Ra’iisul wasaare Rooble oo xafiiskiisa ku qaabilay u qaabilsanaha UNICEF ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay u qeybsanaha UNICEF ee Soomaaliya Mohamed Ag Ayoya.

U qaybsanaha ayaa Ra’iisul Wasaaraha warbixin ka siiyay howlaha UNICEF ee Soomaaliya iyo qorsheyaasheeda mustaqbalka.

Ciidanka Xoogga dalka oo 15 maleeshiyada Al-shabaab ah ku dilay Galguduud

Ciidamada xoogga dalka ayaa guul kasoo hooyay dagaal saaka  ay ku qaaden maleeshiyaad kooxda qawaariijta ah ee Alshabaab.

Inta la ogyahay 15 dagaalame oo ka tirsan argagaxisada ayay ciidamadu ku dileen howlgal ka dhacey inta u dhexeysa Ceeldheere iyo Tuulo-xaayoow oo dhaca inta u dhexeysa laamiga xiriiriya Guriceel iyo Dhuusamareeb.

Maleeshiyaadka oo doonayay in ay miinooyin galiyaan wadadda ayay ciidamada ay  ku weerareen waxaana lasoo warinayaa in laga furtay argagaxisada ku dhowaad 10-qori oo ah boobayaal.

Diyaarad siday ciidamo oo ku burburtay Dalka Filibiin

Diyaarad Milatari oo daabulaysa ciidamo ayaa ku burburtay koonfurta dalka Filibiin kadib markii ay isku dayday in ay soo cagadhigato dhabbaha garoonka jasiirada Jolo, oo kun-km koonfur ka xiga caasimada Manila

Taliyaha militariga Janaraal Cirilito Sobejana ayaa saaka saxaafada u sheegay in ugu yaraan 40 qof laga soo badbaadiyay burburka diyaarada C-130,ka dib kolkii ay isku dayday in ay soo cagadhigato wadada garoonka diyaaradaha,balse la sheegay in ay u suurtagali weysay.

Diyaaradaan burburtay ayaa ka mid aheyd diyaaradihii ay dhawaan lawareegeen ciidamada Filibiin bishii Febraayo ee lasoo dhaafay,waxayna daabulaan ciidamada iyo shaqaalaha mileteriga.

Shilkan ayaa dabasocda diyaarad Helicopter ah oo loo yaqaan Black Hawk oo bur burtay bishii la soo dhaafay,xilli ay ku guda jirtay tababar,waxaana ku dhintay dhammaan lixdii qof ee la socday.

SAAXIBADA SOOMAALIYA EE CAALAMKA OO DHAMBAALLO HAMBALYO AH USOO DIRAY MADAXWEYNAHA JFS IYO SHACABKA SOOMAALIYEED.

Iyada oo si weyn looga dabaaldagay 61 sano guuradii ka soo wareegtay xornimada jammuuriyadda fadaralka Soomaaliya ayaa saaxibada Soomaaliya ee Caalamka waxey tahniyad Hambalyo ah u soo direen Madaxweynaha Jammuuriyadda Fadaraalka Soomaaliya iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed. Waxaana ka mid ah madaxda saaxibada Soomaaliya ee Hambalyada usoo diray Madaxweynaha Jammuriyadda Soomaaliya.

Madaxweynaha Jarmalka, Frank-Walter Steinmmeier.

Waxuuna madaxweynaha Jammuriyadda iyo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey maalmaha xorriyadda Qaranka, asigoona sheegay in xanuunka Covid-19 uu saameyn ku haayo dalalka Somaaliya iyo Jarmalka iyo guud ahaan caalamka, waxuuna Soomaaliya ku amaanay in ay ka qeyb qaadaneyso dadaalada talaalka ee xarunta Covax, taasi oo ay taageerto Jarmalka.

Jarmalka ayaa sidookale soo dhaweeyey is afgaradka laga gaaray doorashada ee uu hogaaminaayo Ra’isal wasaaraha Jammuriyadda Fadaraalka Soomaaliya, sidokle qoraalka ka soo baxay madaxtooyada Jarmalka ayaa lagu yiri ‘’ Jarmalku waxuu sii ahaan doonaa lammane lagu kalsoonaan karo  xagga nabadda iyo sameynta nidaamka fadaraalka ah ee Soomaaliya’’.

