Maxkamadda Ciidamada oo Xukun ku riday Eedeysane Dil loo heysto

Abuukar Macalin Axmed Hilowle ayaa loo haystaa dhac iyo dil uu gaystay Marxuum Axmed Cali Nuur 19-kii Maarso sanadkaan, dilkaasi oo ka dhacay deegaanka Jasiira.

Ciidamada deegaanka ayaa ku soo wareejiyay eedeysanaha Hey’adda danbi barista ee CID. Baaritaan dheer oo ay hey’addu samaysay ka dib ku wareejiyay xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka-sida dabayaaqadii Maarso.

Isla xilligaasi Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada ayaa codsaday in eedeysane Abuukar Macalin Axmed Hilowle loo dhaadhiciyo xabsiga dhexe gar-suge ahaan, waxa ayna Garsoorka Ciidamadau ka aqbaleen xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada dalabkoodii.

Kowdii June iyo 15-kii June sanadkan ayaa loo kala fariistay laba fadhi oo ay dhageysiga Maxkamadda qaadatay, waxa ayna dhinacyada dacwadda ku soo bandhigeen Fadhiga Maxkamadda kaalmaha sharci ay leeyihiin.

Eedeysanaha ayaa Marxuumka  oo u damaashaad tegay Jaseera isku dayay in uu dhac u gaysto laakiin sida Maragyada Qaar ay sheegeen Marxuumka uu ku adkaysatay in uusan teleefoonkiisa dhiibin Maadaama uu Aaminsanaa inaan lagu dhici Karin Xeebta loo dalxiiska tego ee Jaseera.

Waxa ay saaxiibbadiisa maalinkaasi la damaashaad tegay ay u sheegeen Garsoorka in Marxuumka kadib uu eedeysanaha isku dayay Baxsad isaga oo ugu soo riday gadaal xabado raacda reeb ah.

Dhamme Ismaaciil Salaad Maxamed ku xigeenka Xeer ilaaliyaha Ciidamada Qalabka Sida ayaa u sheegay Garsoorayaasha in Eedeysanaha uu dilka u gaystay ku tala gal isla markaasna uu isku dayay in uu Baxsado, sidaas darteed ayuu ka codsaday Garsoorka in lagu xukumo Ciqaab u dhiganto Qodobada ay ku soo Eedeeyeen Abuukar Macalim.

Qareenada u dooday Eedeysanaha ayaa Iyana Maxkamadda ka codsaday in loo Naxariisto Eedeysanaha oo laga qaado diyo Maadaama Marxuumka uusan dhacayn balse uu kaga baqay Naftiisa.

Maxkamadda ayaa muddo kadib go’aan ka soo saartay Kiiska Abuukar Macalin Axmed Hilowle, waxa ayna ku xukuntay Dil toogasha ah oo ah Qisaasta arxuum Axmed Cali Nuur sida uu dhinacyada Dacwadda u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

sida maxkamaddu sheegtay xukunsanaha ayaa heysto soddon maalmood oo uu Rafcaan ku qaaadan karo.