Ciidanka Xoogga dalka oo 15 maleeshiyada Al-shabaab ah ku dilay Galguduud

Ciidamada xoogga dalka ayaa guul kasoo hooyay dagaal saaka  ay ku qaaden maleeshiyaad kooxda qawaariijta ah ee Alshabaab.

Inta la ogyahay 15 dagaalame oo ka tirsan argagaxisada ayay ciidamadu ku dileen howlgal ka dhacey inta u dhexeysa Ceeldheere iyo Tuulo-xaayoow oo dhaca inta u dhexeysa laamiga xiriiriya Guriceel iyo Dhuusamareeb.

Maleeshiyaadka oo doonayay in ay miinooyin galiyaan wadadda ayay ciidamada ay  ku weerareen waxaana lasoo warinayaa in laga furtay argagaxisada ku dhowaad 10-qori oo ah boobayaal.