Sidokle wadamada Jabbuti, Turkiga, Canada, Poland, Australian, Talyaaniga iyo wadamo kale oo badan oo katirsan saaxibada Soomaaliya ee Caalamka ayaa tahniyad ku aadan 7-aadkii xorriyadda la wadaagay Madaxda Qaranka oo ugu horeeyo Madaxweynaha Jammuriyadda Fadaraalka Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed, iyagoona muujiyey taageerada ay u haayaan Soomaaliya.

Maxkamadda Ciidamada oo Xukun ku riday Eedeysane Dil loo heysto

Abuukar Macalin Axmed Hilowle ayaa loo haystaa dhac iyo dil uu gaystay Marxuum Axmed Cali Nuur 19-kii Maarso sanadkaan, dilkaasi oo ka dhacay deegaanka Jasiira.

Ciidamada deegaanka ayaa ku soo wareejiyay eedeysanaha Hey’adda danbi barista ee CID. Baaritaan dheer oo ay hey’addu samaysay ka dib ku wareejiyay xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka-sida dabayaaqadii Maarso.

Isla xilligaasi Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada ayaa codsaday in eedeysane Abuukar Macalin Axmed Hilowle loo dhaadhiciyo xabsiga dhexe gar-suge ahaan, waxa ayna Garsoorka Ciidamadau ka aqbaleen xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada dalabkoodii.

Kowdii June iyo 15-kii June sanadkan ayaa loo kala fariistay laba fadhi oo ay dhageysiga Maxkamadda qaadatay, waxa ayna dhinacyada dacwadda ku soo bandhigeen Fadhiga Maxkamadda kaalmaha sharci ay leeyihiin.

Eedeysanaha ayaa Marxuumka  oo u damaashaad tegay Jaseera isku dayay in uu dhac u gaysto laakiin sida Maragyada Qaar ay sheegeen Marxuumka uu ku adkaysatay in uusan teleefoonkiisa dhiibin Maadaama uu Aaminsanaa inaan lagu dhici Karin Xeebta loo dalxiiska tego ee Jaseera.

Waxa ay saaxiibbadiisa maalinkaasi la damaashaad tegay ay u sheegeen Garsoorka in Marxuumka kadib uu eedeysanaha isku dayay Baxsad isaga oo ugu soo riday gadaal xabado raacda reeb ah.

Dhamme Ismaaciil Salaad Maxamed ku xigeenka Xeer ilaaliyaha Ciidamada Qalabka Sida ayaa u sheegay Garsoorayaasha in Eedeysanaha uu dilka u gaystay ku tala gal isla markaasna uu isku dayay in uu Baxsado, sidaas darteed ayuu ka codsaday Garsoorka in lagu xukumo Ciqaab u dhiganto Qodobada ay ku soo Eedeeyeen Abuukar Macalim.

Qareenada u dooday Eedeysanaha ayaa Iyana Maxkamadda ka codsaday in loo Naxariisto Eedeysanaha oo laga qaado diyo Maadaama Marxuumka uusan dhacayn balse uu kaga baqay Naftiisa.

Maxkamadda ayaa muddo kadib go’aan ka soo saartay Kiiska Abuukar Macalin Axmed Hilowle, waxa ayna ku xukuntay Dil toogasha ah oo ah Qisaasta arxuum Axmed Cali Nuur sida uu dhinacyada Dacwadda u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

sida maxkamaddu sheegtay xukunsanaha ayaa heysto soddon maalmood oo uu Rafcaan ku qaaadan karo.

Shirka Golaha Wasiirradda Maamulka Hir-shabeelle oo beri ka furmi doona Beled weyne

Shirka golaha wasiradda maamul goboleedka hir-shabelle ayaa beri kafurmi doona magaalo madaxda gobolka hiiraan ee Beledweyne, xubnaha golaha wasiiradda hir-shabelle ayaa maanta safar ku gaaray halkaasi.

