u soo direy madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo.

Amiirka ayaa Dowladda Soomaaliya iyo shacabkaba u rajeeyay in sanadkaan kiisa kale ay ku gaaran horumar iyo barwaaqo.

Soomaaliya ayaa maanta u dabaaldegaysa 61 sano guuradii ka soo wareegatay maalinta xoriyadda ee 1-da Luulyo 1960.

Munaasabado waa weyn ayaa ka dhacayay gudaha dalka iyo dibadda, kuwaas oo lagu weynaynayo maalinta xoriyadda iyo midnimada dalka.