Diyaarad siday ciidamo oo ku burburtay Dalka Filibiin

Diyaarad Milatari oo daabulaysa ciidamo ayaa ku burburtay koonfurta dalka Filibiin kadib markii ay isku dayday in ay soo cagadhigato dhabbaha garoonka jasiirada Jolo, oo kun-km koonfur ka xiga caasimada Manila

Taliyaha militariga Janaraal Cirilito Sobejana ayaa saaka saxaafada u sheegay in ugu yaraan 40 qof laga soo badbaadiyay burburka diyaarada C-130,ka dib kolkii ay isku dayday in ay soo cagadhigato wadada garoonka diyaaradaha,balse la sheegay in ay u suurtagali weysay.

Diyaaradaan burburtay ayaa ka mid aheyd diyaaradihii ay dhawaan lawareegeen ciidamada Filibiin bishii Febraayo ee lasoo dhaafay,waxayna daabulaan ciidamada iyo shaqaalaha mileteriga.

Shilkan ayaa dabasocda diyaarad Helicopter ah oo loo yaqaan Black Hawk oo bur burtay bishii la soo dhaafay,xilli ay ku guda jirtay tababar,waxaana ku dhintay dhammaan lixdii qof ee la socday.