Shirka golaha wasiirada ayaa waxa shir-guddoonmin doona madaxweyne ku-xigeenka hir-shabeelle ahna ku simaha madaxweynaha mudane Yuusuf Axmed Hagar.

Ra’iisul wasaaraha XFS oo ka tacsiyeeyay geerida Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta

Waxaa Magaalada Muqdisho ku geeriyooday General Cabdulqadir Cali Diiriye (Subxaanyo) oo soo noqday taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

Gen. Cabdulqaadir ayaa la xaqiijiyay in maalmihii u danbeeyay uu xanuunsanayay.

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka tacsiyeeyay geerida Jananka waxa uuna yiri:

“Naxariistii Janno Allaha ka waraabiyo General Cabdulqadir Cali Diiriye (Subxaanyo) oo ahaa ruug caddaa ciidan iyo waayo arag dalka iyo dadka ugu soo shaqeeyay si daacadnimo iyo geesinimo leh. Waxaan geeridiisa uga tacsiyeynayaa qoyskiisa iyo Qaranka Soomaaliyeed.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha dalka.

Guddiga doorashooyinka oo doortay Guddoomiye ku meel gaar ah

Kulan rasmi ah oo ay maanta yeesheen guddiga hirgelinta doorashooyinka heer Federaal ayaa u doortay Mudane Muuse Geele Yuusuf gudoomiyaha kumeel gaarka ah ee guddiga.

Guddoonkaan cusub ee ku meel gaarka ah ayaa hawshiisu tahay qaban qaabada iyo qabashada guddoonka guddiga Qaran ee hagaya doorashada.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa dhisay guddi ka kooban shan (5) xubnood oo qabanaya doorashada guddoomiyaha iyo guddoomiye ku xigeenka oo dhici doonta maalinta Axadda ee ku beegan 4-July-2021.

Guddoomiyihii hore Maxamed Xasan Cirro ayaa xilka ku wareejiyey gudoomiyaha ku meel gaarka ah ee cusub.

Ciidanka Xoogga oo howl-gallo ka fuliyay wadada isku xirta Sh/hoose iyo Baydhabo

Howlgal Si Wadajir ah  ay uu sameeyeen Ciidanka  kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidamada Daraawishta Koonfur Galbeed ayaa lagu qaadey isbaarooyin dhowr ah oo eetsanaa wadada isku xirta Baydhabo iyo Muqdisho,

Howlgalkan oo uu horkacayey wasiirka Amniga Koonfur galbeed ayaa waxaa qeyb ka ahaa wasiirka Arrimaha gudaha Taliyaha Ciidanka Daraawishta,Sarakiil ka kala socdey Ciidamada Xoogga Dalka .

Inta uu socdey Howlgalkan isbaara qaadista ah ayaa waxaa ciidamadu ku gubeen isbarooyinka kala ah Balow,Daa’uud Buulle,Isbaaro Taraafico iyo dhufeysyo meleshiyaad beeled ay ka sameysteen gudaha Degmada Walanweyn,

Mudada uu socday howgalkan waxaa ciidamada huwanta ah gacanta ay ku soo dhigeen askar si sharci daro ah lacago ugu qaadayey Gadiidka isticmala waddooyinka muhiimka u ah Gobolka iyo guud ahaan dalkeena .

R/Wasaare Rooble oo sheegay in wadada kaliya ee lagu gaari karo horumar ay tahay midnimo iyo wadajir

Ra’iisul Wasaare Rooble”Waxaan maanta u Dabbaal degaynaa 1-da Luulyo oo ku beegan Sanad guurada 61-aad ee ka soo wareegtay Xorriyaddii Gobollada Koofureed ee dalkeenna, Midowgii Koofur iyo Woqooyi iyo Dhalashadii Qarankeenna.

61 sano ka dib, waxaan baahida ugu weyn u qabnaa midnimo iyo wadajir oo ah jidka kaliya ee aan ku gaari karno horumarka aan hiigsaneyno, kulana tartami karno dalalka iyo dadyowga asaaaggeen ah.”